Sunday 10 October 2010

Ergooyin kala duwan oo Nabadaynta Xiisada Cagaare u yimid Qoriley

Wefti uu hoogaaminayey Garaad Cabdilaagi G Soofe ayaa ka soo ambabaxay Buuhoodle waxayna soo gaadheen Qoriley,sidoo kale Wefti kale PL ah ayaa ka soo ambabaxay Garowe waxaanna hogaamina Daa’uud Bisinlae oo Wasiir ah.
Degmada Boocame ee gobolka Sool Waxaa Saaka ka anba baxay Wafti Balaadhan oo Hogaaminayo Ugaas C/laahi Ciise Nuur oo kamid ah Isimada gobolada SSC, Waxaana Socdaalka Ugaaska ku Wehelinaya Qaarkamid ah Xubnaha Golaha Cuqaasha ee Degmada Boocame Culumo awdiin iyo Madax kale oo Ugaaska Wafi uu Hogaaminayo kamid ah Weftida Buuhoodle ayaa waxay kala ahaayeen Garaad C/laahi Garaaad Soofe ,Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Garaad Saleebaan Buraale aadan oo kamid ah Isimada Deegaanka Buuhoodle iyo Xubno kale oo nabadoona ah.
Dhinaca PL ayaa waxaay isugu jiraan Xubno Wasiiro ah iyo Xildhibaanno,wafuudan kala duwan ayaa waxay ku sugan yihiin magaalada Qoriley halkaasi oo wada hadal uu uga socdo Beesha degta Qoriliye iyo wafuuda. Isku soo wada duubo Ergooyin badan oo ka soo jeeda deegaanka SSC ayaa ku soo qulqulaya Qoliye si ay u dabo qabtaan Colaada labaa beelood ee Ood wadaagta ah.
Live udhagaysi SSC Radio

No comments:

Post a Comment