Sunday 10 October 2010

Shirkii Beesha Cabdi Garaad Uga Socdey Dharkayn oo La Soo Gabagabeeyey Go’aamana Laga Soo Saarey

'Dharkayn:-Waxaa si rasmiya loo soo gabagabeeyey Shir mudo sadex todobaad ah uga socdey Beesha Cabdi Garaad Degmada Dharkayn kaasi oo ay ka qayb galeen,Cuqaasha,Waxgaradka , odayaasha, xubnaha uga jira beesha maamuladda iyo Garaad Beesha.
Shirkan oo uu gudoomiynayey Garaad Cali Buraale Xasan Shiil ayaa mudadii uu socdey waxaa lagu lafo gurey xaalada Beesha,tan Bulshadda SSC iyo tan guud ee Soomaaliya,waxaana ugu danbayntii laga soo saarey baaqyo iyo Go’aamo.
Inkasta oo aanan si rasmiya u helin qoraalkii rasmiga ahaa ayaa haddana wararka aanu ka helayno waxaa qodobada ka soo baxey ugu waa weynaa.
1-Beeshu waxaa ay Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqeysaa Nabadgalyo,waxaana ay beeshu u taagan tahay sidii loo heli lahaa Dawlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.
2-Beeshu Waxaa ay Beelaaha SSC ugu Baaqeysaa Midnimo iyo wadatashi.
3- Beeshu waxaa ay Taageersantahay Midhihii ka soo baxey Shirkii Horseed ee dalka Kenya iyo sidoo kale Shirarkii Holhol iyo Buura-wadal.
4-Beeshu waxaa ay si cad ugu gacansaydhey Baaqii ka soo baxay Siilaanyo, wadahadal iyo nabad dhacaysaa ma jirto inta Deegaamada ssc ay ku sugan yihiin Ciidamada ka soo duley Hargaysa.
Sidoo kale waxaa shirka si buuxda layskugu afgartey dhammaan arimihii dhinaca Bulshada,sida Deegaanka Daaqa,waxbarshada iwm.
Waxaa xusid mudan in gabgabadii shirka ay ka qayb galeen Garaad Jaamac Garaad Cali,Hogaamiyaha SSC Saleebaan Ciise hogaamiye ku xigeenka Cali Axmed Xasan iyo saraakiil kala duwan oo ka tirsan Hogaanka Midnimada iyo Badbaadada SSC.

No comments:

Post a Comment