Wednesday 15 September 2010

Ganacsatada Magaalada Laascaanood Iyo Siyaasada Maxaa Ka Dhexeeya?-

http://www.lasanod.com/details.php?num=4600

wada ognahay magaalada Laascaanood waa meel Ganacsatadu ku xooganyihiin haday noqon lahayd dhaqdhaqaaqyada arrimaha Bulshada..
kuwaas oo leh dhamaantood xidhiidh Joogta ah,Ganacsatada magaalada Laascaanoodna waxay u badanyihiin niman Wadaado ah.
Ganacsatada magaalada Laascaanood awooda ay leeyihiin ee dhanka arrimaha Bulshadu waxay keentay inay wax walba ay fara geliyaan, iyagoo hadana si wayn gacanta ugula jira siyaasada gudaha inta badan aan aaminsanahay in wax laga waydiiyo arrimaha hoose ee magaalada.
Hadaba Ganacsatada magaalada oo ay weheliyaan xubno xidhiidh dhaw la leh sida Ninka haysta Xafiiska Bisha Cas ee magaalada Laascaanood waxay hada ku guda jiraan arrimo siyaasada saamayn way ku leh kuwaasoo hada farah kula jira dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed.
Ganacsatada magaalada Laascaanood maleh siyaasad fadhida oo ay ku taageerayaan dhinac sida Somaliland,Puntland amaba SSC, laakiin marba cidii Laascaanood joogta ayay xidhiidh dhow la sameeyaan.
Taasina waxay keentay Guux badan oo shacabka ah kadib markii shacabka diidan Somaliland ee magaalada Laascaanood ay si wayn uga Biyo diideen xidhiidhka Ganacsatada iyo maamulkaas, kaasoo sii xoogaystay tan iyo intii lasoo magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Sool ee maamulka Somaliland Cabdilaahi Isleged.
Hadaba waxaa si weyn laysu waydiinaynaa maxaa keenay inuu xoogaysto xidhiidhka u dhexeeya Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Sool iyo Ganacsatada magaalada Laascaanood?
Taas jawaabteeda dib ayaan u dhigan doonaa ee bal aynu is yar tusaalayno marka hore awooda uu leeyahay Ganacsiga Ganacsatada magaalada Laascaanood.
Ganacsatada Magaalada Laascaanood sidee ayni hore u sheegnay waxaa u badan niman wadaado oo deegaanka Laascaanood u dhashay, kuwaasoo haysta guud ahaan dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee magaalada sida Shirkadaha Isgaadhsiinta,Dhismaha,Xawaaladaha, Bakhaarada kala duwan ee Maceeshada,dhismaha iyo electroniga iyo weliba ganacsiga kale noocuu doona ha ahaadee ee magaalada Laascaanood.
Ganacsatadan waxay leeyihiin xidhiidh Joogto ah, iyagoo mar walbana yeesha kulamo qarsoodi ah oo aan lala ogayn oo iyaga u gaara lana iclaamin waxay ka wada hadlaan,
Ganacsatada magaalada Laascaanood awoodada waxay ku koobantahay uun mid ay kaga shaqaystaan magaalada oo Doollarka kaga gurtaan,Balse ma jirto dhaqdhaqaaqyo maalgelin ay magaalada oo ay sameeyaan amaba sidoo kale bilicda magaalada ku qurxiyaan, ama wax kaga qabtaan baahida bulshada magaaalada.
Hadaba Ganacsatada magaaladu ma Siyaasiyiinbaa mise waa u adeegayaal shacab?
Shacabka magaalada Laascaanood waxaa si wayn uga yaabiyay sidii ay hantidooda shakhsi ahaaneed ay ugu hureen ganacsatada magaalada Laascaanood fulinta awaamiirta madaxwaynaha maamulka Somaliland Siilaanyo, ololihii dhawaan ee Nadaafada, iyadoo horey aanay u jirin wax is xilqaama oo ay ku sameeyaan hawshan noocan oo kala ah.
Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Sool, wuxuu sheegay inay isaga aad isku fahmi doonaan Bulshada Laascaanood marka loo eegoo nimankii xilkan hayey ee ka horeeyay, kuwaasoo oo uu sheegay inayna soo dhexgeli jirin bulshada,Hadaba hadalkaas maxaa inooga baxay?.
Gudoomiyaha ma isagaa galay xayndaab mise isaga ayay usoo geleen xayndaabkiisa xubno muhiim ah,mise waa qorshe lagu wada socda oo cid gaara lagu durayo.
Tan iyo intii gudoomiyaha Cusub lasoo magacaabay siyaasadii guriga Gobolku waxay noqotay mid aan la dareemin,Gudoomiyaha Cusubna waxaa hawshiisa ku garab taagan qaar kamid ah ganacsatada iyo kooxaha kale oo aan kor kusoo sheegnay.
Iyadoo aan odhan karno Nimankii ka horeeyay Gudoomiyahan cusub muu jirin isfahan guud oo ka dhexeeyay ganacsatadan iyo guruubkan, iyagoo mararka qaar isku dhici jirayba kadib markay ka biyo diidaan galaangalkooda siyaasadeed Gudoomiyayaashaasi.
Reer Laascaanood oo in badan isweydiinayey moqifka wadaadada ganacsatada ah ee ku aadan siyaasadaha kal duwan ee gobolka Sool, waxad moodaa inay maanta jawaabtii u cadaatay.

Cabdi Yuusuf Abokor.
xabokor_1@yahoo.com

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete