Saturday 26 November 2011

waa siyaasiga ugu caansan ssc prof.cali khaliif galaydh

ALI KHALIIF GALAYDH
DATE OF BIRTH October 15, 1941
PLACE OF BIRTH Lasanod, Somalia
EDUCATIONAL BACKGROUND
1962 Secondary School Sheikh
1965 B.A (Honors) Boston University, Boston, M.A.
1969 M.A. Syracuse University, Syracuse, N.Y
1972 PH.D Syracuse University, Syracuse, N.Y
PROFFISSIONNAL EXPERIENCE
1965-1967 Political Officer, Ministry of Interior
1970-1973 Training and Research Officer, Somali Institute of Public Administration (SIPA)
1973-1974 Director General, SIPA
1974-1976 Director General, Jowhar Sugar Enterprise (SNAI)
1976-1980 Executive Chairman, Juba Sugar Project (JSP)
1980-1982 Minister of Industry
1982-1984 Fellow, Center for International Affairs, Harvard University, Cambridge, MA
1984-1986 Fellow, Center for Middle Eastern Studies, Harvard University, Cambridge, MA
1986-1989 Consultant for Private US Firms, USAID, and the U.N on Development Issues
1989-1991 Assistant Professor, Dept of Public ADM. Maxwell, Syracuse, University,
Syracuse, N.Y
1991-1994 Associate Professor, Dept of Public Administration, Maxwell School, Syracuse
University, Syracuse, N.Y
1994-1996 Professor of Public Administration and International Relations, Maxwell School,
Syracuse University, Syracuse, N.Y
1996- 2000
2000 - 2001
Chairman and CEO, SOMTEL., Sharjah, UAE
Prime Minister in Somalia
LANGUAGES Somali, English, Arabic

Sunday 6 November 2011

waa amiir cabdicasiis axmed xuseen

sawirkani waa sawirkii amiir cabdicasiis axmed xuseen oo wacdaro dhigaya

Saturday 29 October 2011

muuqaalka ceergaabo

waa muuqaalka magaalada ceergaabo gaar ahaan qaybta koonfurta magaalada ee ssc

Monday 17 October 2011

Geela wadankeena

sanad guurada labaad ee ssc oo siwayn looga xusay buuhoodle

sanad guurada labaad ee ssc oo siwayn looga xusay buuhoodle

waxaa Maanta Laga Xusay Magaalada Buuhoodle Ee xarunta G/cayn
Sabadguurada Labaad Ee Maamulka SSC waxaana si wada jira uga
soo qayb galay hogaanka sare ssc bulshada qaybeheeda kala gadisan.

ciidamada qaranka ee maamulka ssc oo yaguna goobtasi ka sameeyay
dhoolatus malatari iyagoo magaalada ku soo maray gaardis waxaana
ciidamada daba socday tiknikada ciidamada xooga ssc.

xafladan ayaa ah midii labaad ee ka soo wareegtay sanad guurada 2 ssc
waana markii labaad ee siwayn looga xuso magaalada buuhoodle waxana
dhamaan bulshada reer buuhoodle saaka ka muuqatay shucuur dareen farxadi
ku dheehantahay.
Hoos riix si aad udaawado

xigasho boocame.com

Saturday 13 August 2011

waa xulka qaribaada qaranka soomaaliya

12 APRIL 1899kii Aasaaskii Dawladdii Daraawiisheed ee Xornimada Dhalisay{Maqaal Taariikh Xanbaarsan}.

marka hore waxaa mahad oo dhan is kaleh allah kadib waxaa mahad mudan dadkii naftooda,malkooda iyo waqtigooda usoo huray xoraynta dalkeenna hooyo ee somaliya .

I ntaa ka dib waxaan is ku dayayaa inaan halkan kasoo jeediyo talo yar oo ku socota dhamaan shacabka somaaliyeed gaar ahaan dadka degga manadaqadda darawiisheed qaybaheeda kala duwan sidda ururada siyaasada oo ayga ugu horeeyaan madaxada maamulka SSC iyo dhamaan ururada kale ee ka soo jeeda isla mandaqadaa ,iyo qaybaha kale ee bulshada reer sool sanaag iyo cayn sida bahda waxbarasha,ururada bulshada ee ka howl gala gudaha iyo ganacsataba waxaan u soo jeedinayaa figrad odhanaysa ma samayn karnaa maalin la xuso kacaankii daraawiishta ee sababata unoqday xoraynta dalkeena hooyo?, taas oo ay igu kaliftay kadib markaan arkay in ubadkeena yaryar ay aad ugu baahan yihiin in la siiyo war taariikheed ku saab san dhaxalkii awoowayaashood ay uga tageen ,sidoo kalana marba marka kadanbaysa la sii ilawayo meeshana laga siisaarayo tariikhii darawiishta oo ah tariikhda kaliya ee dalkeenu kufaanayo .taas oo qoraalkeeda iyo ururinteedaba ay san jirin cid xil iska saartay marka laga reebo ilaahay hadaayee halyey AW JAMAC CUMAR CIISE oo aan odhan karo waa dhinbiil soo nooleysay taariikhdii daraawiishta waana ugu hanbalyeynayaa howsha uu isu taagay hilaada 60 sano ka hor uuna ku jiro ilaa iminkadan.

Waxaa hubaal ah in taariikhda dalkasta uu leeyahay in dadka dalkaa degani ay iyagu ilaashadaan kuna ilaaliyaan qoraal soo bandhigid iyo noocyada kala duwan ee xusuusaha (xuska)

Dhinaca kale waxaad modaa in dadka ku nool mandaqada SSC ay aad udayaceen dhaxalkii awoowayaashood uga tageen xataa in la qoro daaye wax hadal hayn ah oo ku saab san halgankiiba ma jiraan ,waxaad moodaa in laga saaray maskaxdeenaba taariikhdeenii aan dhaxalay.

waxaan talo ahaan si gaar ah ugu soo jedinayaa da’yarta ssc in ay qayb igala qaataan dadaalkan aan ku doonayo in laga xuso caalamka oo dhan sand walba kacaankii daraawiishta, si aan daaha uga qaadno macdanta taariikheed eek u aasan manadaqadeena

haddaba maalinka la xusayaa ee daraawiish la asasay waa maalinkee?

Ka dib markaan dib udheegtay taariikhda faca weyn ee darawiishta waxaan helay nuqul uu AW JAMAC CUMAR CIISE kuqoray buugiisa (TAARIIKHDA DARAWISHTA IYO SAYID MAXAMED CABILLE XASAN) in asaaskii darwiishta uu ingiriisku u aqoon saday 12 APIL 1899 waana tan wax bixin uu Sir C.F ARCHER oo ahaa gudoomihii maxkamadda ee w\somalia ku qoray buuggiisa

On 12th APRIL 1899the consul general reported to the foreign office that the mullahs active following was estimated at 3000 men, that all the tribesmen within reach, who had hitherto held aloof, were being compelled by force to join his standard, and that there was no longer any doubt that he was organizing a movement antagonistic to the administration.

Meanwhile a letter was received from the mullah, tauntingly throwing down the gauntlet and ending with the words which may be translated from the Arabic thus:(if you want war, we accept it .if you want peace, pay the fine). Raad raac – buugga AW JAMAC CUMAR CIISE .

Waraaqdan waxaa ku dac in qusulka guud ee ingiriisku ku war ku siiyey xafiiska arimaha dibadda ee ingiriiska in uu hayo cadaymo sheegaya inay jiraan ciidan dhan 3000 oo uu wato nin wadaad ahi ku waas oo ingiriiska ku lid ah…………..

Sidaa daraadeed waxaan qabaa in 12 april ee sand walba la duos kacaankii daraawiishta .muhiimada aan usocdaa waa in maalintaasi noqoto maalin la isku waraysto wixii tageyna wax la iska xasuusiyo ugana faa iidaysano gudbinta taariikhda darawiishta.

Waxaan hadalkayga ku soo afmeerayaa in ay hubaal tahay in haddii dadka ku dhaqan mandaqada SSC ay goostaan maalintaa ay faaiido weyn u tahay somalida oo dhan gaar haan da,yarteena soo koraya.

W\Q : CABDIRASAQ AXMED JAMAC

Email: qoje2@hotmail.com

Friday 12 August 2011

calanka ssc

barnamijka 7ka

Ma Ogtahay????????

In Albaabada Naarta ay Yihiin Todoba

In Cajaa’ibta Dunida ay Yihiin Todoba

In Riyadii Boqorkii Masar ay aheyd Todoba

In Caruurta lagu faro Salaada Todoba jir

In Dhawaafka lagu wareego Kacbada ay Tahay Todoba

In Socodka lagu maro inta u dhexeysa Safa iyo Marwa ay tahay Todoba

In Tirada Aayaadka Surada Fatixo ay tahay Todoba

In Tirada dhagaxda Jamaraadka la tuuro ay Tahay Todoba

In Tirada badaha Aduunka ay Tahay Todoba

In Qur’aanka lagu tilmaamay tirada samada Todobo ay tahay

In Qur’aanka lagu Tilmaamay Todobo Sabuul

In Qur’aanka lagu tilmaamay todobo Lo’ ah (Baqaraat)

In Xasanaadka qofka la yimaado loo laalaabayo Todobo goor

In Qofku marka uu sujuudo Todobo meel dhulka dhigo

In Salaada Ciidaha la Takbiiro Todobo

In Allah Hooskiisa ay harsanayaa Todobo maalin aan hoos kale jirin midka Allah mooyee

In Macaadinta Ra’iisiga ah ay yihiin Todobo

In tirada Usbuuca ay tahay Todobo

In midabada qaanso roobaadka ay tahay Todobo

In wareega Bishu ku sameyso dhulka ay tahay 4 Todobo (28 maalmood)

In Tirada Qaaradaha aduunka ay tahay Todobo

In marka ilmo kuu dhashaan Todoba maalmood gudihii loo walqalo

Ugu Dambeynta Shaahada Towxiidka ay tahay TODOBO

Share

guurdoonka ayuu kana quseeya rag iyo dumarba

Haweenka

Maseyrku Ma jaceylbaa mise waa kibir ???

Maseyr
Maseyr

Waa shey ilaahay ku abuuray qofkasta sida waxyaabaha qaar ee bini aadamka lagu uumay
Laakin waxaa jira qof Maseyrkiisa Macquul yahay iyo qof dhaafaya xadkii loogu tala galay oo qeyrul macquul ah

View full article »

gabar eey guursatay
gabar eey guursatay

Gabar eeygeeda Guursatay dhacdo cajiib ah Sheeko iyo Sawiro Riix Halkan

View full article »

BY: Cantar Xasan Bakar

BY: Cantar Xasan

Dad badan oo dunidan guudkeeda ku nool kuma qanacsana muuqaalka rasmiga ah ee alle ugu deeqay,waxaaney u heystaan in wax ay ka dhiman yihiin,islamarkaana waxey qanacsanan la’aantaa darted ku xambaartaa inuu qofku wax ka bedelo muuqaalkiisa rabaaniga ahaa,isagoo la soo shir tagaaya muuqaal cusub{ color cusub}. View full article »

Gabdho please is ilaaliya

Digniin 4 Somali sisters
Digniin 4 Somali sisters

Digniin culus qaas u ah gabdhaha, Jawiga oo fiican xataa is ilaalin waa in ay jirtaa, raga iska ilaaliya maaha sheekada, odayaasha nacana maaha, ee bal digniintan ila fiieri sister if you are rag please ha aqrin View full article »

dhacdo run ah oo layaab leh
dhacdo run ah oo layaab leh

Wiil sacuudiyaan ah oo ka cabanaaya gabar uu qadka ka bartay taasoo ugu hanjabtay in ay ku soo shaacin doonto sawiradiisa internetka hadii uusan u yeelin waxa ay rabto sheeko aan caadi eheen sii aqri View full article »

Riix Dhabarkooda

Riix Dhabarkooda

Sheeko murugo leh oo ka dhacday Masar.. Sii Aqri View full article »

Baaritaan Culus

Baaritaan Culus

Baaritankan ayaa waxaa ku sameenay xaalada nafsadeed ee ku nool yihiin gabdhaha Somalida ee jaamacadaha dibada dhigtaan ee nin la’aanka ah ( single ), dareenkooda iyo sida ay u wajahan single nimada
( doob nimada) View full article »

lagama maarmaan

Category: Ila Qosal

gabar eey guursatay
gabar eey guursatay

Gabar eeygeeda Guursatay dhacdo cajiib ah Sheeko iyo Sawiro Riix Halkan

View full article »

Camera Duubis Riix Sawirka

Camera Duubis Riix Sawirka

View full article »

Alar Clock

Alar Clock

Akhaabr aad u fiican ayaan wadaa dhamaan asxaabta hurdada aan caadiga eheen hurda, ayna dhacdo is salaad subax uu qal qal ka galo
Sawiro iyo sharaxaad dheer ayaan kuu hayaa haka caajisin fiiri hee View full article »

Xiligii Qosalka Sawiro qosal ah

kkk ang gagaga

kkk ang gagaga

Qosolka Muhiim waaye mararka qaar, khaasatan markaa maqaayada Online ka ah ee Somali action aad ka shaaheeso, No Waji Macbuusnimo, No oohin, bes qosal
ooow Sawiro Macaan oo qosal miiran gal hee View full article »

Salaan sare asxaabta booqata webka SomaliAction.tk waxaan idinku war galin lahaa in aan wadno dib u habeen weyn iyo qaab cusub ee webka taasi oo sababtay in aanan ayaamahan waxna ku soo kordhin webka waana idinka raali galineynaa , insha allah xiliyada soo socda waxaan hawada soo galin doonaa webka oo nooc kale ah

View full article »

Muuqaalka Dhabta ah ee Shacabka Muqdisho

Mar hadii Mogadishu aan soo carab qaaday qof walba wax ayuu sawiranayaa ..?? ama ha joogo ama haka maqnaado .. Balse waa sidee Muuqaalka dhabta ah ee Magaalada Muqdisho , waa sidee Muuqaalka Shacakba , Gumeysiga iyo kan Mujaahidiinta Aqri warbixintan Cusub

View full article »

10 ways to kill ur husband ama duqaaga

Time 2 kill

Time 2 kill

MM.. Hadii Jaceyl laga tago waa liis nacaa, so that i have good idea 4 those girls oo nimankooda u xanaaqsan . that is the best 10 ways to kill ur husband , 10 tilaabo oo ninkaaga aad ku dili kartid kkk View full article »

Happy Sweat Nineteen

Ahmed Abdullahi Ahmed Kadiye

Ahmed Abdullahi Ahmed Kadiye

10 October 2008 waxaa u galay sanadkii 19 aad so that Happy pirth day ayaan dhamaanteen leenahay Mr Axmed Kadiye Madaxa webka somaliaction.tk THANS TO ALLAH

Dagaal lee Maa lagu jiraa?!!

Dool Vs Bisad

Dool Vs Bisad

Flim Cartoon ah oo qurux badan af-somalina ah qosal badan leh
Waa Dagaal dhexmaray kooxo Bisado ah iyo Jiir ( Dooliyaal ) Qaabkii dagaalkaa uu u dhacay waxaa soo Duubay Saafi Radio Daawasho Wacan View full article »

Monkey waiters

Daanyeer kabalyeeri ah
Daanyeer kabalyeeri ah

Restaurant Japaness ah ayaa waxa uu howl galiyay Daanyeer Kabalyeeri ahaan…. Sidee ayuu daanyeerku shaqadaas u haayaa ?? Dadka restaurantiga ka cunteeyana sidee usoo dhaweeyeen
Daawo Video-gan Daanyeerka oo hooshiisii ku guda jira .. View full article »

Kaftan iyo foorjo

Kaftan+Foorjo=Qosol

Kaftan+Foorjo=Qosol

Kaftan Cajiib Ah oo Dhex maray Asxaab ku qax weeneesay website ka Somaliaonline.com
Aqriso kaftankoodan iyo foorjadooda anaa huba waad qosli doontaayee View full article »

abwaan maaweel oo la waydiiyay siday ku bilaabantay isu gabayga isaga iyo ina khaliif walah

SU’AAL: Silsiladaha gabaydaada loogu jecel yahay waxaa ka mid ah gabaydii adiga iyo Khaliif Xasan Walah idin dhex maray, haddaba, maxaa sabab u ahaa inaad Ina Walah isu gabydaan?

Maaweel: Waxay ku biloowdeen, annagoo aan is aqoon, oo aan Sucuudiga joogo, isaguna uu Muqdisho ku sugan yahay ayaa Khaliif Xasan Walah lagu yidhi: “Maaweel iyo Barre Cilmi Dable ayaa sucuudiga isugu gabya oo adigana kuma yaqaaniin…halkaasna iyagaa gabay ku haysta”. Waxaa loo geeyey gabayo siinley ah oo aanu aniga iyo Barre-yare isu marinay, Khaliifna waa naga da’ weeynaa, halkaas ayuu xin qooq iyo nin toocsi ka soo diray, tix dheer oo uu noo soo tiriyey waxaa ku jirey meerisyadan:

Barre wuxuu Siraadley u koray guudkana u seexday
Maaweela surucii ku kacay Surrad u gaadhsiiyey
Oo labada buuroode siman maanta kala saaray
Oo ay safaynka u yihiin loona kala soocmay

Ee reer Sanaag nabad gelyada ugu safaadaayo
Ma sinsaaro xidid baa dhacdoo maro la saaraayo
Ma sabool hunguri jiitey baa loo suburi waayey

Ma sokeeye gaajaysan baa sarar wan weyn qaatay
Ma ciqaabadaa sahakan dhacay laysku weada seegay
Mise reer magaal saaqidaa seef isugu dhiibey

Saqda dhexe waxaa loo tumaa sacabka waa xeele
Sididiida iyo hiihdu waa sogordoh waayeele
Suul-daaro meel loo wadaa lay sandahayaaye

Ilaa gabayga meel lagu sardoho sababna loo yeelo
Oo aan saxiixiisa helo waydin sugayaaye
Saaxiibayaal noo dhakhsada waydin sugayaaye!!.

Markii aan helay tixda Ina Xasan Walah, anigu ninka ma aqoon sidaa darteed waxaan xuuraamay inaan dabeecadihiisa wax ka ogaado, waxaana ii soo baxday inuu Kenya joogi jirey oo qaadka iyo hawlihiisa ku xun yahay, markaasaan u diray tix ay tuducyadani ka mid ahaayeen:

Sakaar weeynta Kiiniya marakaad saar la tumanaysey
Saqda dhexe habaynkii adoo saambe jebinaaya
Adigoo surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka

Oo aan sanqadhi kuu baxayn laguna saaraynin
Oo sawdka kaad ugu jeclayd sare u qaadaaya
Simbiidhooyinkaad dhigi jirtiyo seleladaadii dheh!!.

Khaliif Xasan Walah wuu ii soo jawaabay, waxaana ka mid ahaa gabaygii uu ii soo diray:

Sakaar weeynta Kiiniya markaan saar la tumanaayey
Markii aan surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka

Kolkaan sawdka kaan ugu jeclaa sare u qaadaayey
Ma saqeeyihii baa warramay gurayey saabaanka
Ma sameecaddii baad ahayd hadalka saydhaysey

Siglankiyo halawgii miyaa kuu sudhnaa dhegaha
Duq sagaashan jirey baan ahay iyo dayr siyaada’ahe
War maadaa sirtaydiyo ogaa waxaan samaynaayey!!.

abwaan maaweel iyi ina khaliif walah oo isu jawaabaya

abawaan maaweel wuxuu yidhi

abwaan maaweel muxuu soomaalida ka yidhi

Soomaaliyeey talo cid kale kama sugaysaane
Mana soo socdaan qoom kaloo idin saxaayaaye

Idinkuna sidaad wax u waddaan waa silloon tahaye
Sawir fool xun baydiin bixiyo ceeb sujuura lahe
Inta aan silsaal idinku dhicin sigate dhawr jeere

Amaydaan u sayn go’in sidii qaramadii suulay
Ka siq-siqa mar uun ceebta waa laga sariigtaaye
Kana saami gala nabad gelyada sare u qaadkeeda!!.

Shacabka SSC Maxaa La Gudboon?!! jidbaale.com

Shacabka SSC Maxaa La Gudboon?!!
Written by Jidbaale.com
Thursday, 11 August 2011 20:49

Maqaal(Jidbaale.com) run ahaantii shacabka SSC, waxaa ku dhex jira qolyo magaca kula sheeganaya, balse u adeegaya maamulada beelaysan, oo hadaad horumarka deegaanka ka hadashid afka ku jabsanaya, hadaad midnimada reerka ka hadashidna dagaal foolka fool ah kugu soo qaadaya, oo ay talada iyo awooduna kaga uruurtay geed sare waab iyo inay istus tusaan reeraha deriskeenna.

Shacabka SSC maalmahan dambe waxaa ka muuqanaya dib u dhac weyn, kala daadsanaan, kala furfur baaxad weyn iyo muran salka ku haya tuhun, jahwareer iyo kala shaki oo sida luubaanka ku baxay, yaase ka dambeeya waxaasi oo dibindaabyo ah? yeyse dani ugu jirtaa? mase haboon tahay in waxaasi hangool layskaga qabto? Sidee base laysaga qaban karaa?

Hadaba inta aanan u bixin ka jawaab celinta suaalahaasi dhowrka ah, bal aynu kor ka xaadis ku samayno siyaasadaha maamulada beelaysan, waxyaabaha dhacay iyo waxyaabaha taagan, ee maanta u baahan in la isu taago:

Waxyaabaha dhacay

Baxsashadii Kayse Cabdi Yuusuf (Kayse Afdheere) iyo sadexdii hacoo ee golaha khusuusida ku jirey, oo sida igu maqaala ah maamulka jabhada SNM iyo kooxdan Beesha SSC ku wacad furay, waxay wada galeen heshiis hoosaad loogu ballan qaaday dhaqaale ay codsadeen in la siin doono, iyagoo horayna dhaar ilaahay ugu maray beesha SSC, inaysan ku wacad furi doonin.

Hase ahaate Sidaanu xogta ku helnay Kooxdan hungurigu qaatay waxay jabhada SNM u soo tuurtay in yar oo faro guudkood ah, beeshana ay ku kala furfuraan, intiina markay idlaysteen, welina xaalku kow joogin ayey damceen in la siiyo xisaabta intii dhinayd, balse waxaa lagu yidhi waar afka dabaysha ka qarsada, wax idin hadhay ma jiree, ilayn Bahdii Diid Bahal Baa Lehe, horta biidhiqaatayaashii sii yaacay, taasi ayaa ku dhacday!!, oo isciilkaambin ayey meelahaasi dibinta la ruugayaan.....

Arrinkan foosha xun ee ku dhacay kooxdan, xitaa waxaa qarin kari waayey warbaahinta maamulka Jabhada SNM oo iyagu si ku wiirsi iyo yaqyaqsi ah ugu xardhay mareegadooda dhinaca aalada Internetka, si ay u muujiyaan hanyaraanta nimankaasi hungurigu qaatay, iyagoo arrinkani u dhigaya in SSC isa soo dhiibtay....

Maamulada Beelaysan

maamulada Hargeysa iyo Garoowe waxay sii laba jibaareen dhibaatooyinkii iyo aafooyinkii ay ka dhex abuuri jireen shacabka SSC, iyagoo uga dan leh in aysan beesha SSC marna aayaheeda ka tashanin, is fahmin, wax wada qabsanin, waxaanay arrimahan u adeegsadeen kuwa SSC u dhashay, balse aan damiir iyo dareen fog lahayn......

Sidoo kale waxay bilaabeen Siyaasado cusub oo ay isleeyihiin shacabka SSC ku khalda , sida iyagoo xilal ku sheegyo u magacaabay kuwo iyaguna magaca SSC ina la sheeganayaa, balse u dhiilla dhaansaday horgalnimo iyo kala dhantaalida deeganada SSC, oo iyana la soo shir tagay dar dar cusub, is muujin iyo ku magac raadsashada Shacabka SSC, si aanay u waayin cad quudheedka oo waxna loo tuuray, waxna la siin doono.

Dhacdada Taleex Iyo Nuxurka Horgalada

Odaygan Xaabsade ee isagu quruxda iyo raganimada mooday bahdilka beesha SSC, wuxuu usbuucyadii u dambeysey dhex roorayey magaalada Laascaanood, oo uu horgalana meesha ka caydhiyey, qaar cusubna magacaabay, wuxuu warbaahinta maamulka Jabhada SNM u sheegay inay puntland jebisey heshiiskii ay wada galeen.

Sidoo kale wuxuu ku daray ‘Itoobiyana inuu ka dacwayn doono’, hadaba dulucda dhacdadani halkee bay salka ku haysaa? maxayse tahay isku dhac ku sheega labadan maamul? run ahaantii dhacdadani waa mid loogu tala galay inay isku dhacaan beesha SSC.

Waa mid la doonayo in deegaanada SSC dagaalo iyo colaado hor leh laga abuuro, maadaama ay beesha SSC xilligani ku taamayso inay aayaheeda ka tashato.... wax weyna ka bedesho xaaladaha dib u dhaca ah ee ay deegaanada SSC ku sugan yihiin.

Dhinaca kale maamulada hareeraha inaga xigaa waxay doonayaan inay soo celiyaan hanjabaadihii iyo huuhaadii ay hawada isu marin jireen, taasi oo ay doonayaan inay jahwareer horle ku furaan shacabka SSC oo isagu ka koray waxyaabahaasi ah qowda maqashii waxna haw u qaban!!!...

Waxyaabaha Taagan

Waxaa la wad wadaa sidii loo qaban lahaa shirkii Khaatumo qaybiisii labaad oo la doonayo inuu ka qabsoomo gudahaa deegaanada SSC, balse waxaa si weyn la isu weydiinayaa maadaama ay xay yihiin maamuladii beelaysnaa iyo kuwii u adeegayey, horta sidee ayey suurta gal ku noqonaysaa inuu shirkaasi qabsoomo? Sidee bay beesha SSC ugu gacan banaanaan doontaa shirkaasi khaatumo 2? hadayse fara gelin inagaga timaado maamulada iyo midiidinka, maxaa laga yeeli doonaa? yaase laga dacwayn karaa? Awood intee le’eg baynu iskaga caabin karnaa?!!!.

Tan kale shacab badan oo SSC ah waxay leeyihiin marka la eego xaaladahan qalaafsan ee aynu ku jirno, shirar la qabto oo ay dad xaragoonayaa dibadaha ka yimaadaan, isimo maamul kale hoos joogana loo yeedhayo, muddana halkaasi dhaqaale lagu burburinayo, waxaa ka fiican in miisaaaniyada shirkaasi ku baxaysa deegaankaa lagu sifeeyo, maadaama shirar tira badan oo horey loo soo qabtay midha dhal noqon waayeen.

Waxaanay arrinkaasi u daliishanayaan gurigaagu markuu xor ku yahay ayaad waxaad doonta ku qabsan kartaa, balse maanta adoo haad geed waayey ah sidee bay suuragal ku tahay inaad shir ku qabsatid?!!!

Qaar kalana waxay ku doodayaan shirka Khaatumo ujeedadiisa ugu weyni maxay tahay? ma in maamul beesha SSC loogu sameeyo? ma in maamulada hareeraha inaga xiga midkood beesha si dhamaystiran loogu daro?

Hadaba isku soo wada duuboo Shacabka SSC waxa maanta la gudboon oo danina ugu jirtaa, arimahan hoos ku xusan;

  • in ay samaystaan maamul u gaar ah.
  • in la helo dad is fahmaya oo wada shaqayn kara.
  • in la helo dad waqti badan u huraya, go’aan qaadashana leh.
  • in la helo dad wax walba u quudhaya, maal, maskax iyo muruqba.
  • in la helo dad ay ka go’an tahay qadiyadu oo aan hunguri wadin.

Ugu dambayntii waxaad moodaa in aynu muddooyinkan dambe is dhiganay, oo uu gaabis fara badani dhacay, maadaama ay miiska inoo saarnaayeen hawlo aad u baaxad weyn, oo u baahan samir iyo feejignaan, karti iyo wax qabad, ismaqal iyo kala dambayn. Marka maxaan u baahanahay

  1. waa in dib loo abaabulaa sidii kulamada loo badin lahaa,
  2. waa in dib la isugu tagaa sidii hawlaha beesha SSC meela kale looga wareegi lahaa,
  3. waa in aan la niyad jabin, balse laga shaqeeyo midnimada reerka iyo sidii la isugu soo jiidi lahaa, si aan cadowgu uga faa’idaysanin.

Waa inooyo qaybaha dambe oo aanu ku qaada dhigi doono, hawlaha ka soo cusboonaaday shirka Khaatumo 2 oo ay haatan qaban qaabadiisu soco.....

Jidbaale.com@gmail.com

Jidbaale.com

nolosha dhabtaa

Warqado Jaceyl

Warqado Jaceyl

Warqadaha ama fariimaha jaceylka waa mid ka mid ah waxyaabaha uu ku istaago jaceyl baaxad weyn leh. halkaan waxaan kuugu soo diyaarinay warqado dhowr ah oo jaceyl ah aqriso oo u dirso qofka aad jeceshahy

Warqada 1aad

KA: NAF WAX JECEL
KU: NAF LA JECEL YAHAY

nuuurki nolosheeedooow waaan ku salaamay salaan ka so go’day kashka iyo laabta, salaantaasoo ka macaan malabka shinida kana udgooon barafuunka bakhuuurka salaantaaso aan ku so marinaayo hawada inoo dhaxeeeso………………

dawadii nafteedow dadka kaaan ka dooortow soo ina aan ku sheego sidi eey nafteydu kuu tabeeeyso warqad iyo qalin uma qaadan marki aan bilaabay anigu dhan xaadu ima istaagin dheemankii naftooodow dharaaar iyo habeenba dhambaaaladii jaceylkaaaa dheef kaaga dhigayaa dhankaa iga xigtaaa aan ku so dhadhabayaaaa.

Warqada 2aad
Ka : La jecleey ( gacalisadii mustaqbalkaada)
Ku : Jaceloow ( Macaanahii nolosheyda)
Macaanoow iga gudoon salaan,aan maaxanaayey maalmo badan, murti iyo macno wayn xambaarsan,malo awaal ka dheeroo manafacaad wada. Aboowow macaanoow,hadaan kaaga waramo xaalkeeyga guud, maskaxdayda ma joogtoo,Wabi baa makhuurtoo ma nooli,Caashaq baa i mudoo maan ma haayo, maskaxda iyo maankayga adigaa ka muuqda,maalintaan ku waayana waan malganahay.

Run ahaantii aboowow, jaceylkaan aan kuu qabo ma ahan mid igu dhashay markaan aqriyay warqadada qimaha iyo qaayaha ku saleesneed ee waa mid aan baryo badan la wareersanaa, oo daawadiisa si aan u helo falkiisa ku jiray.Waxaa ii cuntami weysay in aan ku imaado kugu dhaho :
dhaayaha u roonoow
ku dhaadanaayaay
dhaxantiyo dabaylaha
kaan ka dhigsanayaan
laba dhimasho mooyee
iskuu dhaafin nololoo
waxaanahay is dhawrtoo
rabi kala dhantaaline
hayeeshee dhib hawliyo
dhakafaar adduunyiyo
ina kala dhexyaaloo
soo dhoofi waayee
dhulku kala fogaayoo
ATL NA dheeraa
ayaan dhixin habeenoo
dhakhso iigu kaa sima
jacaylkeenu hadmuu
ubad dhalaa

Laakiin hada waxaan hubaa in qalbigeega qeybtiisa kale ii difaacantahayoow oo aan isku si u wada shaqeyneeno
been laguma dhaartee
dhan loo dayaba wiilyahoow
jacaly iga dhab weeyee..

dhaqan kaama luminoo
dhismahaa ma liicine
waqti kuma dhirbaaxine
sidii aad u dhalatay
dheehii u leeyiin
wali dhabanadaaduye
anna waxa ii dhaawacay
dhaayaha u roonoow
dhoola ka qosolkaagee

Gacaliye waxaan kuu sheegayaaa in intaa ii heeso kabadan in ee agteyda ku yaalaan ,taasna waxaan jeclahay in aad ka aqrisan karto qoraaladii aan kor ku soo sheegay.Waxaan warqadaan ku soo xeraayaa, duco , ducadaasoow ku saleesan mahadnaqa ilaahay..sababtoo ah qalbiyooow, waxaanu nahay laba qalbi oo isku si wax u wada dareemay saas ee tahay awooday inee soo bandhigtaanoow ku heshiiyay in ee meel wax wada saaraan, taasna waxaa inoo suurto galiyay rabigeena…ilaahay waxaa inooga baryaa in aa noqono labii isku wartoo, ilmo baariya kala hela, aaqiro iyo aduunyaba farxad ku wada noolaadoo,laba dadka ka kala maseeraanoow, lagu wada sheekesto jaceylkoodana dhamaaninoo ,noqdaa kuwiii liibanaa ayaan ilaah inooga baryaayaa..AMIIN AMIIN YA RABi…

Love yaw id all my heart macaanooow,
MUUUUUUUUUUAH (K) ( intaas dambe shumis waaye )

Waqada 3 aad

Ka: me
KU: ayada..
Abaayo marka hore iga gudoon salaan kasoo goday kashka iyo laabta quraanka kariimka cadadiisa…abaayo ayaamahaan runtii aniga dhan waa is fahmi la ahay markaa qubeesanaayo ada aii muuqda, markaa qadeenaayo adigaa raashiinka iiga muuqda abaayo saaxiibadeey ayaan weediyaya waxaan dhahay sidaas ayaa i haasato maxaa u maleesiin intahay…saaxiibadeey waxay dheheen jeceel waaye marka abayao waaku jeclahay..abaayo jaceelkeega wax igala qabo plz warqadaan hadaa heshid si deg deg uga soo jabaab….

by qof ku jecel….

sidaas aan warqada u qoray noo….LOL ayadana jabaabta warqadaas gadaasheed lee iiguy so oqortay….marka adiga hadii aad qarqad jeceel qof u qori leheed sidee u qori leheed hada mahan waqtigaas oo aan sidaas lo il baxsaneen

Warqada 4aad

hi heblaayo abayo macan dhabtii waxad tahay nolal dacad ah oo qof ki helaa u elay lul ka dunida uu qali san lakiin waxan ku ducay sanaya inan luul kas an noqdo kii nolasha xalasha ah lawadagi laha ayan ku du cay sanaya abayo macan ad ban ugu farax sanahay madama annoqday jacayl kaga dhabta ah wana ku farax sanahay madama ad adiguna i jeceshahay macanay waxana ku rajay naya nolol aya tiin badan byee

Warqada 5aad

Ka: Kuusane
Ku: kuntuwaarey..

wixi la bilaabaayo bisinkaa lagu bilaabaa, meel hadii la`iskugu imaadono salaantaa la`isku boobaa..anigoo warqadaan ku bilaabaayo bisinka( bisimilaah) kuna xijinaayo salaan( salamu alaikum)..kuuna diidaayo wareer, ayaan warka soo gaabinaa, ileen hadal badan haan ma buuxshee.

Kuntuwaareyeey- waa la socdaa in aadan doctor aheen, balse wali cilado fara badan oo aan ayaantaan isku arki ayaan rabaa in aa kuu sheegto, sababta aan adi kuula soo doontayna waxay tahay aaminsanaan aan aaminsanahay in aad adi igu dhalisay waxaan. warka anigoo kugu daalinin..walaaley hadii aad wax yar iga maqnaanto waa ku xiisaa, erayo fara badan na waan isku aadistaa, anigoo is leh markaa aragto u sheeg, balse markaa ku arko wadnahaa i garaacmo, erayadina way igu mirqaan, oo afkaa juuqda gabo. walaaley burukiito ilaa buuf xanuun kuli waa igu dhaceen, balse waxaan hada i heesto waligey ma igu dhicin…shalay mar aan film hindi fiirsanaayay na atoorahoo ajay la yiraah, waxa ani i haysto uu sheeganaayay..kadibna wuxuu dhahay waa jaceel qofti ayuuna waraaqad u qoray.

ani hada iska bareejees aa ku jiraa..ajay oo gaal xun ah haduu warqad qoray ani maxaa ii diidaayo..marka walaaley gaashi xumeed oo kajol la dhahaayay ajay way aqbashee i aqbal yaah….ileen gaashaas makaa fiicnee mana kaa reer magaalsano.

anigoo koobaayo warka, i luv ya like ajay loves kajol!!!!!!

From: ajay iska bareejeeye
To: tu kaajol in ay iska bareejayso la rabo

Warqada 6 aad

salan dirano wacan

misna dabacsan o sare

oo diintii ilaahay iyo

dacadii kularan tahay

ayaan duciyo saman iyo

wanag kugu soodiray

erayo aan dunub iyo

ka ilal shay dilqaaf

misna an kadabacay

dare mayasha qalbiga iyo

labta dacaladediyo

daw gii ugu habonaa

ayaan kudiyarshoo

runtii inaad ideeqdan

daha kaga qadoo

dadwaynaha inan usheegan

hatan donaya durba gacaliso

danta ma is ku racnaa

waxan ku gu salamaya salanta is lam ka gacaliso A/SC .WR .WBR

walal hadan kaga waramo naftayda ilahay mahadii ad ayay u wacan tahay an ka ahayn maqnan shaha ay dareen tay maqnaan shahaas oo xagaga ah macanay ad ayan ku gu xisay dhabtii mar kii ad iga fogatay ayan dareemay jacayl ka dhabta ah in uu ad u xanuun kulul yahay macanay balse waxan ku dhihi laha is ka yaree ICE CREEM KA OK BYEE kkkkkkkkkkkkkkkkk i wish gd lucky baby

Warqada 7 aad

To:Gacalka
From:Gacaliso
Gacalka waan kusalame salantas kaso ogde kasha iyo labta…
abowe macan waxa aya rabe ina kushegto balse adiga busy le tahay..so hada aya waraqdan jacel kugu shegana..abowe macan malante o gurigena an isku baranenin…uma malenenin ina jacel kuqadayo balse marka an friends nuqune o an is dhaxgalne aya ogade ina tahay wiilka o nolasha ula qebsan lahay…
marka ad magalo kale ad ade aya ogade jacelka dhabta ah…markas waxa an samane jirne aya u xise…qoslke,,,farhade an isku qabne,,deshe an ciyarne jirne,,,
marka indha an firiyo aya jacelka igu so korda..waxana kasi jeclahay…ina si dhaqse ah ad igu solawatit..sida an uso ceshan lahene waxe hore..abowe macan waan ogahay waxa dhahe jirte jacel ima karayo balse hada adiga jacel kugu buqbuqe waan kujeda..

hada inkasto ad iga baqan tahay..qofka kalito an kafikiro an kaharsan waye haben iyo malen,, kajoge waye,,,an kasexan waye, an ka cuntene waye ..waxas daan jacel an adiga kuqabo waye..war an kahelo walalka….

i love u to death macanka…and i will always will No matter what u did..i will move on my life but my heart will be always on ur side….sweet_kisssweet_kiss

hey yo dont be laughting at my later cuz i never wrote a later to a guy..so i give my best shot..byebye

Warqada 8 aad

TO: Gabasha sanadka
From: luckyman
Marka hore salaan guud, lagu dheehay samiriyo, Suuradaha Qur’aankiyo, Sadarada Ilaahiyo, oon lala simmaa jirin, yaan kuu sidaayee, samo iiga guddoon, marka xiga sidaan ahay, sifafaalaheygiyo, sarta aan ka jeexoo, sii deeyo faraskee, saxan-saxo udgoonoo, saadirkey I siiyey baan halamsanayaa.Gacaliso, salaan kaddib, haddii aan kaaga waramo xaaladdeyda caafimaad, waxaan tebayo oo uurkeyga ka maqan waa adiga ooqura, haddaan adiga ku haystana naftu way damaashaadee, ee gacaloy diyaar ii ahow aan wada riyaaqnoon, guri wada yagleelnee.Gacaliso, waxaan mar walba daneynayaa inaan dhinacaaga joogo, naftu waxay jeclaataa inaad garabkeyga joogtid, waxaanan rajeynayaa in aad sideyda oo kale adigana xaggaaga ka adkeyn doontid xiriirkeena,Gacaliso, waxaan door bidayaa in aan ku imaado oo aan ku soo booqdo, maxaa yeelay haddii aan ku waayo noloshu waa macnaawi oo ceysh iyo cabitaan midna iima dhadhamayaan, sidaas darteed, tixdan geeraarka ah bal dhaayahaaga la raac oo sadar sadar u aqri:-Dheemantii Hablahaay, Dhacdadan iga dhegeyso,Gelin dhexe habeenkii, Dhaayuhu xasuus bay,Dhinacyadu jaleecaan, Dheguhuna codkaagay,Intaasay dhaafi waayeen, Dhumuc baa I saaranee,Inta aanan dheeliyin, Dhakafaarku igu kordhin,Dhuubooy dhax yarey, Dhinacaaga ila qabo::))

Warqada 9aad
Haddaad shalay saakay moodo, Saadambana berrito u malayso, ku sire gacalkaada moodo.

=Sideedaba garashadaadu, inay soof daran habowday, war miyuu kugu seegan yahay?.

=Jacaylkii aan kula sugaayay, Salaaddii Ina xaggaa, Sagaal rakcadood tukaday, sideedoo kale miyaa?.

=Malaha samir baa ka roon suddan…!!!.

=Labada isa suran sal iyo baar, sagsaag midi yahay sidaadaa, kan kale saafi yahay sideydaa.

=Su’aasha dhex taal sidoodaba, dambigaa bal mid saar sidoodaba.

=Jacaylkii aan kula sugaayay, Salaaddii Ina xaggaa, Sagaal rakcadood tukaday, sideedoo kale miyaa?.

Warqada 10 aad
ku: Lajeceloooow
ka:wax jecel

macaanka iga hanti salaan walaaltinimo, mid dhalinyarinimo, iyo mid Kal gacalnimo,
salaantaasoo darajadeedu sareeyso sidii saxan malab ka buuxo, oo sadriga ka timid, saluug lahayn, saxansaxadana ka udgoon baan kuugu simay,
Gacalka salaantaas waxaan kuusoo marinayey hawadda sare, qalbi jilcan iyo niyad saafi kuu ah.
naf aan seexanayn, madax kugu maqan, caqli kugu sahwiyee iyo indho jecel iney ku eegtaan ayaan kuu sidaa, ee iga gudoon…Caashaqa ha guul guulin.Ha udiidin gogoshiisa. ee wanaagooooow ma isoo dhaweysatid…

Warqada 11 aad
Ku: qalbigayga nuur kiisa IDIL

iga gudoon salaan loo hago mida loo hanweyn yahay una horeysa hablaha maanta dunida jooga, habsami & wanaag, heybad & asluub, hanaan & qurux, hamuun & kalgacal middii aan u hayay, hubaashii waxaad tahay inan tusalaaha ku haboon, hareerta kale ka eeg, heerka sixadeyda waa hagaag, adigana sidaa iyo si ka haboon ayaan had & jeer rabbi kaaga baryayaa , salaan kadib honey marna ha u maleyn in, inta aad iga maqan tahay in aan moogahay xusuustaada, markaan ku garwaaqsadana waa damqashadii & halkeedii, qalbigeyguna waa qalbigii dunida oo idil kaa yaqiinay, waa qalbigeygii gacan saarka uusan igala tashan kula lahaa, waa qalbigeygii aad wax walba u aheyd,waa qalbigii had iyo jeer xiliga uu kuu xiiso aad xubnihisa ku saaqi jirtay waa qalbigii mar kasto oow niyada kugu qabto ku la kulmi jiray asiga oo wax kasto iyo hurdo kasto ka hor marinaayo kulan kaaga iyo balan kaaga ,IDIL gacaliso waxaan ku Jeclaaday, Jaceyl

Warqada 12 aad
waxan bisin ka loqaban
barqad yelan mayan
yan ka boodin furehee
bismilahi wa kow
salan baxad waynoo
booga an kasoo jaray
aan kugu badbadshee
bilanay manabadbaa

waxaan waraqan ugu talo galay asxabta danaysa jacaylka