Friday 14 June 2013

Midnimada la giijiyo dalkoo loo mitido ahaado, Maqaamkii risaaladu degtiyo mudan darwiish ba leh

top gabay akhriso::: Midnimada la giijiyo dalkoo loo mitido ahaado, Maqaamkii risaaladu degtiyo mudan darwiish ba leh

MEEHANOW….gabay
Gabaygan waxaan curiyey  11 febraayo, 2013 waan gabay taaabanaya  meelo badan si togan iyo si tabanba , shayga keliya ee tixgelinta leh na waa xaqiiqada, waxaana hubaal ah in aanu shakhsi na si gaar ah wax loogu dhimayn id gaar ah ama qabiil na lagu dhaleecaynayn, waaqic jira uun ayuu soo bandhigayaa,  gabaygina waa kan ee ka bogasho wacan::

1.       Magan eebbe laga tuugo iyo magac ilaah baa leh
2.       Masallaha salliga loo dhigtiyo duco la maansheeyo
3.       Maxamadoo la sheegiyo (SCW) xusbiga maalinta isniinta
4.       rasuulkoo madiix loo akhriyiyo maasil  nebi ba leh

5.       Meehanowga aan quus aqoon walaw la maag-maago
6.       Oo aan marnaba ka tegayn sida hadh soo meeray
7.       Oo muraaqo uun kuula iman maalin iyo layl ba
8.       Muxubadu nafay saaqday iyo meeris gacal baa leh
9.       Muusanawga dhiilada haduu galow gu miiraabo
10.   Makal goobtu yaalliyo dagaal mawd wax dili ba leh

11.   Mufti diinta sheegiyo wadad mawlaca u jooga
12.   Oo masaajid laasimayoo dacwada, duunyo uga maarmay
13.   Muniir  samaha faafshiyo  digriga maahir culimaa leh
14.   Muslimiin la maagiyo intaa madax la goynaayo
15.   Mudduc beena mudeec lagu makalo mawti lagu faano
16.   Kuwa diinta meermeeriyiyo  murug shabaab ba leh

17.   Mahwi gabaya murtidoo lammaan erey la maamuuso
18.   Manfaca subaga maansiyo aqoon midho la miisaamay
19.   Madal quruxle geeraar maldahan muhandis waynaaday
20.   Maskax garasho laga miisayiyo maangal iyo dheegmo
21.   Maqsad fiican xadiis lagu metelo maaha laga waabto
22.   Madka iyo shadkoo loo simiyo meeraryo is dhaafay
23.   Midkastaa masruuf ha ugurtee marag usoo waaye
24.   Mulkigeeda anigaa lohoo la igu maamuusay dheh

25.   Marag goobta laga sheego iyo mahadho raagaysa
26.   Weerarkoo mutuxan loo galiyo wadnaha magafta diidaya
28.   Macangega masoo jeestiyo malafsi geesaa leh
27.   Maslaxaad marwada kaa dudiyo  ma hurtadaada leh
29.   Maqsadli tixloo yeedhiyo magow daleeleedka
30.   Juhulada murtida ceejiyiyo maanic saraq bal eh

31.   Mujaamalo la sheegiyo warkoo malab sidiisiiya
32.   Aan qadhaadh lagu macnaynayn tanoo dacar la miisaayo
33.   Nin khartoum ku maaliyo tubtaa niilka marinkiisa
34.   Mudanowda aan laabta jirin musuq canjeex baa leh
35.   Muruq maalyo xoog lala mir tegiyo suuqyo lagu maaho
36.   Minyaabuulis xeel lagu mariyo degel maraykaan dheh
37.   Caydhoo masruuf loo cuniyo yurubta maygaan dheh
38.   Xalwad malafsigeediyo naftoo lala mahaadhnaado
39.   Maraqa iyo muufo lagu mintido magacna loo yeelo
40.   Mukeef kiyo casiirkana intaa lagu maqiiqnaado
41.   Marya waynta carabtiyo godkaa odoy misbaax ba leh
42.   Mushteriga la beegsado hadii lagu macaashaayo
43.   Musenbiig ninkii aada iyo xagaa muluf kebtoon ba leh
44.   Malaysiya aqoon lagu manfaco lagu magaaleeye
45.   Mastarayd ninkii qaata iyo madax digtoor  baa ah

46.   Muqawadiin mirqaankiyo taqaan mijinta laabkeeda
47.   Mishaarnimada lagu caanbixiyo mamida loo qaato
48.   Mayraca hargays laga heliyo muran galbeed bal eh
49.   Majaq hadala micno aan badnayn reer muqdisho baa leh
50.   Masuuliyad jacaylkiyo xilkana mudug nin joogaa leh
51.   Murti soocan midhohoo batiyo mawjad gabaygoo ah
52.   Marsadaa jigjiga kaa xigtiyo maahir goday baa leh
53.   Macsuumada daryeelkiyo martida malab la quudsiiyo
54.   Musaamaxo la yeeshiyo dadkoo loo muslin ahaado
55.   Midnimada la giijiyo dalkoo loo mitido ahaado
56.   Maqaamkii risaaladu degtiyo mudan darwiish ba  leh
………..dhamaad……….
*meehanow:  waxaan kasoo qaatay magaca gabayga baydkan:  Meehanowga aan quus aqoon walaw la maag-maago, macnihiisuna yahay ku wareegid shay la jecel yahay.

By: maxamed cabdicasiis bootaan-weedhsame
Email : aljasiira_4@hotmail.com

No comments:

Post a Comment