Sunday 23 January 2011

Oomaar Oo Shaaciyey Sir Uu Ku Kala Qaybinayo Soomaaliya.




Oslo{Jidbaale.com}:-Wasiirka Arrimaha debedda ee Dawladda Soomaaliya Maxamed c/Laahi Oomaar ayaa ka sheegay magaalada Oslo ee dalka Norway arrin fajaciso ku noqotay inta badan ummadda Soomaaliyeed ee midnimada jecel.

Oomaar oo dalka Norway u tegay arrimo shaqo ayaa wuxuu kulan kula yeeshay magaalada Oslo ee xarunta dalkaasi Norway Jaalliyadda beeshiisa, ee ka soo jeedda magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, halkaas oo uu ku soo bandhigay Qorshe qabiilaysan, oo ka fog waddaniyadda iyo Soomaalida, oo uu kula dhex jirey dawladda Soomaaliya.

Oomaar ayaa sheegay inuusan waxii ka horreeyey sannadkii 2009 uusan ahayn Siyaasi, isla markaana uusan xildoon ahayn, lakiin asagoo jooga Hargeysa uu soo wacay Ra'iisal Wasaarihii hore dawladda KMG ah Cumar C/Rashiid Ali Sharmaarke, kaasoo u sheegay inuu u hayo xilkaas Wasiirnimada ah.

Waxan ugu jawaabay maba xumee, laakiinse Somaliland baan joogaaye bal horta waa inaan iyada waydiiyaa, in aan iska soo dhaqaaqo, oo idhaahdo waa ikan wax caqliga gala maaha’e,” sidaa waxaa yidhi Oomaar, oo la hadlayey xubno ka soo jeeda Jaalliyadda beeshiisa Isaaq ee ku nool dalka Norway,

Oomaar wuxuu sheegay inuu markaasi ka dib uu xidhiidh la sameeyey xubno ka tirsan Jabhaddii SNM ee gumaadka faraha badan ka gaystay geyiga Soomaaliyeed wuxuuna yidhi. “Odayaashii iyo Cuqaashii baan u tagay oo aan u bandhigay, saddex saacadood kadib waxay iigu soo jawaabeen "adeer haddii aad na weydiisay waad fasaxan tahay." Waan ka tegay, Saraakiishii SNM ayaan doontay, Maxamed Kaahin, Dhagaweyne, Cali Guray iyo qayrkood, waxayna igu yidhaahdeen "haddaad wax na weydiinaysaba waad wanaagsantee orod oo iska tag."

"Markaa anigu kumaan tegin mansab raadis, mansabkeeda iyo nabaddeeduna wax la hubo may ahayn. Balse aniga waxay iigu muuqatay in danteenu sidaas ku dhex jirto, oo aan dhex-galo, ogaadana Siraha iyo waxyalaha ka dhanka ah maamulkeena iyo gooni isku taaggeena", ayuu yidhi Oomaar oo ay hadalkiisa duubeen qaar ka mid dadkii uu la hadlayey.

Oomaar wuxuu sheegay inuusa u tegin halkaas inuu lacag ka sameeyo "Anigu daaro inaan dhisto umaan tegin, qol baan ka degganahay Xamar, ee danta beesheenna iyo maamulkeena inaan Fagaarayaasha Caalamka uga doodo ayaan u tegay, oo aan codkeena gudbiyo". "Dastuurka ayaan hadda la hagaajinaya waana la idinku soo darayaa".

"Waxaa kaloo jirta inaan hadda hawshaas ku jiro, oo Somaliland iyo Somalia loo wada hadlo sidii labo dawladood, oo la ina tixgeliyo", sidaas waxaa yidhi ninka Dawladda Soomaaliyeed ugu magacaaban Wasiirka Arrimaha debedda Maxamed C/Laahii Oomaar.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi "Isaaqoow in meel lagu dhego maaha, waa la inaga faa'ideysanayaa. Waxaa weeye anigu talo ayaan meesha ku joogaa, waxaad ogaataan in Cigaal, Riyaale iyo Axmed oo hadda joogaa aysan waxba labaatankii sano soo kordhineyn, haddeeynaan qaddiyaddeena inagoo Xamar joogna u gudbin, dunida waxba inoo socon maayaan".

"Haddana idinkaan idiin maqanahay, haddaad dhahdaan iska joog, oo ha ku noqon Xamar halkaas ayaan ku joojinayaa", laakiin iidaaya shaqada, oo ii Hiiliya, anna waan idin Hiilinayaaye". Dastuurka cusub waxaa ku jirta in wakhtiga siddeeda bilood ah markuu dhammaado dawlad rasmi ah la dhiso, taas ayaad idinkoo dawlad ah la doodaysaan, caalamakana waan ka dhaadhicinayaa hawshan". Sidaas waxaa markale yidhi Oomaar oo ah wasiirka Arrimaha debedda ee Dawlada Soomaaliya ee ku dhisan in aan dalka Soomaaliya la kala goyn".

Meel kasta waxaa yaalla Union Act, oo ah labo dawladood oo heshiiyey "Gaalkacyo iyo Baydhabo lama mid nihin dawlad ayeynu nahay, UN-ta, AU, EU ARAB Leage meelkasta waxaa yaalla qoraalkaas labada dawladood ku heshiiyeen. Waa in aynu taas jebinaa oo ka gudubnaa". Waana sidan sida looga Takhalusi karo Midnimadan madax martay Koonfurta Soomaaliya ayuu yidhi Oomaar".

Hadalka Wasiirkan ayaa wuxuu noqonayaa mid fadeexad qaran ah, kaasoo haddii uusan iscasilin ay tahay in Ra'iisal Wasaaraha iyo Maxkamadda sare ee Qaranku ay danbi khiyaano qaran ah ku soo Oogto Oomaar, halka Ra'iisal Wasaare Farmaajona laga doonayo inuu tallaabo ka qaado Wasiirkan.

Haddii aysan Xukuumadda Soomaaliya tallaabo ak qaadin Wasiirkooda Arrimaha Debedda waxay u muuqan doonaan Dawlad aan dan ka lahayn Midnimda ummadda Soomaaliyeed, taasoo ah mida ay dawladda dhexe taageerada faraha badan kaga haysato shacabka Soomaaliyeed ee midnimada jecel.

Jidbaale.com

No comments:

Post a Comment