Sunday 23 January 2011

Waa kuma Qoraaga weyn ee Shiikh Aw Jaamac Cumar Ciise .

aa kuma Qoraaga weyn ee Shiikh Aw Jaamac Cumar Ciise .
Posted to the web on Aug 24
London; HolHol.net 24 Aug 07

Sida la ogsoon yahay umaada walba waxay leedahay taariikh iyo dhaqan soo jereen ah oo ka hadlaya dhac dooyiinkeedii iyo marxaaladihii ay soo martay waayihii hore. Islamarkan waxay taariikhdaasi dadka badankoodu u noqota faan iyo in ay ka sheekeeyan, halka kuwa kalena waxay ka dhigtaan sheeko xariir iyo maaweelo waqtiga lay isku dhaafshan.

Dadku inkastoo ay ku kala duwanyihiin garashada, garaadka iyo aragtidaba waxaa hadana jira wax yaaba an marnaaba lay iskudiidin sida in ay maalintu u cadahay iyo habeenku madow yahay ba.
Haddaba waxaa Allaah mahaddiis ah in maanta la heli karo taariikhdii Islaamka ee Soomaaliya oo qoran laga soo bilaabo waqtigii Jihaadkii Axmed Gurey illaa Jihaadkii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan.

Shiikh AwJaamac Cumar Ciise waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay aabaha Qoraaga qaranka Afka Soomaaliyeed, waxa uu yahay halgamaa u soo dagaallamey xornimada Soomaaliyeed.
AwJaamac Cumar Ciise waxaa lagu tiriyaa shaqsiyaadka fara kutiriska ahaa ee u soo halgamay qorista iyo ururinta Tariikhdii dadyogii iyo suugaanta Soomaaliyeed, waxaana uu isaga oo huwan magaca ummadiisa iyo calanka Soomaaliyeed ba., waxaa uu qoray buugag aad u tiro badan.

Shiikh AwJaamac Cumar Ciise waxaa uu dhashay sannadku markii uu ahaa 1932. waxaa uu Diinta iyo Qur'aanka ku bartay miyiga. 1948 waxaa uu Awjaamac u bannbaxay xeraysi iyo inuu Diinta ka raacdo Xer Cilmi, wax uu ku taxmay oo ka aflaxay culimo badan oo Diinta ku xeeldheer.Ka dib wuxuu xidhiidh la yeeshay abwaannadii taariikhda iyo suugaanta Soomaalida aqoonta u lahaa.

Guud ahaan iyo gaar ahaanba, wuxuu xidhhiidh wanaagsan la yeeshay halgamayaashii Daraawiishta ee Sayid Muxamed Cabdulle Xasan hoggaamiyaha u ahaa. Markay taarikhdu ahayd 1956dii wuxuu Shiikh Jaamac bilaabay ururinta, qorista taariikhda iyo suugaanta Soomaalida.

Shaqadii ugu horraysey waxaa uu AwJaamac ka qabtey Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta ee Sooaamliya oo u ka noqday macallin intii u dhaxeeysay 1962dii ilaa 1965tii. ka dib waxa uu xubin buxda ka noqday Guddigii Af-Soomaaliga ee loo xilsaaray qorista iyo hab u dejinta afka Soomaaliga intii u dhaxeeysay 1971 ilaa 1972.

Waxaa AwJaamac Cumar Ciise loo magacaabay Sannadkii 1972 Cilmibaare, (researcher) ka tirsan Akameemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta ilaa dhammaadkii sagaashanaadkii 1991dii, waxaa uu AwJaamac ka qaybgalay shirar iyo doodcilmiyeedyo lagu qabtay dalka Soomaaliya gudihiisa iyo dibadiisaba.

Shiikh AwJaamac waxaa uu buugaag badan oo ku qoray afafka Carabiga iyo Soomaaliga, waxaan buugtas ka mid ah
1, Taariikhdii Soomaaliya, 1965 Qaahiro, Af-carabi. 2,Taariikhdii 13kii SYL 1965 Qaahiro Af-Carabi, 3.Taariikhdii Janaraal Daa'uud 1966 Muqdisho Af-Carabi. 4.Kacaankii 21kii Oktoobar 1972 Muqdisho Af-Carabi. 5.Taariikhdii hore ee Muqdisho iyo tan cusub 1979 Muqdisho Af-Carabi. 6. Diiwaanka Gabayadii Sayid Muxamed 1974 Muqdisho Af-Soomaali. 7. Taariikhdii Daraawiishta 1976 Muqdisho Af-soomaali. 8 Qaran-jabkii Soomaaliya 1994 Mambasa Af-Soomali. 9 Damac Rag iyo Qurux Dumar 1998 Nairobi Af-Soomaali.

Iyo kuwa kale oo hadeer an halkan lagu soo kobi karin. Shiikh AwJaamac Cumar Ciise waxa uu hadan ku nool yahay dalka Kiinya. Sidoo kalan waxa u Shiikh Awjaamac safar ku soo gaadhay dalka Sweden. Shiikh Awjaamac Cumar Ciise waxa uu kulan la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden waxa uuna uga waramay taariikhda uu bilaabay uruurinta Taariikhda Soomaaliyeed iyo Suugaanta.

Shiikh AwJaamac waxa uu yahay shaqsi ku leh xurmo iyo sharaf qof ahaaneed iyo mid taariikheedba bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu Ilaahey siiyey cimri dheer iyo caafiimad qab.

No comments:

Post a Comment