Friday 14 June 2013

Boqolka halaagsamay halka ka badbaaday bilaan noqday!

Boqolka halaagsamay halka ka badbaaday bilaan noqday!
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Juunyo 13 2013
Dad ka dhaadhiciya inay TAHRIIBAAN oo isugu jira qandaraaslayaal iyo dhoohanayaal bilaash ku shaqeeya ayaa jira. Waxaa dabayaal kuwo dalkooda ka xarraasa oo geeya “meel daran iyo reero muskood”. Waa meel aan talo faro ugu jirin oo yeelis mooyee aysan diidmo lahayn. Dhalinyarada markii lagu hubsado gacanta kooxaha qawlaysatada ah waxay markiiba isu badalayaan MAFAACIIL halkay awal faaciliin ka ahaayeen!.
KAM YABIIC KAM YASIIR ka dib intii la furan waayo ALLE HA U NAXARIISTO, intii xorriyad ku meelgaar ah heshana in yar ka dib bay u bilaabanaysaa dib u beecintu. Ninkii guryaha xabsiga ah ee sahayda lagaga marinayo ka baxa, isla markaasna hela beesadii buufinta lagu kori lahaa isna markaas bay u bilaabanaysaa mowjadda labaad ee caddibaada iyo fursadaha halaaggu!.
Inta yar ee naf la gaarta badda gaddigeeda kale iyagana kolkaas buu u bilaaban wareeg kale oo cabiidsi ama busaarad ah ama uu dib ugu sii Tahriibaa Yurubta Talyaaniga iyo Malta ka dhadhamada roon!.
Tolow inta ka badbaada boholaas 5% ama 10% ma dhanyihiin?!. Xataa hadday 10% badbaado inta dalkii ku hartay waxaa loo soo wariyaa 10kaas ee 90-ka adduun iyo aakhiraba seegay la iskama waraysto. Waa JINNIGII khabarka samada intuu soo dhagaysto halka hadal oo uu ka soo maqlo 100ka beenood ku dari jirey, dadkuna halka runta ah kaliya qabsan jireen 100ka beenoodna iska dhagatiri jireen!.
Bukhaari iyo Muslim baa Nabiga ka wariyey inuu yiri: “Saacaddu ma dhacayso ilaa (webiga) Furaat uu ka faydmo buur dahab ah oo dadku ku diriraan, boqol kastana 99 laga dilo. Mid kastana wuxuu oranayaa: “Bilaan anigu kan badbaadaya noqday!”.
Dhalinyarada halaagga ku qamaamaysa waxaa wada hunguri la mid ah hunguriga nimanka ku dagaalamaya dahabkaas iyaga oo og in 99% aysan calfanayn laakiin ogow kuwaasi dahab loo jeedo ayay ku qamaamayeen, kuwaanise halaag loo jeedo oo xoolo la helayana aysan muuqan bay ku dhimanayaan.
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

No comments:

Post a Comment