Sunday 2 January 2011

warkii maanta

Maamulkii hore ee degmada Baardheere oo la badalay iyo maamul cusub oo maanta loo magacaabay 1/2/2011 11:18 AM EST
Axad, January 02, 2011(HOL): Maamulka wilaayada islaamiga ah eegobbalka gedo ee xarakada Mujaahidiinta Al-shabbab ayaa manata maamul cusub u magacawday degmada baardheere ee gobbaklka gedo,ayadoona gabi ahaanba labadalay maamulkii hore ee halkaasi ka dhisnaa.
Hay'adda CDHR oo ku qabtay Muqdisho siminnaar looga hadlayay xad-gudubyada lagula kaco bani'aadamka (SAWIRRO) 1/2/2011 8:27 AM EST
Axad, 02 Jannaayo, 2011 (HOL) − Hayadda Xuquuqda Aadanaha ee (CDHR) ayaa maanta kusoo gabgabeysay Hotelka Ambbasador ee Muqdisho tababar looga hadlayay mabaadi’da aasaasiga ah ee cadaaladda, dambiyada iyo ku-takri falka awoodaha.
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inaan garoonka Muqdisho looga dhoofi karin baasaboorkii hore ee Soomaaliya 1/2/2011 7:11 AM EST
Axad, 02 Jannaayo, 2011 (HOL) − Dowladda Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay sheegtay inaan looga dhoofi karin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho baasaboorkii hore ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in lagu dhoofi karo oo keliya baasaboorka cusub ee E-Passaport.
Burcadbadeed Soomaaliyeed oo afduub ku qabsaday markab xamuul iyo mid kale oo dirqi uga baxsaday 1/2/2011 6:49 AM EST
Axad, 02 Jannaayo, 2011 (HOL) − Burcadbadeed Soomaaliyeed, ayaa afduub ku qabsaday gallinkii dambe ee Sabtida markab laga leeyahay dalka Al-jeeriya iyo 27-shaqaale ah oo la socday, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidammada Midowga Yurub ee ku sugan biyaha Soomaaliya. Sidoo kalena waxaa burcadbadeedda ka fakaday markab laga leeyahay dalka Israa'iil.
Qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta lagu weeraray ciidammo ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca 1/2/2011 6:21 AM EST
Axad, 02 Jannaayo, 2011 (HOL) − Mid ka mid ah xoogagga Ahlusunna ee gobolka Banaadir ayaa ku dhintay qaraxyo maanta ka dhacay inta u dhexeysa isgoyska Ex-koontarool Afgooye iyo xaafadda Xoosh, iyadoo ay ku dhaawacmeen laba kale.
Afhayeenka AMISOM oo ka hadlay dagaalladii ay sannadkii hore la galeen Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin 1/2/2011 5:57 AM EST
Axad, 02 Jannaayo, 2011 (HOL) − Afhayeenka ciidammada AMISOM Maj. Barigye Ba-huko, ayaa guulo ka sheegtay dagaalladii ay Xarrakatul Shabaab la galeen sannadkii lasoo dhaafay, isagoo sheegay inay deegaanno badan kula wareegeen.
Madaxweynaha Soomaaliya oo guddiga dastuurka u sameynta dalka ka codsady inay bil ku qoraan dastuurka 1/2/2011 1:19 AM EST
Axad, 02 Jannaayo, 2011 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo kulan la yeeshay guddiga dastuur u sameysta dalka Soomaaliya, ayaa ka codsaday inay muddo bil ah ku dhameystiraan qoraalka dastuurka.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo kooxda gobolka Banaadir ugu hambalyeeyay guushii koobka Gobollada
Axad, 02 Jannaayo, 2011 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed, ayaa ugu hambalyeeyay kooxda gobolka Banaadir hanashada koobka gobollada Soomaaliya, kaddib markii ay gool iyo waxba uga adkaadeen kooxdii ka socotay gobolka Bari oo ay isaga horyimaadeen ciyaartii ugu dambeysay ee tartanka kubadda cagta ee gobollada Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ammaanay kooxihii kale ee ka qaybgalay tartankaas.

No comments:

Post a Comment