Friday 12 August 2011

abwaan maaweel oo la waydiiyay siday ku bilaabantay isu gabayga isaga iyo ina khaliif walah

SU’AAL: Silsiladaha gabaydaada loogu jecel yahay waxaa ka mid ah gabaydii adiga iyo Khaliif Xasan Walah idin dhex maray, haddaba, maxaa sabab u ahaa inaad Ina Walah isu gabydaan?

Maaweel: Waxay ku biloowdeen, annagoo aan is aqoon, oo aan Sucuudiga joogo, isaguna uu Muqdisho ku sugan yahay ayaa Khaliif Xasan Walah lagu yidhi: “Maaweel iyo Barre Cilmi Dable ayaa sucuudiga isugu gabya oo adigana kuma yaqaaniin…halkaasna iyagaa gabay ku haysta”. Waxaa loo geeyey gabayo siinley ah oo aanu aniga iyo Barre-yare isu marinay, Khaliifna waa naga da’ weeynaa, halkaas ayuu xin qooq iyo nin toocsi ka soo diray, tix dheer oo uu noo soo tiriyey waxaa ku jirey meerisyadan:

Barre wuxuu Siraadley u koray guudkana u seexday
Maaweela surucii ku kacay Surrad u gaadhsiiyey
Oo labada buuroode siman maanta kala saaray
Oo ay safaynka u yihiin loona kala soocmay

Ee reer Sanaag nabad gelyada ugu safaadaayo
Ma sinsaaro xidid baa dhacdoo maro la saaraayo
Ma sabool hunguri jiitey baa loo suburi waayey

Ma sokeeye gaajaysan baa sarar wan weyn qaatay
Ma ciqaabadaa sahakan dhacay laysku weada seegay
Mise reer magaal saaqidaa seef isugu dhiibey

Saqda dhexe waxaa loo tumaa sacabka waa xeele
Sididiida iyo hiihdu waa sogordoh waayeele
Suul-daaro meel loo wadaa lay sandahayaaye

Ilaa gabayga meel lagu sardoho sababna loo yeelo
Oo aan saxiixiisa helo waydin sugayaaye
Saaxiibayaal noo dhakhsada waydin sugayaaye!!.

Markii aan helay tixda Ina Xasan Walah, anigu ninka ma aqoon sidaa darteed waxaan xuuraamay inaan dabeecadihiisa wax ka ogaado, waxaana ii soo baxday inuu Kenya joogi jirey oo qaadka iyo hawlihiisa ku xun yahay, markaasaan u diray tix ay tuducyadani ka mid ahaayeen:

Sakaar weeynta Kiiniya marakaad saar la tumanaysey
Saqda dhexe habaynkii adoo saambe jebinaaya
Adigoo surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka

Oo aan sanqadhi kuu baxayn laguna saaraynin
Oo sawdka kaad ugu jeclayd sare u qaadaaya
Simbiidhooyinkaad dhigi jirtiyo seleladaadii dheh!!.

Khaliif Xasan Walah wuu ii soo jawaabay, waxaana ka mid ahaa gabaygii uu ii soo diray:

Sakaar weeynta Kiiniya markaan saar la tumanaayey
Markii aan surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka

Kolkaan sawdka kaan ugu jeclaa sare u qaadaayey
Ma saqeeyihii baa warramay gurayey saabaanka
Ma sameecaddii baad ahayd hadalka saydhaysey

Siglankiyo halawgii miyaa kuu sudhnaa dhegaha
Duq sagaashan jirey baan ahay iyo dayr siyaada’ahe
War maadaa sirtaydiyo ogaa waxaan samaynaayey!!.

No comments:

Post a Comment