Tuesday 12 October 2010

Midowga Afrika oo masuul cusub usoo magacaabay dalka Soomaaliya

Midowga Africa ayaa ergay cusub u magacaabay dalka Somaliya xilli ciidamada Midowga Africa ka talaabsan la yihiin dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo kaga imaanaya kooxaha mucaradka.Madaxweynihii hore ee Ghana ee xilka ka tagay sanadkii 2000 Jerry John Rawling ayaa loo magacabay iyadoo la tilmaamay in wax weyn uu ka badali doono xaalka Somaliya. Mas'uulkas ayaa la tilmaamay in uu awoodi karo in taageero lagu xoojinayo howlaha Midowga Africa ee Somaliya ka keeni karo beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay.Ergaygaan ayaa xusay in uu ku rajo weyn yahay in uu wax caqabad ah kala kulmi doonin howshiisa .Miwdoga Africa ayaa waxaa Somaliya ka jooga dhowr kun oo askari kuwaasi oo ilaaliya xarumaha dowlada Soomaaliya iyo kuwa dhaqaale .

No comments:

Post a Comment