muuse qaanuun waa khabiir soomaaliyeed oo ku takhasusay qawaaniinta iyo sharciyada aduunka iyo tan islaamka haystana darajada masterka gaar ahaan qaybta ( public law),waana maamulaha xarunta cilmibaadhista ee raaid(horseed), kala soo xiriir:(alcabaas8@hotmail.com), wixii qoraalana ugu soo dir
Monday, 27 December 2010
Wednesday, 15 December 2010
waa taaxanee heeni iyo taariikhtii darawiishta
aan cuudu dawaynanane
daw bay kaadaaatee oo badh kood laadaydayeeyin
daafaaha aduunyaada badhbaa duula weeliigeededuuyaadada marka baahalku diili qarba ladiiriire
dadkaygoow mar diigay dheeha noolasha dayeerka
dadkuu waxa meel lagaadhaan isku duubniiwayee
dadkiisaatuuraa meel magaadheee
duulkan wada oyaya albabada loo xidhay
oday iyo siyaasii iyo wada bar yoootaamaya waasiidanoo kale
duul duumay aan ciidii qariinane
daaba qoodhii noqdoo daraajo laheene wa siidan ookale
walalyaal hakan ka la sooco waa taxaanaheeni ad noogabaratee arbac kasta iyo khamiis kasta hadaa laoo co
wax gaarad ka uyo ardayda uyo bulshaa weynta kala duuduwaan
halkaa waxaan sii gara salaan uga soo jeediinaya ciidamada midnimaada akale waxaan ugu baqaaya dadka rreer ssc ee kula jiira labaada maamul ee jar ka ah
ssc waxaan leeyahay dadkii waa israacee soo racaa
waxaan leeyahay waxa labixiinaya ssc siitiisan edhikad ka soo gaad waxa uu dhamaanaya1=\
1\23\011 waxaan leeyahay dad ka dee badan waxay ka qaadaan doonaan meesha uu ku sugaan yahay haduu yahay muwaadiin ssc ya
waxa leeyahay fadlan laa sooco hadaynuu unta kaga
hadaba waxanu ka sheekeen doona suudan iyo dhaqaan keeda walalyaal suudaan waa
meel wax baraashowacaan oo dhaqaan wacaan
oo diini taalo walalyaal dad ka reer soomaaliyaa waxay ka amiin sanyiihiin
meel xun oo an cunto wacaan ool
walalayaal suudan isdaad mooday maha
run ahaantii waa dhul yara kullul
hada meeshan waxa taala nool wacaan
oo ka waanagsaan tii soomaliya
waax inii soocod siinaya nuur salah
Monday, 13 December 2010
gabaykii thaariikheed ee mandaaqada ssc waa 1785 waxad fahmidoon daan mar kaada fahantaan
Darbane Maxamedow gabay aduu, kuu daliil yahaye
Aduu kula degoo kula dersoo, daacad kuu yahaye
Durdurkiisii adigaa ahiyo, daristii [1] weyneyde.
Ducaqabe adaan waxaan lahaa, xaal walba u daaye
Da’daadaan lahaa waxay furfurin, daharradii [2] baase
Duq baad tahaye joog baan lahaa, waa la soo didine.
Duullaanka hore waxaan lahaa, wiilasha u daaye
Haddii laga danbaxay xaajadaan, idinla doonaayay
Dirqi buu igu qabsaday hadalka inaan, anigu dooxaaye
Wuxuu mudanahay iga dalbado, diiday ma awoode
Kol haddaan dariiqiisa furo, wayga soo degine,
Waxeer labada daar [3] ii fadhiya, aan idin deeqsiiyo:
Madfacaan diyaarsaday miyuu, derejku ii fuulay
Dabkiyo liifaddiisii miyaan, mar is dareensiiyey
Danbaaburo rash iyo qiiq miyaa, uunkii wada daadhay;
Awal maanso waataanan dumin, toban diraacoode
Dibnahayga waataan ka jaray, tan iyo Dayrwaaye
Dannigayga waataan is iri, Aakhiraa darane.
Dariiqayga waataan ka dhigay, diinta Nebi raace,
Doqontiyo haweenkaa is yiri, kani damiinnowye.
Dig dhehoo dannaagooyin dhoo, dininig roobaad dheh!
Durdurkii Garoowiyo cirkiyo, danabyadiisii dheh!
Dawladaha is waafaqay habeen, dacawigoodii dheh!
Dirirtii Miskoo iyo rash iyo, dab iyo baaruud dheh!
Dayaxiyo shamsada soo baxdiyo, waaga daalacay dheh!
Murtidaan dambaysiin jiriyo, doogsin galabeed dheh!
Xarafyada ma kala dooriyee, Do’ iyo Daalkeed dheh!
Dadow xalay hurdana maan damcinoo, doob isugu waayay
Degtii aan barkiga saaray baa, madaxii loo diidey
Daas gogol la ii dhigay miyaa, igu dabayloobey!
Dacas [4] iyo rafaad bay heliyo, diilalyo [5] i saaqday
Waan wada deddadey [6] sida laxmiga, la iga diifaayey
Dubaaqayga oo idil miyuu, dab iga qiiqaabay.
Dayax dhacay intuu waa ka galay, waysla diriraayey
Sidii aar damqaday oo cartaan, doobbaha u giijey
Dibnihii aan ilkaha ku qabsaday baan, daa’im ku abaabshey
Galow sidii markii wax aan damcaba, wayska dananaayay!
Degganaansho iyo nabad miyaa, xarigga loo duushey
Ma waxaan diidayaa uumiyuhu, dib uga rayn waayay,
Dacartaan hortii xiray miyaa, la iga soo daayay?
Ciil iyo hammi aan dugin [7] miyaa, la igu daardaaray
In aan diir qadhaadhnahay miyaa, uunka laga daahay
Dagaalka inaynnu qoob dhigin miyaan, dad ina moodaynnin?
Darbad waxaan u naqay mudanahay, hal aan ku diiraabay [8] ,
Darbabna waxaan u naqay reer tolkayoo, doorkii ka idlaaday,
Darbadna waxaan u naqay ooryeheer, nagu dan seegaaya,
Darbad kalena waa aniga iyo, dan iska sheeggayga,
Darbad kalena waa Guullahay, Daayin midaan tuugo;
Darbad waxaan u naqay mudanahay, hal aan ku diiraabay
Tan iyo Qaw [9] adaa daadsan iyo, ceelkii Dabarowe [10]
Ogaadeen cabsi buu uga dan baqay, dooggii Himirowe
Dangudban iyo Dhudhubo-Hawd hartigu, kaaga soo durugye
Dacal kale Kax iyo buu degaa, dooxadii Dhudube [11] .
Dadka yaroo cadad ah damac lahayn, lagugu sii daaye [12]
Kolse haddaydin dirirtaan khalqigu, amarka waa dayne
Nuur Maxamed geeluu dalbaday, tuludna loo diidye
Ergo daran kacaysoo dulli ah, dooxadii timide,
Laye wuxuu la soo duday bahdiis, inay daweysaaye
Darbane Nuur Cismaan keli ahaan, dooc ku tari waaye
Ogaalkaan dareen qabo mindhaa, uma dadaashaane.
Dayacanow delleganow [13] sidii, doog Alle cid siiyey
Diigdiigsadow [14] sida biciid, cid uma daardaare
Shisheeyuhu wuxuu damacsan yahay, waana kama diide
Duqowdiyo ikhyaartii la diley, kama digriiryaade [15]
Duunyada haddii lagala tago, dib uma raacdeeye.
Iyagaa isku duullane cid kale, deyiba maayaane
Haddaa duulba duulkaan u guran, dab iyo baaruude
Koo kale dantiye keenna dega, deexda bariyaysa
Dayn iyo dukaan baad gashiyo, damac magaalaade
Dadaalkaagu wuxuu saaran yahay, diiro saraciiye
Darxumaad u wada liidataan, duunyaseegyahowe [16]
Candho-diiranley duul nin [17] lihi, cid uma daayeene
Dudiyo Xiito [18] nimaan loo lisayn, duni ku leeleelye.
Diihaalku geel inuu ku ba’o, idinka diimoonee
Duhurkii haruubkii ahaa, kibis ka doorroone,
Kolse haddaad dariiq wada madhaan, waysu soo dumine,
Inshaa Allaahu duulkaad gashaan, waa dulliyayaane.
Waxsaan lagu dambaabayn dad Bari, haatan boqor diidye
Iskaga daalid mooyee guddoon, haatan damashowye
Waxsaad kaga daliil qaadataan, beeni duug ma lehe
Haddii dooyadaad [19] shalay dhigteen, Udan ku daaduumay
Kolkuu soo dunmoo soo durkoo, dirir la dhawraayay,
Inuu soo dabbaaldego hadday, dani geyaysiisey.
Ammaantii beryahaa nalaga diray, dahab hadduu keenay
In aan boqorka laga dayn haddii, dhaartii lagu duugey
Markaad socodkii diideen haddii, duco laguu oofshey
Darmaanihii [20] dilkii Hagar haddii, duudsi laga yeelay
Doolliyo hadduu Irir warkii, haatan wada doojey
Iiddoorka Dix jira hadduu, diririgtii sheegey.
Dalal iyo Ugaas iyo Wacays, duulka bah Xawaadle
Duud Magan Warfaa reerahaan, damac walaalowney
Libintuu ku diirsaday ninkii, wax ila doonaayey
Nin mowdkiisa laga daahayoo, dilayo mooyaane,
Dib baan wacad Allee geelayaga, cidi u daardaarin.
Darbadna waxaan u naqay reer tolkayoo, doorkii ka idlaaday
Dabdacallaad [21] ahayd waaxidaan, dabo u noolayne
Dilkaagii la doon laguna farax, sida dad gaalaade
Debinkaas lugaha kuugu jira, lagugu sii daaye
Naftaada u dadaal wacad Allaan, duulna kuu rabine.
Adamihii [22] maroodiga damcoo, waayo daba joogey
Hadduu dagantidii rabay hadduu, boqonta doonaayey
Uu diday daleeshana u baxay, damacna dhiilloobey
Intaan dhowrihii [23] dirirba holin, duruga mooyaane
Durba qalanjaa [24] soo dadbee, da’a dambaan waayay.
Duflihii libaax dhalay hadduu, duqu mar weynaado
Digta iyo dagaalkiyo hingada, duulistiyo xoogga
Dariiq baa Ilaah wada marshaa, doqon ma yeeshaane.
Daalicii [25] markaa baxay nakhligu [26] , boqol ka doorroone
Qabiilana duryaadka u kacay, door ku noqotaaye
Ayaxuba hadduu meel ku dego, doogga ka idleeye
Dawacaduba ari bay gashaa, labo ka dooxdaaye
Waraabuhuu ma daahiro waqiis, duhurka maalmeede
Wuxuu duud habeenimo u gelin, daganti un dhawre.
Naagiba nin ay dahatey [27] baa, lagu dangiigaaye
Rabbi amarki waa duqe maxaa, doorshey faraceenna
Kun nin oo aan dab hurin karin maxaa, duul ka wada beeray
Maxaa dog [28] iyo beer idinka dhigay, dux iyo jiir waayey
Hohe nimaan ku diirsado maxaa, duge idiin diidey!
Nin guubaabadiinna isku deyey, wow dan li’i uune
Wax wacdigu dubaaqa u galaa, duulka khayrka lehe
Damiin dhega la’ lama waaniyee, waa isaga daale.
Nindoor iyo dilaa iyo tolkay, deeqsi ka idlaaye
Raggii ficilku daardaari jirey, duug la wada geeye
Damiir waxaan lahayn baa ku haray, dohatan [29] xeebeede.
Ilma Yuusuf qaar wax u dilaa, kama danbeeyaane
Dacar boowayaashiis shalay, sarac ka doorteene
Kuwii Faarax diley eebbahay, deeq isaga siiye
Alla reer Xirsoo wada dug yiri, damashi weeyaane.
Danab kulule goortuu is dhayo, dab iska nooleeye
Darxuma weyne weligiis hurdada, daa’in kama toose
Ninkii ina adeerkiis dulmiya, dib u xanaayeeye
Diradiriyo muran iyo xisdi baa, dilay naftaadiiye
Sidii dumar nin wada qabo xan baan, la iska daynayne
Dakanaduu dadkeedii kan yahay, duug wallee ma lehe.
Dad haddaad tihiin toban sanaad, laguna daaqeene
Dabqaxa Dhirindhireed madaxyadaan, abidan duugoobin
Doob-Cadale iyo tii kaloo, laga danbaysiiyey
Alla dakhalka jabay baan, waqiis laga dawoobayne
Dakanadiinna maqan oo rag qabo, deyiba maysaane
Haddaan diin la dhigan oo ninnimo, daabka la adkaysan
Dulli baa lagu socdaa wacad Allee, labada daaroode.
Darbadna waxaan u naqay ooryeheer, nagu dan seegaaya
Korkiinnoo dallaayada raggii, daahirka u shuufey
Laabtiinna ninmankii ku daxay, shayga dananaaya
Gacmihiinna nimankii u dumay duuduuban
Daclihiinna nimankii ka lulay, dahabka laalaada
Durrihimida khayliga [30] raggii, duuddiin [31] idin saaray.
Nimankii degdeg u keeni jirey, xidid wuxuu doono
Durdur sidi raggii caano geel, idin dabaalsiiyey
Dacaamkiinna nimankii ka dhigay malab la soo diiqay
Diggooniyo ikhyaartii kaloo, deyrka idin keentay
Intaan duugta lagu aasin baa, daahyo rogateene.
Dad wada cajab oo waxaa la yiri, naago door ma lehe
Shalay waxay ka dalangaynayeen, danaf cayaareede
Durbaan bay layeen tumanayeen, damac la’aaneede
Inaan dumar kalgacalkiis wax gelin, diirka ka caddayde.
Orda doomahaas raaca oo, Doy [32] isaga dhoofa
Ama kaca Hartigu waa duddee dawlad kale aada
Ama kaca raggaa Saaxil [33] dega, suuqadda [34] u danansha
Balse inaad na diir dhawrataan, waaba doqonniimo.
Darbad kalena waa aniga iyo, dan iska sheeggayga
Duhur iyo habeen iyo dharaar, oohinta aan duugin
Daaraha cidla ah iyo guryaha, igu dabayloobey
Dalanbaabigaygiyo lugaha, diifka socodkayga.
Derbiyada magaalada agoon, diiqsan baa tubane
Alla dumar hangaalan [35] baa ku badan, dawyadaan marine,
Wallee ama dan li’i nooga baxe, labada duubduubni
Ama dumar rag kale qabo annana, weer [36] ku daa’imminey.
Darbad kalena waa Guullahay, Daayin midaan tuugay;
Eebbow dambaabaye maqfiro, adigu hay diidin,
Eebbow cisyaankaan daldalay, derejo ii dhaafi,
Eebbow waxaan hor u dulmiyey, ha igu daymaynnin,
Dabka belelka naaraha Allow, derekadaa hoose
Ebbow Ibliis ha igu darin, duulka lagu biirsho,
Eebbow kuwii lagu derbiyey, hayga dacal yeelin,
Ebbow dakano naguma gelin, nimankii deexeede,
Eebbow nin weliyoo la diley, waad ka dirirtaaye,
Eebbow ma duudsidid xaqa oo, Daayin baad tahaye,
Eebbow rucbiga nagu dul furan, duul kale u meeri
waa sasuustii deegamada ssc taariikheed waa qaybtii koobaada wad la soocon doonta
Deelqaaf la’aan waadigii, daaddahayn jiraye.
Doorroone mawdkii hadduu, dunida kaa dheelmay
Malag Eebbe soo diray hadduu, maradii kaa diiray
Gegi ay dillaacsheen haddii, lagugu hoos duugey.
Rabbi kuu dallaayadi qabriga, labada daamoode
Oo derejo dheer iyo ku saar, dadab sariireede,
Ku dangiigso meel roon adaan, diinta caasiyine!
Denbidhaaf lagaa yeel wadaad, daahiraad tahaye
Durdurkii firdowsiyo ku waar, daar naciimo ahe,
Duddadii Rasuulkiyo la shawr, duul malaa’ig ahe.
Dulinkii cadaabeed Ilaah, kaaga derejeeye,
Jahannamo ka durug waadigii, daacadda ahaaye,
Dahrigaaga naartii Allow, aanay ku doobbayne!
Dulmi nimaan aqoon Aakhiraa, dabaq la seexshaaye
Nin dallacay ahaw oo waxaad, doontaba ha waayin,
Dunji xuuralcayn ihi Jannada, kuu dabbaaldega’e!
Afartaas midaan kuu dalboo, kuu durraansaday dheh!
Kalgacayl dun weyn oo qalbiga, igu dahaarraa dheh!
Ducadayda aammiin in uu, Daayin kuu qoro’e!
Hayeeshee dantaan uga socdaan, kuugu daadegine;
Sidii ruux intuu daqar ku yaal, daqantay laandeyre,
Darbadaaley goortaan maqlaan, wada dubaaxshaaye!
Waan wada deddoodaa sidaan, duumo baas qabo’e
Dubka un baan dhaqaajaa sidaan, diilalyaysnahaye
Markaad dakhalka jabay sheegto baan, dan u ilmeeyaaye.
Sidii neef dibboodoo kalaan, dulugle rooraaye
Duhur iyo allayl oohin baan, dhabanka duugaaye
Duufaan xagaa baan anoo, dagan ka yuusaaye.
Derrinkaan fariistaba dhulkaan, tahan [38] dalooshaaye
Daardaarka ereygaagu waa, iiga darayaaye
Dardhashaan ka qaadaa sidii, ubadka dayreede.
Raggayagii la wada duudsiyaan, dib u xasuustaaye
Dhiiggooda diixanahayaan, caro diryaamaaye,
Dacalllada intaan fiiriyaan, diricna waayaaye.
Awgay dan li’i bay ahayd, diriradaadiiye
Diigdiigashay kaa ahayd, weerar dumiddiiye
Nin xarrago dalbaayaad ahayd, laguma daafayne.
Hadba laba da’ood tii dambaa, belo dufaysaaye
Darxumada na haysaa ka daran, sebenki Daacuune
Dacay baannu wada qaayibniyo, oho ma-diidaane!
Nabsigaa dawaaraynayaa, noo dulmeersadaye,
La dullowyey waagaas haddaad, dad u sarrayseene,
Halka dabadu geelu uga taal, noqoy dirkaagiiye.
Waxaad adigu diidaysay baan, samo ka doonnaaye
Dastuurkii aad ku noolayd haddii, nalagu deynaayo
Deeq baannu wada siin lahayn, duudki Hoysama’e.
Nin durriyad xun weligiisba waa, laga daduucdaaye
Sidii ceel dardhaabeen ah baa, laga durduurtaaye
Allaylehe la dowdabi tolkeen, laguna daanshooye.
Dabqaxa Dhirindhireed dooyadii, dalaggu kuu keenay
Doob-Cadale iyo kii kaloo, laga dambaysiiyey
Warsangeli hashuu kaa didsaday, tani ka diif weyne!
Waakaas duggaagii ka fuley, daribti reeraaye
Wax tukuhu daloobinahayaa, doobabkii kacaye
Durqe iyo dorgay hilibkayaga, loo dayaafadiye.
Saaddii dabuurihi dibbay, kula dillaantaaye
Dibnahaaga hadalkii aad ka tiri, doog [39] xun nagu reebye
Wuxuu noo dednaadaba hadduu, soo daleel baxaye.
Wuxuu galow ka sii dananayaa, dirirka cawleede
Weligana wax loo daalacshaa, walaxyo diimoone
Malahayga daafkaad ogayd, haatan soo degaye.
Riyuhuba shabeel dalax hurday, lugo ku doontaane
Marti fiid u dumey buu mar un, yabaq u deexdaaye
Jinnigii dayoobaba nin baa, loo dalqamiyaaye.
Ilaahay diiwaankiisu waa, kaa da’ weyn yahaye
Inkastoo dubbuhu noo dhignaa, nalagu daaduunshey
Adeer dayradaadii horoo, daahday baa timide.
Majeerteen daciifow sidii, doonni caaridaye
Inkastuu dadaal kaa ahaa, doqon ku sheeggaagu
Dannigaad awaaleysey baa, loogu dawgalaye.
Run baa lagu dawoobaa illeyn, beeni duug ma lehe;
Dacas inuu na fuuliyo inaan, debecney mooyaane,
Waakaas doofaarkii Gedood, daalash noo helaye!
Waakaas sidii tuug dibjir ah, duurka noo galaye
Waakaas sidii dabatadii, deero noo qalaye
Waataas duryaad hooyadood, kala dalaabeene.
Waataas islaan duub xidhiyo, boqorro dawrweene
Waataas duqow iyo ugaas, loo dawarayaaye
Waataas nin ay diran jireen, diiraddow sida’e.
Waataas dabkii nalagu shiday, degelku qiiqaaye
Waataas guryihii deyranaa, wada damaagmeene
Waakaas nin dahab beecin jirey, darayga xaabaaye.
Dhallinyaradii waataas dillaan, doolba meel degaye
Goortii wixii duxi lahaa, daayac lagu laystay,
Waataas la deydeyahayaa, daaddufkii haraye.
Waataas dekanaday qabeen, Sede ku daaqaaye
Waataas aan lagu doonanayn, col iyo duullaane
Waataas siday noo dibreen, duudka loo dhacaye.
Waataas dariiqyada hablaha, lagu dubaaqayne
Waataas ilmada dililiq lihi, dulundulcaysaaye
Waataas aan loo diir naxayn, tima-daliigleeye.
Uurdigiso dalanbaabiday, dalan kacaayaane
Haddeerey intay wada dahdeen, silic la duukhaane
Dafir iyo waxaa loogu daray, jeel ku daa’imise.
Dingaraaro booraa ku taal, duudda Maxamuude
Meydkooda daadxoor la mood, dooxu soo rogaye
Duufkay cuneen wiilashii, damaca waallaaye;
Ciisihii darrowshaha nebcaa, daabbad laga yeelye
Kuwuu ficilku daardaari jirey, harag ma doorshaane,
Alla kama diqoodaan gabdhaha, daacayoo sida’e!
Dagaal uma habaystaan intay, danan afuufaane
Hubka kiisa darandoorriga ah, kama dinnaahshaane
Nafta uma diyaarshaan mid uun, labada daaroode.
Abshir [40] deyrkii lagu meeriyaan, cidi ka siiddayne
Damashkiyo rafaadkuu qabuu, dacayda ruugaaye
Dugsi waxaan lahayn bay noqdeen, doobi dhamayaale.
Dabar laguma xoodeen hadduu, duubi leeyahaye
Hoggaan laguma doodeen sidii, dooha awrka ahe
Hohey lama durbaansheen, intay labaddibleeyaane!
Nin dumaashidiin ciilay oo, Diiniyaa jira’e
Hindiya gabadhii laga doonay baan, qaranku daabnayne
Waxaan loogu soo daqaqamayn, waa damiir xumo’e.
Haween aan dalaaqnayn haddana, dulay cidlaa taagan
Oo aan duryaad kuu dhalayn, lana daryeelaynnin
Oo aqalka darintii u tiil, lagu dabayleeyey.
Allaaba waa dareen iyo in ay, dib uga yaabaane,
Haddii loo damaaciyo sidaa, Maxamed [41] daaskiisa
Dar ilaahay qoon kale waxaas, uma dulqaateene.
Inkasteey darmaan quruxsaneey, dihintohoo joogto
Oo ay dubaabkii Siyaad, dalaw ka tuuryaysay,
Iyadays difaacdaye ninnimo, kuma dumaashaane.
Danbar bay noqdeen shalay hadday, dacar ahaayeene
Haddii ay Daawad [42] gubanayso, oo Celi dawaafaayo
Dabcigiyo aqoontoodu waa, giiro-dabataage [43] .
Reer Cismaan digtii gaadhay bay, wada diryaameene
Sidii loo derderey bay dhammaan, doc ula jiifaane
Waxaa loo dudumiyaa sidii, dooro idifleeye.
Dulalkii Qardhood iyo Kobnaa, lagu dullaalaaye
Bah Dirtii dalaaniga ahayd, Dalalku weydeede,
Garabsare wadaan kama daraan, lawliskii Kuba’e.
Deris iyo xigaal kama dhigteen, Xaashi Dalabeeye [44]
Marreexaanka Doolow ammaan, kama dareersheene
Rabbaw deyey damaashaad inay, ugu danaystaane.
Adoogii nimuu duunyo dhaqay, dibse u cayroobey
Kaftan laysku daadsaday hadduu, doodda kaga faano,
Anigaa dameerlaa ka roon, taajir doorsamaye.
Waxse aad kaga daliil qaadataan, dulucda maahmaahda
Dayaxaan madoobaaday iyo, dogobka nuuraaya,
Dabcigiyo aqoontoodu waa, dawlad baan nahaye.
Cumar soo digiigixi hadday, degin xirnaayeene
Inkastoo la deeddamahayoo, diiqalyo is dhaaftay
Dululaatiyaal baa warmuhu, uga dusaayaane.
Libaaxuba hadduu miid darsado, daacuftiyo foolka
Kolkuu shaarubbada daylo, buu lulo dakaamaaye
Haddaan Eebbahay dabanbasayn, dago ma reebeene.
Iyaguna barqay duban karaan, ururka Duujaale
Taliskaa dukhuunka ahna waa, dumin lahaayeene,
Wuxuu dakhalku uga fooraraa, waa damiinnimo’e;
Shayddaan dakhawlamahayaa, soo dakhaakhula’e
Intuu debin u qooluu haddana, uga dul boodaaye
Iyagoon dareen qabinna waa, dalaq yiraahdaane;
Diradire qabiil waa wixii, diifta noo waraye
Dawgooduu suu yahay haddaan, daayin solansiinnin
Xanta loo degdegayiyo haddaan, beenta laga doorsan;
Sokeeye isu daran daallin wuu, ugu duggaalaaye
Haddaan taladu way daabataye, odayo daaweynnin
Mindhaa ceebta idin daakhishaan, darab idiin mayrin;
Badownimada kugu doogataa, way ku dalaftaaye
Dooc uma hayaan sida warmuhu, ugu darrooraane,
Dabcigiyo aqoontoodu waa, Doollo Cigallayne.
Docda Cali Saleemaan haddaan, yarehe daymoodo
Inkastoon u digey oo gunnimo, kala digtoonaaday,
Dubaaqooda uun baw u bartoo, lagala soo daalye.
Ratigii dawaadlaba hadduu, dumarku heeryeeyo
Inkasta oo rar dooriyo culays, lagu dandaansiiyo
Hayin kaama kala daadiyee, qaalin baa dida’e.
Ninna hadduu darbaysnaan jiroo, ducuf ku weynaado
Inkastaad xornimo darartay iyo, daalash ugu yeedho,
Dagaag kama hagaagiyo inuu, dib u gurguurtaaye.
Cusri baa daboolaye haddii, Saxal dul gawriiro
Dhaaxaan durqumiyaye haddii, “diira!” laga waayay,
Maxaan ficil ku doocdoociyaa, beer ma soo duxa’e!
Daxal bay intay la uskageen, deri la yeesheene
“Deexey dadkaygii i sii!”, duul horaa yiriye,
Dabcigiyo aqoontoodu waa, cananno [45] soo diiqe.
Ibraahiinno daahay rogteen, dan iyo xeeshoode
Inkastay dinnaahyaynayaan, sooma daalicine
Hadba daraf u guurguurku waa, xaal dahsoon weliye.
Dacda Teendhabelo maalintii, lagu duqaynaayay
Hadday hiil u soo dugukumeen, loose diri waayay,
Duudyaabe gaarkood sidii, doon abaajidaye.
Darbaddaas in ay ku hakadeen, hagari waa deyne
Iyo in ay docdooda u hareen, durayga ma aqaane,
Labadaas midday ugu dudeen, looma duurxuline.
Diraac kulul walaalkaa hadduu, Dalawo maalaayo
Adoo diiqsan xoolaha hadduu, kaa dallali waayo,
Asaad doorka kale dhaanto waa, laga ducaystaaye.
Ninkii ina adeerkaa dilaa, daafad kuuma lehe
Waxba kama duwanid maalintuu, kuu dallaashado’e,
Hanna dayrinnina waa adduun, dabamarkiisiiye!
Maxamuudba diririhii iloow, soona dugukuubye
Matukade [46] dartiis uma galeen, dab iyo baaruude,
Dirrankoodii hore baan u baran, deeq rakuubsiga’e.
Wakhtigaa ku diray in ay bahdood, dar isku raacaane
Iskuduubna waw wada qabteen, dawdi Dhulugdheere,
Biciidyahanka naga sii durkow, roobku waa di’ine!
Reer Ugaarka dooxada Rakood, wada dekaynaaya
Dashiishliyo Siwaaqroon haddaan, moodey niman door ah.
Nin duddumo ammaantaan ahaa, damal la’aaneede.
Dadow Cali Jibraahiil haddaad, damac ka dhawreysey
Waakaa duskii Meeladeen, lagu dabaaxaaye,
Abtiyaalladay oo dug yiri, daaway aadmiguye!
Cabdalle iyo Daanweyne iyo, doosha Gumasoor ah
Durba Hamartiwaaq waa kuwaa, soo dulbaaxsadaye
Danabbada Ammaanlaa mar dhaw, soo danbaaburine.
Derdertii Wabeeneeye iyo, Idigfaclaa doojey
Daraawiish Cabdirixiin ah baan, duurka ku ogaaye
Tabaliyo dawaantiis mar bay, daafta soo marine.
Inkastoon diqoonnoo sidii, digo naloo xaaqay
Wallee daguug nalaga yeel, dirindir leelleel ah,
Ama diillintaan maagannahay, dunidu ciiryaantay.
Intaas oo dunuub baan qabnaa, duug iyo cusaybe
Agoon daa’imo ah baa ku badan, dooshashkii Xamare,
Waxa ooryo diriglaa qalbigu, ii dawanayaaye.
Dacluustii ku haysiyo waxaad, dininig noo sheegtay,
Shiikhow haddaan wax isu deyey, taayadaa darane,
Noo soo ducee waxaad ahayd, sharaf ku doondoone!
Gabay
waa sasuustii deegamada ssc taariikheed waa qaybtii koobaada wad la soocon doonta
Gabay loogu jawaabayo Beesha Bariga borco
Cosobsiga hashii barata iyo cidhifka daaqiisa
Cishuun bay dhurwaayadu cunaan kuna casheeyaane
Coobaha marbuu kalajaraa cooflihii bahale
Caynkaad wadaan habar jeclooy cilinki waa yaabe
Cagaagiyo mudaad buurihii camal ilawdeene
Cariskiyo banaanada mudaad cimidh u daaqdeene
Carigiyo dhulkaygii markaan kugu casuumeeyey
Cuudkiyo markay kuu bateen coodidiyo maalka
Cidiyuhu markay kuu bexeen baad i caasidaye
Ciyoon baad ilawdeen waxaan caana kuu shubaye
Cisi iyo wanaag kuma anhelin’ caawidaan idhiye
Caybaad bilawdiyo inadaad igu ciyaartaaye
Cafiskii badnaa eede iyo camal samaantiiye
Casharada ankuudhigo hadanad cayndhe kari waayin
Curcuradiyo qararkii hadaan lagu cillaalaanin
Hadii annan cashiyo buurihii kugu ceshiimaynin
Curadada lagaa dilo hadaanay kuman cagayn waayin
Caasi baad ahaataye hadanad caabid noqon maanta
Cali geriyo reer Hagar hadaan cagaha loo maydhin
Ciilkiyo dhibaatadu hadaanay kaa camirin laabta
Cuqdadaad qabteen iyo hadaanay cadhadu weynaanin
Ceesaanahaagii hadaanad adhiga caataysan
Canjil baad bilwdiye hadaanad caaqil odhanwaayin
Culayskiyo dhibkaagii hadaanan maanta soo celinin
Cabashooyinkii hore hadaanay cayma noqon waayin
Gabay loogu jawaabayo Beesha Bariga borco
google_protectAndRun("ads_core.google_render_ad", google_handleError, google_render_ad);
AS/WR/WB
Gabaygani wuxuu jawaab kooban uyahay gabayga ka hooseeya ee doraad lagu soo daabacay Qorilugud.
Cosobsiga hashii barata iyo cidhifka daaqiisa
Cishuun bay dhurwaayadu cunaan kuna casheeyaane
Coobaha marbuu kalajaraa cooflihii bahale
Caynkaad wadaan habar jeclooy cilinki waa yaabe
Cagaagiyo mudaad buurihii camal ilawdeene
Cariskiyo banaanada mudaad cimidh u daaqdeene
Carigiyo dhulkaygii markaan kugu casuumeeyey
Cuudkiyo markay kuu bateen coodidiyo maalka
Cidiyuhu markay kuu bexeen baad i caasidaye
Ciyoon baad ilawdeen waxaan caana kuu shubaye
Cisi iyo wanaag kuma anhelin’ caawidaan idhiye
Caybaad bilawdiyo inadaad igu ciyaartaaye
Cafiskii badnaa eede iyo camal samaantiiye
Casharada ankuudhigo hadanad cayndhe kari waayin
Curcuradiyo qararkii hadaan lagu cillaalaanin
Hadii annan cashiyo buurihii kugu ceshiimaynin
Curadada lagaa dilo hadaanay kuman cagayn waayin
Caasi baad ahaataye hadanad caabid noqon maanta
Cali geriyo reer Hagar hadaan cagaha loo maydhin
Ciilkiyo dhibaatadu hadaanay kaa camirin laabta
Cuqdadaad qabteen iyo hadaanay cadhadu weynaanin
Ceesaanahaagii hadaanad adhiga caataysan
Canjil baad bilwdiye hadaanad caaqil odhanwaayin
Culayskiyo dhibkaagii hadaanan maanta soo celinin
Cabashooyinkii hore hadaanay cayma noqon waayin
Saturday, 11 December 2010
Ciyaaraha CECAFA: Xulalka Ivory Coast iyo Ethiopia oo baxay semi finalka yirahaas
dr.seleebaan yuusuf (dr.bood), olinedarwiish, Uganda
Talaado, December 07, 2010(HOL): Waxaa galabta garoonka National Stadium ee magaaladda Darasalaam ka biloowday wareega 8-da ee koobka 37-aad ee xulalka qaramada bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA 2010, waxaana ciyaartii hore ee galabta dhex martay wadamada Ethiopia iyo Zambia, iyadoo ciyartaas 2-1 guushu ku raacday xulka Ethiopia.
Weeraryahanka xulka Itoobiya Tesfaye Alebachew ayaa daqiiqadii 18-aad ee qeybtii hore xulkiisa Itoobiya u dhaliyay goolka hore, iyadoo daqiiqadii 21-aad ee isla qeybtii hore khadka dhexe ee xulka itoobiya Omond Okwury uu goolka labaad xulkiisa u saxiisay.
Daqiiqadii 37-aad ee ciyaarta ayaa garsoorihii ciyaarta dhex-dhexaadinayay wuxuu ciyaarta ka saaray difaacad xulka Zambia Thomas Nyirenda, kaddib markii uu jalfiyay weerarka xulka Itoobiya Shamele Godo, hase ahaatee ciyaartooyda xulka Zambia oo laga dareemayay xoogaa niyad jaba ah laakiin dadaalkoodu muuqaday ayaa helay goolka qura oo ay dhaliyeen, waxaana daqiiqadii 58-aad u dhaliyay weerarkooda Felix Sunzu.
Tababaraha xulka Ethiopia Iffy Onoura oo u dhashay wadanka Ingiriiska ayaa isagoo faraxsan wuxuu yiri "Waan ku faraxsanahay in aan u soo baxno semi finalka koobka CECAFA, inkasta oo ciyaartooydu u muuqdeen in ay daaleen 10-kii daqiiqo ee ciyaarta ugu dambeeyay hadana kubadda waa ku dagaalamee"
Dario Bonetti oo ah tababaraha Zambia una dhashay wadanka Talyaaniga ayaa guuldarada xulkiisa ku habsatay ku eedeeyay inuu ka dambeeyay garsoorihii ciyaarta dhex dhexaadinayay wuxuna yiri "Ciyaartu waxay aheyd mid go'aankeeda oo dhan ay gacanta ugu jirtay garsoorihii ciyaarta firimbigeeda hayay, wuxuu naga diiday gool sax ah qeybtii hore ee ciyaarta mana garaneyno sababta uu u diiday goolkaas, sidaas oo kale wuxuu sabab la'aan ciyaarta uga saaray ciyaaryahan Thomas, taasina waxay cadeyneysaa in Africa aysan weli ka bixin caddaalad darradda dhinaca garsoorka ah"
Dhinca kale Xulka Ivory Coast ee lagu neynaaso "Marooydiyaasha" ayaa 1-0 ku sarootiyay dhiggooda Malawi, waxaana labadan xul oo marti ku ah koobka bariga iyo bartamaha Africa ay soo bandhigeen ciyaar aad macaan, hase ahaatee ciyaarta oo ay ka dhimaneyd 10-daqiiqo oo qur ah ayaa weeraryahanka xulka Maroodiyaasha Kipre Tchetche uu gool muhiim u ahaa xulkiisa dhex dhigay shabaqa xulka Malawi."Uma qalmin in xulka Ivory Coast uu naga badiyo galabta, laakiin casharro muhiim ah ayaan ka baranay, qibradna waan ha helnay tartankan, waxaana filayaa in sanadka soo socda nala casuumi doono" ayuu yiri tababaraha ciyaartooyda Malawi Kinnaa Phiri.
Tababaraha xulka soo baxay ee Ivoy Coast Koudio Georges ayaa isna sheegay in ciyaartooydiisu ay yihiin kuwa da'yar ah isla markaasna ciyaarba ciyaarta ka dambeysa muujina fir-fircooni iyo ciyaar wanaag.
Laakiin Xulalka galabta soo wada badiyay ee Ivory Coast iyo Ethiopia ayaa isku arko doona maalinta KHamiista ah ee soo socda garoonka National Staduim ee magaaladda Darasalaam, waxaana ciyaartaas oo live ah ay noqon doontaa mid ka xiisa badan ciyaarihii hore, maadaama laba xul ay noqdeen xulalka ugu kubada qurxoon tartanka CECAFA 2010.
Kulamada Berri:
Uganda Vs Zanzibar, Live Super Sport 9, (8th December 2010 2:00 PM)
Tanzania VS Rwanda, Live Super Sport 9, (8th December 2010 4:00 PM)
Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaliya oo ka qaybgalay shir looga hadlayo Internet-ka
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Wasiirka Warfaafintaha, Boostaha iyo Isgaarsiinta iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qayb-galay shir ay qabatay hay'adda ICANN ee maamusha arrimaha Internet-ka kana dhacay magaaladda Cartagena, Colombia. Shirkan oo ka dambeeyay kaddib markii xukuumadda Soomaaliyeed ku guulaysatay in ay gacanta ku dhigto furaha internet-ka ee dalka Soomaaliya. (SO), iyadoo uu sheegay wasiirku markuu ka tagayay Soomaaliya inay dowladdu ku shaqeyn doonto.
Kulamo kala duwan oo goobta ka dhacay, ayuu wasiirku la qaatay madaxa shirkadda ICANN Mr. Rod Beckstrom iyo weliba wufuud ka socday dala farabadan oo ay ka mid yihiin Koongo, Kenya, Malwi, Senegal, Maraykanka, Australia iyo Japan. Dalal ay ka mid yihiin Congo, Rwanda iyo Brundi oo aysan weli suura gal u noqon in ay magacoodii Internetka ka soo ceshadaan, ICANN ayaa dadaal badan ugu jiray sidii u gaari lahaayeen mid la mid ah guusha u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed.
Waxaa la ogaysiinayaa dhammaan shirkadaha iyo shacabka Soomaaliyeed inay ka faa'iidaystaan magacan ay iyaku leeyihiin ee 'SO' oo ay diiwaan-gashadaan magaca shirkadohooda iyo kooda shakhsiga ahba. In ka badan 200 oo ah sihrkadaha aduunyada ugu waaweyn oo iyagu leh astaan u diiwaan gashan (Registered Trade Mark) ayaa soo codsaday in magacooda oo ay ka dambayso 'SO' u diiwaan-geliso dawladda Soomaaliyeed. Waxaa halkaa ka maqan shirkadaha Soomaaliyeed intooda badan oo uu wasiirku ku dhiiri-gelinayo inay magacooda soo codsadaan inta ka horaysa 31-ka December 2010. Laga bilaabo January 1-deeda, 2011, waxaa la geli doonaa waqti loo tartamo magacyada la jecel-yahay ee soo hara oo magacii dhawr qof ama dhawr shirkadood soo codsadaan yabooh lagu iibin doono (auction). Sidoo kale, laga bilaabo 1-da April, 2010. Waxaa aduunyada oo dhan loo furi doonaa diiwaan-gelinta magacooda oo ay ugu dambayso 'SO' shirkado badan oo ah kuwa wax diiwaan-geliya ee dadku la xiriiro ayaa hadda ku hawshan sidii ay u qaabili lahaayeen dadka xiisaynayaa la diiwaan gelinta magacooda 'SO' nasiib-darro ayuu wasiirku ku tilmaamay in ayan shirkadahan wax diiwaan gelinaya illaa hadda ku jirin kuwa ay leeyihiin dad Soomaaliyeed.
Wasiirku, wuxuu amray maamulka Soregistry inuu raadiyo dhiiri-geliyana sidii shirkada Soomaliyeed ay uga qayb qaadan lahaayeen suuq-geynta magacyada ku dhamaanya 'SO', sidoo kale wuxuu ku dhiiri-gelinayaa dhammaan shirkadaha Soomaaliyeed ee ka bixi kara hawshan ay la xiriiraan soregistry.so, halkaasoo ay ka heli doonaan kaalmada ay u baahanyihiin oo dhan. Ugu dambeyn, wuxuu wasiirku sheegay in wadammo afrikaan ah oo dhawr sanno suuq-geeynayay magacyada ku dhammaada calaamadda Internet-ka ee dalkooda ayan dhaafin 6,000-magacyada laga diiwaan-geliyay, laakiin uu filayo in Soomaaliya ay tiradaas dhakhso u dhaafto marka Soomaalida dibadda iyo gudaha dalka joogta ay magacyadooda ku diiwaan-geliyaan astaanta dalkood.
Maxamed Xaaji Xuseen, Muqdisho, Soomaaliya
Wasiirka A/Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya oo ka warbixyay heshiisyo ay Gaalkacyo ku gaareen dhinacyadii dagaallamay 12/11/2010 10:07 AM EST
Sabti, December 11, 2010(HOL):- Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowlada KMG ah ee Somaliya C/shakuur Sheekh Xasan ayaa maanta sheegay in heshiisyo hor dhac ah ay wada gaareen dhinacyadii ku dagaalamay gobolka Mudug.
Maamulka Gobolka Gedo oo soo Gabagabeeyay Howlo lagu Dayactirayay Buundada Degmada Buurdhuubo 12/11/2010 9:25 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Maamulka xarakada Alshabaab ee degmada buurdhuubo ayaa maanta soo gababeeyay howlo dayactir ah oo lagu sameynayay buundo ku taallay degmada Buurdhuubo oo ay mudo ka badan 10 maalmood ka socdeen howlo dayactir ah kadib markii uu buundadaasi saameeyay burbur xoogan oo soo gaaray islamarkaasina ay ku adkeyd in ay isticmaalaan gaadiidka waaweyn ee qaada xamuulka culus.
Hay’adda waddaniga ah ee SAACID oo howlo nadaafadeed kawada degmooyinka Gobolka Banaadir (SAWIRRO) 12/11/2010 9:23 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Hay’adda wadaniga ah ee SAACID ayaa howlo nadaafadeed oo ay bilowday 7-dii bishii November ee sannadkan kawadda degmooyinka ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaasoo lagu nadiifinayo goobo ay buuxiyeen qashin fara badan oo qaarkood sida buuraha u sameysmay, halkaasoo muddo dheer ay dadku ku daadinayeen qashinka.
Abaaro ba'an oo ku habsaday deegaanno ka tirsan G/Sanaag 12/11/2010 8:16 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Abaaro khasaarooyin kala duwan gaystay ayaa lagu soo waramayaa in ay ka jiraan deegaano ka tirsan gobolka Sanaag,xilli halkaasi uusan qaban wax roob ah mudo billo ah.
Danjire Augustine P. Mahiga oo dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay dhowrto Xuquuqda Aadanaha 12/11/2010 7:31 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya danjire Augustine P. Mahiga, ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay meel sare ka geliso ajandaheeda dhowrista xuquuqda aadanaha.
Xarrakada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo maanta mar kale ku dagaallamay degmada Buur-Hakaba 12/11/2010 7:02 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Inta la ogyahay shan qof oo xoogaggii dagaalku u dhexeeyay ka tirsan ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal culus oo maanta ku dhexmaray degmada Buurhakaba ee gobolka Bay xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam.
Booliiska Uganda oo sheegay inay qabteen bas ay saarnaayeen walxaha qarxa iyo laba qof oo la socday 12/11/2010 6:47 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Booliisa dalka Uganda, ayaa sheegay inay jimcihii shalay gacanta ku dhigeen bas ay saarnaayeen waxyaabaha qaraxa oo ka yimid dalka Kenya, kuna socday magaalada Kampala ee dalka Uganda, ayna qabteen laba qof oo baska la socday, kuwaasoo aan jinsiyaddooda la sheegin.
Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo ka dayrisay xaaladaha caafimaad ee ka jira dalka Soomaaliya 12/11/2010 6:13 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Warbixin ay soo saartay hay'adda WHO, ayay ku sheegtay in saddex meelood, hal meel ay shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin gargaar caalami ah, iyadoo sheegtay in dadkaas ay dhibaatooyin ku kala haystaan gudaha iyo dalalka dariska ah.
Guddoomiyaha degmada Guri-ceel oo sheegay in ay isku soo dhiibeen dhalinyarro ka tirsanaa Xarrakatul Shabaab 12/11/2010 6:11 AM EST
Sabti, 11, Dec, 2010 (HOL) Guddoomiyaha degmada Guri-ceel ee maamulka Ahlu Sunna Waljameeca Cismaan Ciise Nuur oo la hadllay warbaahinta ayaa sheegay in ay dhinacooda u soo galeen dhalinyarro sida uu hadalka u dhigay ka soo goostay xoogagga Xarrakada Al-shabaab ee dagaallku ku jira.
Dagaallo iyo duqeymo ka dhacay Magaalada Muqdisho 12/11/2010 1:12 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen, dagallo xalay iyo saakay ku dhexmaray xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir ciidammada DKMG ah, AMISOM iyo dagaalyahannada Xarrakatul Shabaab.
Xoogagga Ahlusunna ee koonfurta Soomaaliya oo guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen ururka Xisbul Islaam 12/11/2010 1:10 AM EST
Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Saraakiisha xoogagga Ahlusunna Waljamaca ee ku sugan deegaanka Doolow ee gobolka Gedo, ayaa guulo ka sheegtay dagaallo ku dhexmaray shalay gallinkii dambe xoogaggooda iyo kuwa Xisbul Islaam meel ku dhow degmada Luuq.
shirkan ayaa markaasi waxaa soo qaban qaabiyay ismada deeganka buuhoodle iyo cuqaasha
yadoo halkaasi lagaga hadlayay shirqoolkii maygaagle ee loo dhigay ismada buuhoodle ayaa markaasi waxaa halkaasi ismada u furay hadalka suldaan siciid cismaan cali,
isagoo ay hadala diisii kamida ahaayen.( dhamaantiin waad salaamantihiin salaan ka dib waxaan idiin sheegaynaa reer buuhoodle waxaa weeye.waad ogtihiin waxii ka dhacay maygaagle iyo waxa ay xukun tay maxkamadii inay tiri wada qaata meesha.taasina may ahayn midaynu u fadhinay maadama aynu makhraati iyo dhaarba helnayna waxa laynoga dhexaysiiyay kalshaale beesha qorulugud waa khalad,
mana aanu qaadan waad ogtihiin in aanu sicad u diidnay hadana xaqaaa inoo hiilinaya hoshuna intaa ka badan waad ogtihiin oo sland ciidamo badan bay soo dhoobtay illaahay amarkiina caafimad inaga qaadi maayaan oo yaga iyo reer qorulugudba waxa ay deenayaa waa xaqdaro,
hadana waad ogtihiin hagoogane iyo kalshhaleba waxaa aynu gaynay ciidamo badan waxaana idiin
sheegayaa sidii laysu difaaci lahaa oo tabaabushada inta hadhay loo dhamaystir lahaa waa in falowgeed laqabtaa diyaarna loo ahaado wa saalmu calaykum,)
intaas ka dib waxaa halkaasi ka hadlay sh.saleeban oo ahaa wakiili dacwihii buuhoodle u doodayay oo isagu dadka reer buuhoodle u sheegay inay baliga kalshaale awalna lahaayen hadana ay shareecadu u xukuntay ee laga lee xiyaay taana uu san cidana waxa idinkaga qaadayn,
waxaa sidoo kale isna ka hadlay shirkaasi caaqil sanwayne nuux oo sheegay in dadka iyo dhulkaba duulaan lagu yahay loona baahan yahay in lays difaaco ciidamada hagooganena la xoojiyo iyo kalshaale gudina layska saaro,
waxaa isaguna halkaasi ka hadlay maxamuud x cumar oo isagu mudo badan ku dagaala mayay baliga kalshaale una dhaqdhaqayay baliga sidii loo aasi lahaa haday xaajo tahay iyo haday xabad tahay ba una sheegay reer buuhoodle maanta in uusan ahayn maalintii uu kala qaybsanaan lahaa,
isku soo wada duuboo maanta ayaa waxaa laga dareemayay magaalada buuhoodle farxad iyo isku calool fayooban aad ubadan iyo in ay isku mid noqdaan taasina haddii ay timaado cid haba yaraate wax ka qaadaysaa ayna jirin sidoo kale waxaa aad loo xoojinayaa oo ciidamo ku sii qulqulayaan dhinaca baliga kalshaale oo kumanaan la ag dhigayo sidoo kale waxaa intaasi wararku ku darayaan inay ciidamadii dhinacaa ay ka qaxayaan aagaas illaayo intii reer buuhoodle ganafka u daruuren arinkii maygaagle,
Thursday, 9 December 2010
welcome to sudan
Dalka sudan waxbarashada waxaa looga helaa habab kala duwan oo kala ah sidan
1_ hab maamul
2_hab daladeed
3_hab shaqsiyadeed
Dhamaan habakaasi waa habab la isticmaalo si waxbarasho looga helo dalka sudan
haddaba saddexdaa hab way kal fudud yihiin
ka ugu horeeya inta badan waxaa lasiiyaa maamulada somalia ka jira iyagaan a iibsada ama siiya cidda xigta
kalabaad waaxaa hela daladaha somalia kajira sida FPENS oo jirta inta badan gobalada somlia
kan ugu dan beeya waa inuu qofku joogaa sudan oo isagu maraa qaabilaa xafiisyada dawlada oo wax xaraystaa waana lagu guulaystaa inta badan
Haddaba waxay waddaa dhalinta reer SSC samaynta dalad u adeegta ardada SSC ee doonaysa inay sudan wax barasho kahelaan
lasoco
Q/ENG Abdirasaq axmed jamac (qoje)
MAGAALEEYNTA KALSHAALE QORSHE KHIYAANO CAD IYO UJEEDO KALLE.
llah Mahad leh-Arrin xad-gubkeeda leh iyo talloobo khaldan oo khayaanoiyo hoosiin ku jirto in si qarsoodi ah oo qorshihiisa leh loo dhiso amaloo magaaleeyo dhulka Kalshaale oo muran dhuleed iyo xiisad colaadeedka taagnaa dhimasho iyo dhaawacba keenay,loo fadhiyeey shir nabadeed iyohowlo lagu xalinaayo dhibkii dhacday,markaas dhismaha ama magaaliyiintuKalshaale oo eey beesha degaanka bariga Burco ku kacday maxaa ka dameeymaxaase markii hore looga jeedeey qabashada shirka nabadeeynta oo hogaandhaqmeed iyo culimaa’udiin beelo badan ka socdaa ku hawlanaayeen.
Runtii waa talaabo ayaan daradeeda leh waana arrinabuureeysa colaad hor leh iyo dagaalo dhiig kalle ku daato waana mid eeymasuuliyadeeda tooska ah yeelanaayaan Hogaan dhaqameedka,culimaa’udiinka iyoWax-garadka Beesha Beriga Burco oo si cad u jebiyeey heshiisyadii hore ooArrintaas ku sabsanaa fadhidooda shirkana wuu yahay khiyaano cad oo dhinacmarsan shareecadda islaanka iyo dhaqanka odeynimoba,sidoo kalle waxaa wararkuxaqiijinaayaan in Ciidanka S/Land oo halkees joogaa gacan ka qaateen dhismahaiyo magaaleeynta Kalshaale taasoo micnaheedu yahay taageero buuxda oo MaamulkaMadaxweyne Siilaanyo iyo Golayaasha hargeeysa fadhiyaa ku raaceen kuna maal-geliyeen beeshaa tallaabadaas gefka ah oo dhul balaarsiga cad ah,waana mid eeyyeelanaayaan wixii dhibaato ah oo ka yimaada(Masuuliyad Toos ah).Durduro Geel Baa ku jaba
Sidoo kalle waxaa si weeydiin mudan hogaan dhaqmeedka beelaha kala socdeey ooHowsha nabadeeynta ku jireey maxeey ka oran doonaan arrintaas dhacday msie weeybakula socdeen shir-qoolka iyo khiyaanadda,Beesha Reer Buuhoodle maxaa la gudboonoo eey qaadi doonaan anigoo mar walba nabad iyo xasiloonida taageeraaya hadanawaxaan si cad u qiraayaa in falkaasu yahay gef,gardaro cad iyo damac gaar ahaaneedoo dhul lagu boobaayo,xaquna wuxuu dhigaayaa in cida adeega asal ahaan u leh ma kunoolaan jirtay difaacadiisa iyo hanashadiisaba leeyahay,mana la qaadan karaayo amawax la ogolaan karaayo ma aha tallaabadda halkaas lagu magaaleeyeey iyagoo shirkiisocdo,waxaan ugu baaqaayaa gudigga shirka iyo guud ahaanba culimaa’udiinka,hogaandhqamadeedka iyo wax-garadka halkaas jooga iyo kuwa kaaleba in wixii dulmi ah sidaku haboon loo diido looguna hor tago inta aanay arrintu gacanta ka bixiin,MaamulkaMadaxweyne Siilaanyo S/Land waa arrin ceeb weyn ku ah dhaawaceeysana Masuuliyadiisasi cadna u qeexeeysa taageerada beeleed oo uu siinaayo beel uu asal ahaan ka soo jeedoMarag cadna u noqoneeysa shakiyadii hore looga qabeey(Qabyaalad ku Dhaqmidda)Talabadanayaa si weyn u dhaawaceeysa xiriirkii soo jireenka ah derisnimadda,Ehel Wadaaga iyoRabaabadda ku dhisnaa oo u dhexeeya beelaha degaamadaas ka soo jeedaa waana sida habkaSiyaasadeed ama Maamulka rabo,waxaana muuqata inwuu ku guuleeysanaayo,laakiin dhibkuwaxuu saameeynaayaa dadka degaanka oo wax badan wadaageey,wax badana waayi doona.
Waxaan si gaar ahaaneed ugu boorinaayaa Hogaan dhaqameedka,Culimaa’udiinka,Wax-garadkaBeelaha reer Buuhoodle ka hor tegida iyo ku adkeeysiga xaqooda dhuleed kalshaale marnama noqon kareeyso degaan hab dhul boob ah iyo khiyaano qorsheeysan lagu qaadan karaayowaxaana ceeb iyo magac weyn xumo u soo hoyateey kuwo hargeeysa jooga oo sheeganaaya:-Wasiiradda,Xildhibaanadda Wakiiladda,Xildhibaanadda Golaha Guurtiga iyo guud ahaanbaka tirsanaanta Maamulka S/Land asal ahaan ka soo jeeda degaanka SSC oo wax qiimeyn amadadnimo ah aan laheyn balse ah shaqaalle rakhiis ah,ha ku tusaale qaateen talaabadanMaanta,waxaan rajeeeynaayaa in caqligu taliyo oo xaqa la garto lana raaco.
-ALLAH MAHAD LEH--Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi(Xassan Carab)--sharifhassan50@hotmail.co.uk-Dec- 09/2010
Sunday, 5 December 2010
Afkii baa Juuqda gabay !!
Afkii baa Juuqda gabay !!
Wq. Axmed Ismaaciil Maxamuud
"Axmed Deeq"
Dec. 01, 2010
Waayaha Muqdisdho ee Maanta. |
Cirku mayay buu la madaw yahay,
Magaal midab buu la madaw yahay,
Masku malag buu la madaw yahay,
Anna murugiyo maxay mudan baan,
La madoobahay.(*)
Cirka waxa ku gedaannaa daruuro colaadeed, dhulkana waxa ku gedfanaa duruufo nololeed. Waayuhu waa sumaysnaa, siyaasadduna waa silloonayd; gabbal baa u sii dumayay dawlad ku sheegtii jirtay. Galawguna cida ma kala goynayn. Salow colaadeed baa sidaa geyiga ugu baahayay. Dadku iyaga oo walaalo ah, haddana waa isku ciil qabey, oo naxli iyo xumaan in xuni beertay baa bislaatay, oo baalal goroyo yeelatay. Dugaaggu wuxuu u hamuun qabey hilbaha darayga ah ee dadka. wax walba meel xun baa laga eegayay, wax walbana si silloon baa loo fiirinayay. Nafo badan baa caleentoodu caddaatay, kuwa kale oo ayaan daranna iniintoodaa biqishay!! Anigu kuwaa danbe ayaan ka mid ahaa.
Waxaan ifka imid aniga oo ooyaya, ma aqaanno oohintaydu inay odorasaysay aayaha noloshayda iyo inay baroor diiq u ahayd baradii diiranayd ee aan ka imid. Aniga oo aan oohin dhamaysan baa balaayadu hig tidhi. Deryanka hoobiyaha iyo duryanka rasaasta waxaan u haystay damaashaad loogu dabaal degayo dhalashadayda. Waa danbesa waxaan ogaadey inay birta iska aslayeen walaalo wada dhashay.
Waxaan garaadsaday iyada oo colaaddii aan la dhashay weli geyiga ka hullaaqan tahay. Holoca baaruuda iyo halasaha dagaalku waxay halakeeyeen badi ehelkaygii iyo asxaabtaydii, waxaanay hagardaameeyeen habsami u socodka koriinkayga, iyo hannaan fikirka maskaxdayda. Dhiggayga waddamada kale haddii ay waxbarasho aasaasi ah sed u heleen; aniga waxa sahay la iiga dhigay sunta baaruudda iyo siifadda rasaasta. Waxa sidaa wax yeelay dad kuwii iigu xigay. Itaal iyo awood waannu kala jarmaadnay. Ma nooli, mana dhiman; ma fayoobi, mana miyir qabo; ma hurdo, mana soo jeedo. Arrintaydu, xaaladahaas bay u dhaxaysaa. Waxaan noqday qalfoof. Dhafoor godnaantayda iyo dhabanno hayskayga waxaad I mooddaa duq gaboobay oo gabanno haysta. Daranyada nololeed ee aan qabo lama soo koobi karo. Waxaan garan la'ahay waxa iigu wacan.
Maalin socod la iskuma aamino, habeenna waa laga caagay. Qofba halkii gabalku ugu dhaco ayuu bariistaa. Caawase waxa iga go'an inaan guuro bahalleeyo. Waa gudcur dama, magaaladana waxaad mooddaa in qarni ka hor laga haajiray. Iyada oo xaal sidaa yahay, haddana sanqadh tirasho awgeed waxaan ku socdaa faraha.
Meel walba meydka dad qudh baxay baan ku dul turun turoonayaa; halkan gaari baa taal, halkeer geesi baa wadhan. Waxaan jawaab u la'ahay weydiinta welbahaarka leh ee ay maydku igu holqinayaan: Maxaa nalagu dilay? Soomaali miyaannaan ahayn? Muslim miyaannaan ahayn? Nolol miyaannaan xaq u lahayn? Jawaabtu iyada oo iska cad, haddana afkayga waa ka soo bixi la'dahay, inaan ku dhawaaqona hadalkeedaba daa! Illin uurka ka soo go'aysa oo xinjiro u eg ayaa aniga oo is moog iga gobo'laynaysa. Waan dubaaxinayaa; jidhku way damqanayaa; maanku way ducanayaa; cagtu way dalooshaa, uurku way huraayaa. Dhagar qabe sidaan ahay baan dhaqaaq joogsanayaa. Qulqulka dhiigga waxaad mooddaa togag biyo ah. Waxaan kala garan la'ahay inaan ku suganahay sariibad xoolaad iyo mid dadeed. Waxa igu hareeraysan habar dugaag (mooryaan), waxaanay u wada haliilayaan hilbahayga, waxayse moog yihiin in lafta iyo diirku isku kay dhagay, oo aanan dhiig iyo dheecaan toona lahayn.
Inta nooli, inta dhimatay ma nolol dhaanto. Gabannada ciyaalka ah, guudlayda dumarka ah iyo gadh caddaaga odayga ahiba waxay u hiqlaynayaan sidii naag la yidhi huray dalaaqdaa. Maalintii Alle keenaba intaasoo carruura baa agoomawda, intaasoo kalena waa rajawdaa. Haweenka dharkoodu waa asay, hablaha guurkoodu waa kufsi, wax garadka abaalkiisu waa dil, ubadka nac nacoodu waa xabbad, bulshada hadalkeeduna waa reer hebel.
Carruur iyo haween saf ugu jira cisbitaalka SOS. Tolow yaa aafadan baday! |
Markii ay dhergeen waxa igu dibira dhacsanaya oo dushayda ku hardamaya laba nacas oo ila dhashay, laba doqon oo ila muuq ah, laba dawdar oo aan dan iyo heello ka lahayn duruufahayga qallafsan. Mid waliba ubadkiisii iyo ooryihiisii wuxuu gaystay dibadaha, waxaanu ku masruuftaa dhiigga masaakiinta iyo dheecaanka makasta. Maalinta aanay xabbadi dhicin, ajalna aanay go'ini waxay u tahay maalin madaw. Maalintase xusuuq dhaco waa u damaashaad.
Warbaahinta ayaa u kala baratanta maqalka codkooda, iyaguna waa sida ay rabaan. Waxay ku tuur tuuraan weydiimo macno daran, iyaguna si ka sii macno liidata ayay ugu jawaabaan. Marka ay ka hadlayaan xaaladda Soomaaliya waxaad mooddaa in ay dalal kale ka sheekaynayaan, ama ummado kale wax u sheegayaan. Waa ma xishoodayaal hadh iyo habeen u hanqal taagaya hoo aan sii ridnayn oo reer galbeed ugu baaqayo ama carabtu ugu yaboohayso. Laguma oga dhibic dhiiga oo Soomaalinimo ama bani' aadanimo ah. Waa haybad laawayaal ay ugu dhan tahay safarada ay ku tax taxaashayaan dibadaha ama bambooyinka ay ku qarxinayaan makasta.
Dadku waxay moog yihiin inaanay iska soo horjeedin ee ay dhan wax u wada wadaan, oo ay wada rabaan in ay dalka iyo dadkaba is hanbo raaciyaan. Mid walba waxa ku hareeraysan in la dhalatay oo dhegta wax ugu qabata, dhulkana u xaadha. Bulshadu kama duwana xoolo, haddii aanay kaba qiima yarayn. Mar waa la garaacaa, marna waa la qixiyaa; mararna waaba la gawracaa!! Waxay ka dhigan tahay hal laba midigoodle garaacay oo dhanna aanu u fayoobayn. Dhawaaqa taaha iyo ciilku ku saynsaaban yahay ee uurkooda ka soo gurmaya cid aan caadilka ahayni ma maqlayso. Haddii ay maqlaysana uma digigixoonayso, umana diirnaxayso.
Sadexda cadaw ee dadka caddiba (gaajada, xanuunka iyo jahliga) annaga waxa noo raaca cadaw afraad oo ah madax ku sheeggayaga. Adduunyada waannu ku yasannahay oo waxa la noogu soo hal qabsadaa inta xun, waxaana naloo soo diraa inta xun (sunta badaha), waxaa naloo dooraa inta dadka u liidata (wax magaratada). Aakhiro wax aannu la tagno garan maynno. Alle faqri nagama dhigin, haddana inta xabbadu layso in le'egi waxay u le'ataa gaajo, in ka sii badanina waxay u go'daa cudurro. in kale oo badan waxa quuta yayda iyo yaxaaska, inta soo hadhayna waxay ku nooshahay gacmo hoorsi. Qarnigoo koob iyo labaatana ayaannu qaran is weydiinaynaa !! Waxaan ka baqe qabaa inaan ka hor dhinto dhalashada dawlad Soomaaliyeed oo xor ah. Allahayaw adaa waynoo waaxidee Muqdisho caqliga u soo celi.
Xamareeeey !!! Xajkii geeska bariyeey, maxaad uga gilgilan la'dahay gabbood fallada joogtada ah ee lagu hayo bulshadaada? Maxaad uga guban la'dahay caqli gaabka maalin walba dushaada ku waxyeelaynaya dadkaagii? Maxaad u qarinaysaa qawlaysatada qoriga ku dhacaysa masaakiinta? Ha iga jeedsanne ii jawaab, ii jidh dabac.
Intuu xaal sidan yahay; intay beentu qoslayso, runtuna ay rafanayso; intay dawlad la'aanta, dadkaygii dalka joogay; daranyo ay ku qabaan; dibitaatiga naaxay, diirkoodii gadanaayo; diinta kii isku nisbeeyayna, dadka uu qalqalaayo; doqonkaan wax hubsan, qabyaaladdaa daldalaayo; kuwii aadey dibaadkuna, dalandool iyo ciil, iyo dawarsi ay ku jiraan, bal maxaa ila gudboon? Bal maxaa iga oohin? Waxaan la ooyayaa, ilmadu iiga qubanaysaa, ikhtiyaar nin isku diidoo, is addoonsadaan ahayey**.
Waxa ila gudboon inaanan quusan, qancin ee aan ilmada iska tiro, wixii aan shacabkayga tari karana u qabto. Allaha aan baahan ee had iyo goor aan laga maarmin waxaan ka tuugayaa inuu curaddo khayr leh noo kiciyo.
Axmed Ismaaciil Maxamuud "Axmed Deeq"
E-Mail: awliyo177@hotmail.com
* Hees ka mid ah hees hawleedyada Soomaalida.
** Heestu waxay sax ku tahay: Ikhtiyaar nin loo diidoo, la addoonsadaan ahaye.
Waa Kuma Julian Assange ? Wikileaks Xagee Ku Danbeeyey?
Waa Kuma Julian Assange ? Wikileaks Xagee Ku Danbeeyey?By Somali
Julian Assange waa Suxufi 39-jir ah oo u dhashay Dalka Australia gaar ahaan Townsville, Queensland, wuxu ku barbaaray JaziiradaMagnetic Island , 1979 ayaa hooyadii guursatay nin kale oo musician ah sidaa waxaa ku kala lumay xidhiidhkii Assange iyo hooyadii , Assange waa aqoon yahan bartay Maadooyinka fiisigiska,xisaabta iyo waliba Computer programe , Wuxuu sanadku markuu ahaa 2006 samaystay websiteka Wikileaks.org ,Assange waa nin Webka u sameystay inuu soo bandhigo sirta iyo gabood-falada ay ku kacaan siyaasiinta iyo Dawlada awooda leh.
Ninkan ayaa boga diplomatic cables-ka ee warsidaha WikiLeaks kusoo bandhigay in kabadan 250,000 dokument, kuwaas oo lagaga hadlayey warar xasaasi ah oo ku saabsan arragtida saraakiisha Arrimaha Debadda ee Maraykanka ee ku jahaysan madaxda dalalka dunida, argagixisada, iyo fiditaanka nuklearka.
Warbixinadan ayaa ah kuwo sir ah, waxaana kamid ah wararka lagu soo bandhigay magacyada ay saraakiisha wasaaradda Arrimaha Debadda ee Maraykanku ugu yeedho madaxda dalalka caalamka marka ay iyagu isu waramayaan.
Madaxweynaha Ruuska, Dmitry Medvedev, ayey warbixintu sheegtay in saraakiisha Arrimaha Debadda ee Maraykanku aaminsantahay in uu yahay shimbir u heesa ra’isulwasaaraha Ruushka, Vladimir Putin. Halka ay ra’isulwasaaraha Ruushka, Vladimir Putin, ku sheegtay in uu yahay Eyga ugu horreeya Eyda, waxayna ugu magacdartay “Alpha Dog.” Warbixintu waxey sheegtay inay dowladda Ruushka gabi ahaanba tahay mid mafiya ah.
Madaxweynaha Zimbabwe, Robert Mugabe, ayey warbixintu sheegtay in saraakiisha wasaaradda Arrimaha Debadda ee Maraykanku u taqaan “naxariis laawe, laakiin Caqli badan.”
Madaxweynaha Libiya, Muammar Khadafi, ayey warbixintu sheegtay in saraakiisha Arrimaha Debadda ee Mareykanku aaminsan tahay in uu xidhiidh hoose la leeyahay gabadha u ah kalkaaliyaha caafimaad ee u dhalatay dalka Ukrania.
Haweenayda hogaamisa dalka Jarmalka, Angela Merkel, ayey warbixintu tilmaantay in wasaaradda Arrimaha Debadda ee Mareykanku aaminsantahay in aanay waxba isku dubaridi karin, islamarkaana ay iska illaaliso khatarta. Warbixintu waxay ugu yeedhay hogaamiyaha Jarmalka “Angela Teflon.”
Madaxweynaha Fransiiska, Nicolas Sarkozy, ayey warbixintu sheegtay in ay wasaaradda Arrimaha Debadda ee Maraykanku u aragto nin xukun jecel oo u dhaqmo sida boqorrada oo kale, ahna kali-taliye, waxayna warbixintu ugu yeedhay “naked emperor.”
Madaxweynaha dalka Iran, Mahamoud Axmedijejad, ayey warbixintu tilmaantay in wasaaradda Arrimaha Debadda ee Mareykanku u taqaan in uu yahay khabiit aan jixjixin , waxaana loogu yeedhaa “Hitler.”
Hogaamiyaha Sacuudiga, boqor Cabdalla bin Cabdulasis, ayey warbxintu sheegtay in ay kaga dhagantahay in uu Maraykanku weeraro dalka Iran, waxayna tilmaantay in boqorku uu dhowr mar weydiistay Maraykanka in uu burburiyo saldhigyada nuklear-ka ee dalka Iran, waxaana laga hayaa boqorka inuu yidhi “madaxa ka jara maska,” isaga oo ula jeeda Iran.
Warbixintu waxay intaa ku dartay in boqor Cabdalla uu dowladda Maraykanka kula taliyey in dadka looga shakiyo argagixisada jidhkooda la dhexgaliyo aaladda wararka lagu keydiyo oo sheegi karta meel kasta oo qofku uu joogo. Saraakiisha Maraykanka ayaa talada boqorka la yaabay kana dhaga-adaygay, balse boqorka ayaa ku adkaystay in maadaama fardahaba jidhkooda aaladdan la galiyo ay muhiim tahay in dadka laga shakiyo iyagana jidhkooda la galiyo, si kastaba ha noqotee….saraakiisha Maraykanka ayaa boqorka u sheegay in farduhu aanay lahayn qareenno (lawyers) fiican oo u doodda.
Warbixinnada sirta ah ee uu WikiLeaks soo saaray oo aanu waxyar kasoo qaadanay, waxay inbadan ka sheegayaan caafimaadka, dabeecadda, sida ay u noolyihiin iyo waliba arrimahooda qaaska ah ee madaxda dunida qaarkood.
Mr Julian Assange ayaa Booliiska Sweden sheegeen inay raadinayaan,maadaama looga shakisan-yahay inuu ku kacay falall kufsi ah,xili uu ku sugnaa Dalka sweden. Shirkada Amazon ee Maraykan ayaa block garaysay hostinnkii Websiteka Wikileaks halka Frach ay ku dhawaaday inaanay u ogolaanayn inuu dalkeeda ha helo wax host ah , nasiib wanag wuxuu hosting ka helay wadanka swizerland .
Wikileaks ayaa wuxuu ilaa hada ku shaqaynayaa si kumeel gaadh ah host kan : http://wikileaks.ch/ ama http://wikileaks.nl/ iyo waliba http://213.251.145.96/ wikileaks ayaa ay suura gal tahay inaad aragto ama akhrisato macluumaadka uu soo bandhigay .