Friday 12 August 2011

nolosha dhabtaa

Warqado Jaceyl

Warqado Jaceyl

Warqadaha ama fariimaha jaceylka waa mid ka mid ah waxyaabaha uu ku istaago jaceyl baaxad weyn leh. halkaan waxaan kuugu soo diyaarinay warqado dhowr ah oo jaceyl ah aqriso oo u dirso qofka aad jeceshahy

Warqada 1aad

KA: NAF WAX JECEL
KU: NAF LA JECEL YAHAY

nuuurki nolosheeedooow waaan ku salaamay salaan ka so go’day kashka iyo laabta, salaantaasoo ka macaan malabka shinida kana udgooon barafuunka bakhuuurka salaantaaso aan ku so marinaayo hawada inoo dhaxeeeso………………

dawadii nafteedow dadka kaaan ka dooortow soo ina aan ku sheego sidi eey nafteydu kuu tabeeeyso warqad iyo qalin uma qaadan marki aan bilaabay anigu dhan xaadu ima istaagin dheemankii naftooodow dharaaar iyo habeenba dhambaaaladii jaceylkaaaa dheef kaaga dhigayaa dhankaa iga xigtaaa aan ku so dhadhabayaaaa.

Warqada 2aad
Ka : La jecleey ( gacalisadii mustaqbalkaada)
Ku : Jaceloow ( Macaanahii nolosheyda)
Macaanoow iga gudoon salaan,aan maaxanaayey maalmo badan, murti iyo macno wayn xambaarsan,malo awaal ka dheeroo manafacaad wada. Aboowow macaanoow,hadaan kaaga waramo xaalkeeyga guud, maskaxdayda ma joogtoo,Wabi baa makhuurtoo ma nooli,Caashaq baa i mudoo maan ma haayo, maskaxda iyo maankayga adigaa ka muuqda,maalintaan ku waayana waan malganahay.

Run ahaantii aboowow, jaceylkaan aan kuu qabo ma ahan mid igu dhashay markaan aqriyay warqadada qimaha iyo qaayaha ku saleesneed ee waa mid aan baryo badan la wareersanaa, oo daawadiisa si aan u helo falkiisa ku jiray.Waxaa ii cuntami weysay in aan ku imaado kugu dhaho :
dhaayaha u roonoow
ku dhaadanaayaay
dhaxantiyo dabaylaha
kaan ka dhigsanayaan
laba dhimasho mooyee
iskuu dhaafin nololoo
waxaanahay is dhawrtoo
rabi kala dhantaaline
hayeeshee dhib hawliyo
dhakafaar adduunyiyo
ina kala dhexyaaloo
soo dhoofi waayee
dhulku kala fogaayoo
ATL NA dheeraa
ayaan dhixin habeenoo
dhakhso iigu kaa sima
jacaylkeenu hadmuu
ubad dhalaa

Laakiin hada waxaan hubaa in qalbigeega qeybtiisa kale ii difaacantahayoow oo aan isku si u wada shaqeyneeno
been laguma dhaartee
dhan loo dayaba wiilyahoow
jacaly iga dhab weeyee..

dhaqan kaama luminoo
dhismahaa ma liicine
waqti kuma dhirbaaxine
sidii aad u dhalatay
dheehii u leeyiin
wali dhabanadaaduye
anna waxa ii dhaawacay
dhaayaha u roonoow
dhoola ka qosolkaagee

Gacaliye waxaan kuu sheegayaaa in intaa ii heeso kabadan in ee agteyda ku yaalaan ,taasna waxaan jeclahay in aad ka aqrisan karto qoraaladii aan kor ku soo sheegay.Waxaan warqadaan ku soo xeraayaa, duco , ducadaasoow ku saleesan mahadnaqa ilaahay..sababtoo ah qalbiyooow, waxaanu nahay laba qalbi oo isku si wax u wada dareemay saas ee tahay awooday inee soo bandhigtaanoow ku heshiiyay in ee meel wax wada saaraan, taasna waxaa inoo suurto galiyay rabigeena…ilaahay waxaa inooga baryaa in aa noqono labii isku wartoo, ilmo baariya kala hela, aaqiro iyo aduunyaba farxad ku wada noolaadoo,laba dadka ka kala maseeraanoow, lagu wada sheekesto jaceylkoodana dhamaaninoo ,noqdaa kuwiii liibanaa ayaan ilaah inooga baryaayaa..AMIIN AMIIN YA RABi…

Love yaw id all my heart macaanooow,
MUUUUUUUUUUAH (K) ( intaas dambe shumis waaye )


Waqada 3 aad

Ka: me
KU: ayada..
Abaayo marka hore iga gudoon salaan kasoo goday kashka iyo laabta quraanka kariimka cadadiisa…abaayo ayaamahaan runtii aniga dhan waa is fahmi la ahay markaa qubeesanaayo ada aii muuqda, markaa qadeenaayo adigaa raashiinka iiga muuqda abaayo saaxiibadeey ayaan weediyaya waxaan dhahay sidaas ayaa i haasato maxaa u maleesiin intahay…saaxiibadeey waxay dheheen jeceel waaye marka abayao waaku jeclahay..abaayo jaceelkeega wax igala qabo plz warqadaan hadaa heshid si deg deg uga soo jabaab….

by qof ku jecel….

sidaas aan warqada u qoray noo….LOL ayadana jabaabta warqadaas gadaasheed lee iiguy so oqortay….marka adiga hadii aad qarqad jeceel qof u qori leheed sidee u qori leheed hada mahan waqtigaas oo aan sidaas lo il baxsaneen

Warqada 4aad

hi heblaayo abayo macan dhabtii waxad tahay nolal dacad ah oo qof ki helaa u elay lul ka dunida uu qali san lakiin waxan ku ducay sanaya inan luul kas an noqdo kii nolasha xalasha ah lawadagi laha ayan ku du cay sanaya abayo macan ad ban ugu farax sanahay madama annoqday jacayl kaga dhabta ah wana ku farax sanahay madama ad adiguna i jeceshahay macanay waxana ku rajay naya nolol aya tiin badan byee

Warqada 5aad

Ka: Kuusane
Ku: kuntuwaarey..

wixi la bilaabaayo bisinkaa lagu bilaabaa, meel hadii la`iskugu imaadono salaantaa la`isku boobaa..anigoo warqadaan ku bilaabaayo bisinka( bisimilaah) kuna xijinaayo salaan( salamu alaikum)..kuuna diidaayo wareer, ayaan warka soo gaabinaa, ileen hadal badan haan ma buuxshee.

Kuntuwaareyeey- waa la socdaa in aadan doctor aheen, balse wali cilado fara badan oo aan ayaantaan isku arki ayaan rabaa in aa kuu sheegto, sababta aan adi kuula soo doontayna waxay tahay aaminsanaan aan aaminsanahay in aad adi igu dhalisay waxaan. warka anigoo kugu daalinin..walaaley hadii aad wax yar iga maqnaanto waa ku xiisaa, erayo fara badan na waan isku aadistaa, anigoo is leh markaa aragto u sheeg, balse markaa ku arko wadnahaa i garaacmo, erayadina way igu mirqaan, oo afkaa juuqda gabo. walaaley burukiito ilaa buuf xanuun kuli waa igu dhaceen, balse waxaan hada i heesto waligey ma igu dhicin…shalay mar aan film hindi fiirsanaayay na atoorahoo ajay la yiraah, waxa ani i haysto uu sheeganaayay..kadibna wuxuu dhahay waa jaceel qofti ayuuna waraaqad u qoray.

ani hada iska bareejees aa ku jiraa..ajay oo gaal xun ah haduu warqad qoray ani maxaa ii diidaayo..marka walaaley gaashi xumeed oo kajol la dhahaayay ajay way aqbashee i aqbal yaah….ileen gaashaas makaa fiicnee mana kaa reer magaalsano.

anigoo koobaayo warka, i luv ya like ajay loves kajol!!!!!!

From: ajay iska bareejeeye
To: tu kaajol in ay iska bareejayso la rabo

Warqada 6 aad

salan dirano wacan

misna dabacsan o sare

oo diintii ilaahay iyo

dacadii kularan tahay

ayaan duciyo saman iyo

wanag kugu soodiray

erayo aan dunub iyo

ka ilal shay dilqaaf

misna an kadabacay

dare mayasha qalbiga iyo

labta dacaladediyo

daw gii ugu habonaa

ayaan kudiyarshoo

runtii inaad ideeqdan

daha kaga qadoo

dadwaynaha inan usheegan

hatan donaya durba gacaliso

danta ma is ku racnaa

waxan ku gu salamaya salanta is lam ka gacaliso A/SC .WR .WBR

walal hadan kaga waramo naftayda ilahay mahadii ad ayay u wacan tahay an ka ahayn maqnan shaha ay dareen tay maqnaan shahaas oo xagaga ah macanay ad ayan ku gu xisay dhabtii mar kii ad iga fogatay ayan dareemay jacayl ka dhabta ah in uu ad u xanuun kulul yahay macanay balse waxan ku dhihi laha is ka yaree ICE CREEM KA OK BYEE kkkkkkkkkkkkkkkkk i wish gd lucky baby

Warqada 7 aad

To:Gacalka
From:Gacaliso
Gacalka waan kusalame salantas kaso ogde kasha iyo labta…
abowe macan waxa aya rabe ina kushegto balse adiga busy le tahay..so hada aya waraqdan jacel kugu shegana..abowe macan malante o gurigena an isku baranenin…uma malenenin ina jacel kuqadayo balse marka an friends nuqune o an is dhaxgalne aya ogade ina tahay wiilka o nolasha ula qebsan lahay…
marka ad magalo kale ad ade aya ogade jacelka dhabta ah…markas waxa an samane jirne aya u xise…qoslke,,,farhade an isku qabne,,deshe an ciyarne jirne,,,
marka indha an firiyo aya jacelka igu so korda..waxana kasi jeclahay…ina si dhaqse ah ad igu solawatit..sida an uso ceshan lahene waxe hore..abowe macan waan ogahay waxa dhahe jirte jacel ima karayo balse hada adiga jacel kugu buqbuqe waan kujeda..

hada inkasto ad iga baqan tahay..qofka kalito an kafikiro an kaharsan waye haben iyo malen,, kajoge waye,,,an kasexan waye, an ka cuntene waye ..waxas daan jacel an adiga kuqabo waye..war an kahelo walalka….

i love u to death macanka…and i will always will No matter what u did..i will move on my life but my heart will be always on ur side….sweet_kisssweet_kiss

hey yo dont be laughting at my later cuz i never wrote a later to a guy..so i give my best shot..byebye

Warqada 8 aad

TO: Gabasha sanadka
From: luckyman
Marka hore salaan guud, lagu dheehay samiriyo, Suuradaha Qur’aankiyo, Sadarada Ilaahiyo, oon lala simmaa jirin, yaan kuu sidaayee, samo iiga guddoon, marka xiga sidaan ahay, sifafaalaheygiyo, sarta aan ka jeexoo, sii deeyo faraskee, saxan-saxo udgoonoo, saadirkey I siiyey baan halamsanayaa.Gacaliso, salaan kaddib, haddii aan kaaga waramo xaaladdeyda caafimaad, waxaan tebayo oo uurkeyga ka maqan waa adiga ooqura, haddaan adiga ku haystana naftu way damaashaadee, ee gacaloy diyaar ii ahow aan wada riyaaqnoon, guri wada yagleelnee.Gacaliso, waxaan mar walba daneynayaa inaan dhinacaaga joogo, naftu waxay jeclaataa inaad garabkeyga joogtid, waxaanan rajeynayaa in aad sideyda oo kale adigana xaggaaga ka adkeyn doontid xiriirkeena,Gacaliso, waxaan door bidayaa in aan ku imaado oo aan ku soo booqdo, maxaa yeelay haddii aan ku waayo noloshu waa macnaawi oo ceysh iyo cabitaan midna iima dhadhamayaan, sidaas darteed, tixdan geeraarka ah bal dhaayahaaga la raac oo sadar sadar u aqri:-Dheemantii Hablahaay, Dhacdadan iga dhegeyso,Gelin dhexe habeenkii, Dhaayuhu xasuus bay,Dhinacyadu jaleecaan, Dheguhuna codkaagay,Intaasay dhaafi waayeen, Dhumuc baa I saaranee,Inta aanan dheeliyin, Dhakafaarku igu kordhin,Dhuubooy dhax yarey, Dhinacaaga ila qabo::))

Warqada 9aad
Haddaad shalay saakay moodo, Saadambana berrito u malayso, ku sire gacalkaada moodo.

=Sideedaba garashadaadu, inay soof daran habowday, war miyuu kugu seegan yahay?.

=Jacaylkii aan kula sugaayay, Salaaddii Ina xaggaa, Sagaal rakcadood tukaday, sideedoo kale miyaa?.

=Malaha samir baa ka roon suddan…!!!.

=Labada isa suran sal iyo baar, sagsaag midi yahay sidaadaa, kan kale saafi yahay sideydaa.

=Su’aasha dhex taal sidoodaba, dambigaa bal mid saar sidoodaba.

=Jacaylkii aan kula sugaayay, Salaaddii Ina xaggaa, Sagaal rakcadood tukaday, sideedoo kale miyaa?.

Warqada 10 aad
ku: Lajeceloooow
ka:wax jecel

macaanka iga hanti salaan walaaltinimo, mid dhalinyarinimo, iyo mid Kal gacalnimo,
salaantaasoo darajadeedu sareeyso sidii saxan malab ka buuxo, oo sadriga ka timid, saluug lahayn, saxansaxadana ka udgoon baan kuugu simay,
Gacalka salaantaas waxaan kuusoo marinayey hawadda sare, qalbi jilcan iyo niyad saafi kuu ah.
naf aan seexanayn, madax kugu maqan, caqli kugu sahwiyee iyo indho jecel iney ku eegtaan ayaan kuu sidaa, ee iga gudoon…Caashaqa ha guul guulin.Ha udiidin gogoshiisa. ee wanaagooooow ma isoo dhaweysatid…

Warqada 11 aad
Ku: qalbigayga nuur kiisa IDIL

iga gudoon salaan loo hago mida loo hanweyn yahay una horeysa hablaha maanta dunida jooga, habsami & wanaag, heybad & asluub, hanaan & qurux, hamuun & kalgacal middii aan u hayay, hubaashii waxaad tahay inan tusalaaha ku haboon, hareerta kale ka eeg, heerka sixadeyda waa hagaag, adigana sidaa iyo si ka haboon ayaan had & jeer rabbi kaaga baryayaa , salaan kadib honey marna ha u maleyn in, inta aad iga maqan tahay in aan moogahay xusuustaada, markaan ku garwaaqsadana waa damqashadii & halkeedii, qalbigeyguna waa qalbigii dunida oo idil kaa yaqiinay, waa qalbigeygii gacan saarka uusan igala tashan kula lahaa, waa qalbigeygii aad wax walba u aheyd,waa qalbigii had iyo jeer xiliga uu kuu xiiso aad xubnihisa ku saaqi jirtay waa qalbigii mar kasto oow niyada kugu qabto ku la kulmi jiray asiga oo wax kasto iyo hurdo kasto ka hor marinaayo kulan kaaga iyo balan kaaga ,IDIL gacaliso waxaan ku Jeclaaday, Jaceyl

Warqada 12 aad
waxan bisin ka loqaban
barqad yelan mayan
yan ka boodin furehee
bismilahi wa kow
salan baxad waynoo
booga an kasoo jaray
aan kugu badbadshee
bilanay manabadbaa

waxaan waraqan ugu talo galay asxabta danaysa jacaylka


1 comment:

  1. Magacaygu waa Lilian N. Tani waa maalin farxad leh oo noloshayda ah sababtoo ah taakulaynta Dr. Dragoja ayaa ii soo bandhigay aniga oo iga caawinaya inaan ninkayga horey u soo celiyo jacaylkiisa iyo jacaylkiisa. Waxaan isguursaday muddo 6 sanno ah waana arrin aad u xun, sababtoo ah ninkeygu runtii khiyaanay aniga oo raadsaday furiin laakiin markii aan soo gaadhay e-mail Drsaguru oo internetka ku saabsan sida uu uga caawiyay dad badan si ay dib ugu soo noqdaan Iyo gacan ka gaysashada xariirka xidhiidhka iyo ka dhigo dadka in ay ku faraxsan yihiin xiriirkooda. Waxaan sharaxay xaaladdiisa isaga oo dabadeedna raadinayay gargaarkiisa, laakiin waxaan filayaa naxdin weyn oo uu ii sheegay in uu iga caawin doono kiiskeyga iyo halkaan iminka waxaan u dabbaaldegayaa sababtoo ah ninkeygu si buuxda ayuu u baddalay. Wuxuu had iyo jeer doonayaa in uu ilaasho oo aanan waxba ka qaban karin aniga oo aan joogo. Waxaan runtii ku raaxeeyaa guurka, waa dabaal weyn. Waxaan sii wadi doonaa markhaati on internetka sababta oo ah Drsaguru dhab ahaantii waa rasmi dhab ah. MA U BAAHAN TAHAY KA HELI KARTA DUKTORKA SAGURU HADDII HORE VIA EMAIL: drsagurusolutions@gmail.com ama whatsapp +2349037545183 Waa jawaabta kaliya ee dhibaatadaada oo aad ku dareento farxad xiriirkaada.
    1 JAWAABSAN
    2 WIN EX BACK
    3 MADAXA WUXUU
    4 HORUMARKA SPELL
    5 ILAALINTA SPELL
    6 TUSAALE BULSHADA
    7 GANACA SHARCI AH
    8 LIISKA SPELL iyo MAXKAMADDA XAAFADDA.

    ReplyDelete