Monday 17 June 2013

heesta 26 june



xilligaan ladnaanoo
calankana la tagaa
luggooyadii na dhgaafte.

gumeysiga lurkiisiyo
lahwigii xumaatada
maalintii aan laabne 
lixdankii ay aheyd iyo
lix iyo labaatanki juun.

liibaana yaashii
wadaninimo u laab-kacay
leegiyo SYL 
iyo qaar lamidaba
lama iloobi karayee.

kuwii aan luloonoo
iney ladaanna diiden
libin guulla ilaa
ay la laabtaan mooyee.

laxaw iyo dareenkii
tariikhdaan laheyno
calankeena an lulnay 
lixdankii ay aheyd iyo 
lix iyo labaatanki  juun.


Friday 14 June 2013

Midnimada la giijiyo dalkoo loo mitido ahaado, Maqaamkii risaaladu degtiyo mudan darwiish ba leh

top gabay akhriso::: Midnimada la giijiyo dalkoo loo mitido ahaado, Maqaamkii risaaladu degtiyo mudan darwiish ba leh

MEEHANOW….gabay
Gabaygan waxaan curiyey  11 febraayo, 2013 waan gabay taaabanaya  meelo badan si togan iyo si tabanba , shayga keliya ee tixgelinta leh na waa xaqiiqada, waxaana hubaal ah in aanu shakhsi na si gaar ah wax loogu dhimayn id gaar ah ama qabiil na lagu dhaleecaynayn, waaqic jira uun ayuu soo bandhigayaa,  gabaygina waa kan ee ka bogasho wacan::

1.       Magan eebbe laga tuugo iyo magac ilaah baa leh
2.       Masallaha salliga loo dhigtiyo duco la maansheeyo
3.       Maxamadoo la sheegiyo (SCW) xusbiga maalinta isniinta
4.       rasuulkoo madiix loo akhriyiyo maasil  nebi ba leh

5.       Meehanowga aan quus aqoon walaw la maag-maago
6.       Oo aan marnaba ka tegayn sida hadh soo meeray
7.       Oo muraaqo uun kuula iman maalin iyo layl ba
8.       Muxubadu nafay saaqday iyo meeris gacal baa leh
9.       Muusanawga dhiilada haduu galow gu miiraabo
10.   Makal goobtu yaalliyo dagaal mawd wax dili ba leh

11.   Mufti diinta sheegiyo wadad mawlaca u jooga
12.   Oo masaajid laasimayoo dacwada, duunyo uga maarmay
13.   Muniir  samaha faafshiyo  digriga maahir culimaa leh
14.   Muslimiin la maagiyo intaa madax la goynaayo
15.   Mudduc beena mudeec lagu makalo mawti lagu faano
16.   Kuwa diinta meermeeriyiyo  murug shabaab ba leh

17.   Mahwi gabaya murtidoo lammaan erey la maamuuso
18.   Manfaca subaga maansiyo aqoon midho la miisaamay
19.   Madal quruxle geeraar maldahan muhandis waynaaday
20.   Maskax garasho laga miisayiyo maangal iyo dheegmo
21.   Maqsad fiican xadiis lagu metelo maaha laga waabto
22.   Madka iyo shadkoo loo simiyo meeraryo is dhaafay
23.   Midkastaa masruuf ha ugurtee marag usoo waaye
24.   Mulkigeeda anigaa lohoo la igu maamuusay dheh

25.   Marag goobta laga sheego iyo mahadho raagaysa
26.   Weerarkoo mutuxan loo galiyo wadnaha magafta diidaya
28.   Macangega masoo jeestiyo malafsi geesaa leh
27.   Maslaxaad marwada kaa dudiyo  ma hurtadaada leh
29.   Maqsadli tixloo yeedhiyo magow daleeleedka
30.   Juhulada murtida ceejiyiyo maanic saraq bal eh

31.   Mujaamalo la sheegiyo warkoo malab sidiisiiya
32.   Aan qadhaadh lagu macnaynayn tanoo dacar la miisaayo
33.   Nin khartoum ku maaliyo tubtaa niilka marinkiisa
34.   Mudanowda aan laabta jirin musuq canjeex baa leh
35.   Muruq maalyo xoog lala mir tegiyo suuqyo lagu maaho
36.   Minyaabuulis xeel lagu mariyo degel maraykaan dheh
37.   Caydhoo masruuf loo cuniyo yurubta maygaan dheh
38.   Xalwad malafsigeediyo naftoo lala mahaadhnaado
39.   Maraqa iyo muufo lagu mintido magacna loo yeelo
40.   Mukeef kiyo casiirkana intaa lagu maqiiqnaado
41.   Marya waynta carabtiyo godkaa odoy misbaax ba leh
42.   Mushteriga la beegsado hadii lagu macaashaayo
43.   Musenbiig ninkii aada iyo xagaa muluf kebtoon ba leh
44.   Malaysiya aqoon lagu manfaco lagu magaaleeye
45.   Mastarayd ninkii qaata iyo madax digtoor  baa ah

46.   Muqawadiin mirqaankiyo taqaan mijinta laabkeeda
47.   Mishaarnimada lagu caanbixiyo mamida loo qaato
48.   Mayraca hargays laga heliyo muran galbeed bal eh
49.   Majaq hadala micno aan badnayn reer muqdisho baa leh
50.   Masuuliyad jacaylkiyo xilkana mudug nin joogaa leh
51.   Murti soocan midhohoo batiyo mawjad gabaygoo ah
52.   Marsadaa jigjiga kaa xigtiyo maahir goday baa leh
53.   Macsuumada daryeelkiyo martida malab la quudsiiyo
54.   Musaamaxo la yeeshiyo dadkoo loo muslin ahaado
55.   Midnimada la giijiyo dalkoo loo mitido ahaado
56.   Maqaamkii risaaladu degtiyo mudan darwiish ba  leh
………..dhamaad……….
*meehanow:  waxaan kasoo qaatay magaca gabayga baydkan:  Meehanowga aan quus aqoon walaw la maag-maago, macnihiisuna yahay ku wareegid shay la jecel yahay.

By: maxamed cabdicasiis bootaan-weedhsame
Email : aljasiira_4@hotmail.com

Boqolka halaagsamay halka ka badbaaday bilaan noqday!

Boqolka halaagsamay halka ka badbaaday bilaan noqday!
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Juunyo 13 2013
Dad ka dhaadhiciya inay TAHRIIBAAN oo isugu jira qandaraaslayaal iyo dhoohanayaal bilaash ku shaqeeya ayaa jira. Waxaa dabayaal kuwo dalkooda ka xarraasa oo geeya “meel daran iyo reero muskood”. Waa meel aan talo faro ugu jirin oo yeelis mooyee aysan diidmo lahayn. Dhalinyarada markii lagu hubsado gacanta kooxaha qawlaysatada ah waxay markiiba isu badalayaan MAFAACIIL halkay awal faaciliin ka ahaayeen!.
KAM YABIIC KAM YASIIR ka dib intii la furan waayo ALLE HA U NAXARIISTO, intii xorriyad ku meelgaar ah heshana in yar ka dib bay u bilaabanaysaa dib u beecintu. Ninkii guryaha xabsiga ah ee sahayda lagaga marinayo ka baxa, isla markaasna hela beesadii buufinta lagu kori lahaa isna markaas bay u bilaabanaysaa mowjadda labaad ee caddibaada iyo fursadaha halaaggu!.
Inta yar ee naf la gaarta badda gaddigeeda kale iyagana kolkaas buu u bilaaban wareeg kale oo cabiidsi ama busaarad ah ama uu dib ugu sii Tahriibaa Yurubta Talyaaniga iyo Malta ka dhadhamada roon!.
Tolow inta ka badbaada boholaas 5% ama 10% ma dhanyihiin?!. Xataa hadday 10% badbaado inta dalkii ku hartay waxaa loo soo wariyaa 10kaas ee 90-ka adduun iyo aakhiraba seegay la iskama waraysto. Waa JINNIGII khabarka samada intuu soo dhagaysto halka hadal oo uu ka soo maqlo 100ka beenood ku dari jirey, dadkuna halka runta ah kaliya qabsan jireen 100ka beenoodna iska dhagatiri jireen!.
Bukhaari iyo Muslim baa Nabiga ka wariyey inuu yiri: “Saacaddu ma dhacayso ilaa (webiga) Furaat uu ka faydmo buur dahab ah oo dadku ku diriraan, boqol kastana 99 laga dilo. Mid kastana wuxuu oranayaa: “Bilaan anigu kan badbaadaya noqday!”.
Dhalinyarada halaagga ku qamaamaysa waxaa wada hunguri la mid ah hunguriga nimanka ku dagaalamaya dahabkaas iyaga oo og in 99% aysan calfanayn laakiin ogow kuwaasi dahab loo jeedo ayay ku qamaamayeen, kuwaanise halaag loo jeedo oo xoolo la helayana aysan muuqan bay ku dhimanayaan.
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

hindise sharciyeedka Duulista Cirka Iyo Saadaasha Hawada (Sawirro)

hindise sharciyeedka Duulista Cirka Iyo Saadaasha Hawada (Sawirro)
Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxayna ka doodeen qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Hindise Sharciyeed ay soo gudbiysay Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka, Shirakad Turki ah oo dhawaan lagu wareejin doono maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade, Dib-u-soo celinta feestooyinkii iyo qadarintii 26 June iyo 1-da Luuliyo, iyo Wasaarada Horumarinta iyo Adeega Bulshada oo soo jeedisay qabashada shir muhiim ah oo ku saabsan midaynta manhajka waxbarasho ee dalka.

Shirka goluhu markii uu soo idlaaday waxaa saxaafada uga warbixiyey qodobadii ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, B.Isgaarsinta iyo Gadiidka Mudane Cabdullahi Cilmooge Xirsi oo ugu horayntii ka hadlay ahmiyada uu leeyahay sharciga duulista cirka iyo saadaasha hawada.

“Sharcigaan waxa uu kaalin mug leh ka qaadanayaa dib u hanashada maamulka hawada Soomaaliya , kobcinta dhaqaalaha, abuurida shaqooyin dalka gudihiisa, soo celinta sharafta iyo karaamada Soomaaliya, iyo xirfadlayaal sare oo dalku yeesho, waxaa xusid mudan in Wasaaraddu ku guulaystay in ay dib u la soo noqoto maamulka hawada Soomaaliya 22 sano kadib oo ay horay u maamulaysay Hay’ada ICAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka hawada” ayuu yiri Wasiirku

Sidoo kale goluhu wuxuu go’aan saday in shirkad laga leeyahay dalka Turkiga lagu wareejiyo maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade, waxayna shirkadaas balan qaaday in mudo sideed bilood gudaheed ah lagu soo kordhin doono garoonka isbadal dhan kasta ah, waxaana saddexdii sano ee la soo dhaafay gacanta ku hayey maamulka garoonka diyaaradaha shirkada SKA.

Dhanka kale goluhu wuxuu ayidday soo jeedinta Wasaaradda Horumarinta iyo Adeega Bulshada taas oo ah in la qabto shir looga hadlayo waxbarashada dalka oo dhici doona 18-20 bishaan June, kaas oo ay ka soo qayb galayaan qurba joogta, aqoonyahanada, culimo-u-diinka, iyo xubno ka tiran golaha wasiirada, waxaana wasaaraddu soo bandhigaysaa manhaj midaysan oo dalku yeelanayo.

Ugu danbayntii goluhu wuxuu isku raacay in maalmaha 26 June iyo 1-da luuliyo loo sameeyo dabaaldegyo balaaran oo lagu muujinayo qaranimada Soomaaliya, waxaa sidoo kale goluhu meel mariyey in dhamaan deeqaha dhaqaale ee dalka soo gala la soo marsiiyo Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorshaynta Qaranka.


----DHAMAAD---


/>
/>
/>
/>


HADAAN LA KALA ROONAAN ROOB MA DA’O

HADAAN LA KALA ROONAAN ROOB MA DA’O
by Bazi Bussuri Sheikh
Sunday, June 09, 2013
Badanaaba saacada ugu mugdiga badan habeenkii waa saacada ugu dambaysa markuu fajarka dhalan rabo. Wax yar ka dibna qoraxdii ayaa soo baxda oo iftiin ayaa dhasha. Sidoo kale dhibaatooyinka markuu faro bato oo ay si is daba joog ah u dhacayaan waxay calaamo u tahay gaba gabada balaayada markaa jirta iyo soo dhawaanshaha farajka Alle. Waxaase ayaan daro ah in aadanaha badigood ay rajo dhigaan ama gacmaha kor u taagaan markuu mugdiga darnaado (dhibaatada xoogeysato), oo haday wax yar oo adkeysi ama dulqaad yeeshaan iftiinka qoraxda uu soo bixi lahaa (Farajka imaan lahaa). Xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya waxay la mid tahay tusaalaha aan kor ku xusnay oo dhibaatooyin badan waa jiraan, dheeftiina waa muuqataa oo waa ay soo dhowdahay. Dhibaatooyinka jira waxaa ka mid ah maamul goboleedka loo sameeyay jubooyinka oo qalalaase siyaasadeed ka dhashay, taasoo hadaan dulqaad weyn la muujin u horseedaysa dagaal kooxeedyadii hore, Al Shabaab oo weli gow iyo gash maleh taagan, qaxooti faro badan oo Soomaali ah oo dhibaato kala kulmaya meelahay joogeen sida South Africa, Syria, Kenya iyo Soomaalida ku nooleyd wadamada reer galbeedka oo la dhihi karo muufadooda ayaa maraq ku jirta oo ka murugsan jiilka labaad iyo sedexaad oo ku dhashay qurbaha oo ka lumay ku hadalka afka Soomaaliga ee hodonka ahaa, diinta, hidaha iyo dhaqanka. Dhalin yarada Soomaaliyeed ee xabsiga loo taxaabayana wadamada reer galbeedka ayaa kordhaya.
Marka waxaa haboon in odayaasha iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee muranka dhexdooda yaalo ayagoo fiirinaya duruufaha aadka u adag Soomaali weynta soo food saaray, in ay nafsadooda xakameeyaan, maxaa yeelay nafsadu xumaatay fartaa. Taariikhdana waxay si cad u tustaa tilmaamaha nafsada lugu yaqaan oo in laga digtoonado ah, sida kibirka Ibliis, xasadkii Qaabiil, madaxtaagii fircoon, hawadii Balcaama, Jaahilnimada abuu Jahal IWM. Somaaliya nasiibxumo waxaa haleelay ama asiibay shanta balaayo ay Soomaalida iIlaahay ka magan gasho. Kuwaasoo ah maahmaahda Shanlayda “Shan Belaayo Allaa Laga Magan Galaa”: Caro aan laga soo noqon, Colaad aan laga heshiin, Cudur aan laga boogsan, Cilmi aan lagu intifaacin iyo Cayr aan laga dhaqan. Bal kaalaya aan mid mid u falanqayno caqabadaha shanta ah ee kor ku xusan si aan uga gudubno dhibaatooyinkan faraha badan oo saameyn weyn ku yeelatay dhamaan bulshada Soomaaliyeed:
1.   Caro aan laga soo noqon: Carada waa sida shidaalka oo kale, hadaad dab ku taabato holac ayuu keenaa oo wuu khasaare badiyaa. Hadaad shidaalka gaariga ku shubtana wuu ku dhaqaajiyaa oo meeshaad rabtuu ku geeya. Sidoo kale Soomaalida kismaayo isku haysata labo arin ayaa u furan oo ah, in carada ay ka tan badiso uu caqligooda dhanba afduubo, ka dibna gacmaha layla galo dagaal hor leh. Ama in qof walba caradiisa xakameeyoo oo sida shidaalka ay u adeegsadaan gaariga nabada iyo midnimada umada. In gobolada Soomaaliyeed ee horey u jiray in mid walba uu dheri gooni ah saarto dhibaato malahan oo danaa ku jirta haday dadkii deganaa gobolka isku afgartaan, laakinse waxaa dhibaato weyn ah in dheriga qaranka Soomaaliyeed dhex looga tago.

Waxaa kaloo dhinaca siyaasada caro nooga maqan walaalaheena ku nool waqooyiga tan iyo dagaaladii dhexmaray SNM iyo xukuumadii hore ee Barre. Dabcan caro walba sabab dhalisa ayay leedahay (Dheriga uumiga kuleyl baa ka keenay), laakin midnimada Soomaaliyeedna waa muhiim in la ilaaliyo oo khilaaf walboo jira midnimada laga doorbido. Si dib loogu soo nooleeyo xiriirka siyaasadeed, waxaa haboon marka hore in xiriirka ganacsiga Waqooyi iyo Koonfur aad loo xoojiyo, jiilka ku dhashay waqooyi 1991da ka dib in ay soo booqdaan Muqdisho arkaana raadadka weyn ay bulshada waqooyi ku lahaayeen Muqdisho. Tusaale ahaan, weli dhismooyinka Jirde Hussein Siduusa ayuu u xoogan yahay oo dayactir kaliya ayuu u baahan yahay. Sidoo kalena xiriirka labada bulshoodna weli waa mid xoogan oo dayactir dhinaca siyaasada ah ayuu u baahan yahay. Taasna ma sahlana, Ilaahay quluubteena ha isku soo duwo.

2.   Colaad aan laga Heshiin: Colaad waxaa ugu adag markay ka dhaxayso dad walaalo ah, taasoo sababta in xabaashu badato uu dagaalkana noqdo mid aad u qoto dheer. Tusaale waxaa inoo ah dagaalka sokeeya ee ka dhaxeeyay labad qabiil Aws iyo Khasraj ee Madiina ku dhaqnaa. Maxaa yeelay colkii ayaa wuxuu ka dhaxeeyaa dad hebeenkii codkooda is yaqaano oo maalintiina raadkooda is yaqaan. Cadowga dibada waa u sahlanaanaysaa in uu danahiisa gaarka fushado kuna guulaysto maxaa yeelay gacal ayuu kuugu soo gabanaa (Gudiney ima aad goyseene, ee qayb iga mid ah baa kugu jirta). Colaada hada jirta daawadeeda dagaal ma aha, marka waxaa haboon in xukuumada ay wada hadalka iyo dib u heshiisinta xoog weyn saarto. Magac isku yeerista iyo is cambaaraynayta dhinaca saxaafada waa laga roon yahay oo dabkii shidnaa uu dab kale ku sii daraa. Shir weyne caalami ahna uma baahna oo sida xeerka ahaa ee Soomaalida u wada hadli jirtay ayaa ku filan, taasoo dadka wada hadlaya tawaaduc ku abuuraysa.

Dadka ay xukuumada ergada ama wada hadalka u xilsaaraysana inay ahaadaan dad qibrad u leh wada hadalka, shardi ma aha inuu jago sare dawladda ka haayo sida Soomaalida tiraa: Ergo waxaa loo dirsadaa nin dhurwaa cay uga adag, kudkude gaajo uga adag, kurtun qorax ugu adag, dhagax qabow uga adag. Qof intaan sifo leh malahan, laakin kooxda waa inay lahaataa dad ku sifooway dabeecadahan oo maslaxada guud ay dhab ka tahay. Al Shabaabna ayagoo fiirinaya daruufaha adag ee shacabka haysta, waxaa la gudboon in mowqifkooda adag ka soo yara durkaan si meel dhexe layskugu yimaado oo xal waara loo helo. Caqabo badan ayaa jiri doonta oo hakad gelin garta dib u heshiisinta. Tusaale ahaan sidii magangalyo guud loo siin lahaa madaxdooda, sidii dhalinyarada noloshooda caadi loogu soo celin lahaa, sidii laga yeeli lahaa dagaalyahaniinta ajaanibta ah, cadaadiska ka imanaya dawladaha reer galbeedka iyo kuwa deriska nala ah iyo siday dawlada qayb ugu noqon lahaayeen. Waxaasoo dhan waxaa ka qaalisan nabada, maxaa yeelay, dhalinyaradaa ku baaba’aya colaadani waa caruurteena, waalidiin ayaa dhalay oo u ilmoonaya.

3.   Cudur aan laga boogsan: Dadka cilmi baarista ku sameeya dagaalada sokeeya, waxay xaqiijiyeen in xiliga dagaalada dadka u dhinta cudurada awgii ay labo jeer ka badan yihiin dadka ku dhinta xabadaha. In kastoo talaalka uu yareeyay tirada dhimashada, Soomaali badan ayaa cuduro badan dartii u dhimatay tan iyo intuu dagaalka bilowday. Laakin cudurka ugu weyn ee Soomaaliya haysta waa cudurka qabiilaysiga gaar ahaana dhinaca heybsooca loo geysto qabiilada la liido. Wax ilaahay caro galiya oo ka xun Xaqiraada qof muslim ah la xaqiraayo ma jiro, sida nabigeena AWC uu yiri “Qof waxaa shar ugu filan inuu walaakiis Muslim ah xaqiro”. Kibirka iyo islaweynida dhalanteedka ah waxay leedahay aakhiro iyo aduunyo beel, oo ah in laga taxadaro. Ducada qofka la dulmiyeyna ilaah ma soo celiyo oo waa aqbalaa. Gabayga hoos ku xusan waa waa ereyadii qof la dulmay oo reer Bantu ah oo ilaahay u dacwoonaya:

Cariiri adduun ii Ciilaan ku Jiraa
Casiis-Alla-weenaan Ciidankeey ka yeeli

Marka waxaa nala gudboon in qof walba uu naftiisa iyo ehelkiisa kala dagaallamo caadadaas, inay caruurtooda oo ah jiilka cusbaa ku barbaariyaan ka fogaanshaha caadadaas, saaxiibadooda iyo qaraabadoodana ay ka waaniyaan. Waxaa kaloo muhim ah in bulshooyinka la liido himadooda ay sare u qaadaan oo ayan niyad jebin. Hadii ay dhulka is dhigaan waxay caqabad weyn ku noqonee in la tir-tiro caadadaas xun, Qofkii naftiisa sharfa ayaa sharfan. Xukuumada cusub waxay mar walba carabka ku dhufataa in la sameyn doono maalinta is cafinta. Hadii ay hirgasha arinkaa, dadka ugu horeeya oo la raali galinayo cafisna la waydiisanayo waa in ay ayagu ahaadaan, maadaama dulmiga loo geystay ay ahayd mida ugu qotada dheer.

4.   Cilmi aan lugu intifaacin: Ducooyinka nebigeena AWC uu faray in subax walba lugu ducaysto waxaa ka mid ah “Allow waxaan ku weydiinaa Cilmi Lugu Intifaaco iyo Risqi fiican). Cilmiga dhabta ah waa in qofka dabeecadiisa ay wanaajisaa, xikmadna u yeeshaa. Hadii kale waa warbixin la xafiday kaliya oo miro badan ma dhaleyso. Runtii waxyaabaha qofka dabeecadiisa wanaajiya oo xikmadiisa kordhisa laguma barto jaamacadaha. Waa qibrado qofka uu ka bartay markuu yaraa waalidiintiisa iyo mawaaqif noloshiisa soo maray oo dhib iyo dheef isugu jira. Tusaala ahaan ardada iyo maclimiinta Soomaaliyeed ee ka qayb qalay Ololaha Horumarinta Reer Miyiga, noloshooda wax weyn ayay ka bedeshay. Waxyaabo badan ayay ka kororsadeen, sida dadka loola macaamiloodo, adkeysiga iyo qadarin weyn oo ay u qabeen reer miyiga oo si dhaqso ah qoraalka iyo akhrinta af Soomaaliga ku bartay. Sidoo kalena waxaa arkaysaa dad qaarkii waxbarashada heer weyn ka gaaray oo kamid ah indheergaradka iyo culumaa'udiinka, laakinse dabeecadahooda aan wanaagsanayn, macaamilkooda iyo siday dadka ula dhaqmaan aan la mahdin oo xitaa xaasaskooda ay ka cabanayaan dhaqan xumadooda.

Dadka ku taqasusa cilmu nafsiga markay baaritaan ku sameeyeen arinkan ayaa u soo baxay in laba qaybood oo cilmi ah uu jiro oo kala ah IQ (Intelligence Quotient) iyo Emotional Intelligence. Mid waa waxbarashada akademiyada, midna waa mid ku salaysan dabeecada qofka iyo dareenkiisa. Labadaba waa muhim inuu qofka lahaado, qofkii isku helaana waa nicmo aduun. Waxay kaloo ku dareen in uu aad u sareeyo ama ladoorbido (Emotional Intelligence) taasoo qofka ka kaalmaynayso inuu si fiican u wajaho dhibaatoyinka soo food saara una sahlaya inuu dadka si wanaagsan ula macaamilo. Waxaan ku baraarujinaynaa indheergaradka Soomaaliyeed in ay isku dheelitiraan maskaxda iyo qalbiga, hadafkooda ugu weyna uu noqdo sidi cilmigooda loogu intifaaci lahaa. Cilmiga nafciga leh waa sida shumaca oo kale, shumaca markuu shidan yahay, kumanaan shumac ayaa laga shidan karaa oo uu nuur siinayaa, ayadoon nuurkeeda iyo cimrigeeda wax u dhimin. Laakin waxaa ayaan daro ah, in ay soo badanayso mutacalimiin Soomali ah oo cilmigooda u adeegsanayo dano gaar ahaaneed. Hogaanka dhabta ah ma aha kursiga ama jago sare, balse waa markuu qofku kaalmaynayo qof kale ama uu wax ku kordhinayo noloshiisa asagoon wax abaal ah aan ka sugayn.

2.   Cayr aan laga dhaqan: In kastoo dagaalada sokeeye ee Soomaaliya ay ka dhasheen sharikado aad u waaweyn iyo ganacsato badan oo shirkado dhexdhexaad iyo kuwa yarba leh, Soomaalida badankooda waa fuqaraa.  Waxay ku nool yihiin gargaar kaga yimaada dadka qaraabada ee qurbo joogtada ah iyo hay’adaha ku caawiya dadka xerooyinka qaxootiga ah.  Waa mas’uul Soomaali weyn oo dhan saaran tahay, sidii faqriga loo soo afjari lahaa oo dadka Soomaaliyeed oo dhalin yaro u badan uga kaaftoomi lahaayeen gargaarka dibada.  Ma ahan mid dawlada kaliya lugu dayn karo. Sida  kaliya looga bixi karaana faqrigana waa qofba qofkuu ka roon yahay xaga dhaqaalaha ama ra’yiga in uu garab galo (Hadba Kiina Taag daaranee, Taageera weligiinee). Tusaale ahaan:

·       Qurbo joogtada in ay reerahooda jooga Soomaaliya ku dhiiri galiyaan sidii ganacsi ay u bilaabi lahaayeen, maal geliyaana,  taaso u suura gelinaysa inay ka deeqtoomaan xawaalada.

·       Shirkadaha waaweyn in ay barnaamijyo horumarin ah  hirgaliso ayagoo adeegsanya lacagta sakada ama siinta deyn aan dulsaar wadan. Sida in ay qalab casri ah oo la goyn karo ku deeqaan farsama yaqaanada jooga Soomaaliya.  Kuwaasoo weli adeegsanayo qalabkii hore oo aan u suuro gelinayn in ay wax badan qabtaan, caafimaadkoodana wax u dhimayo. 
·       Qurbajoogta dib u laabatay in ay dhalinyarada baraan xirfadaha ganacsiga, hirgaliyaana olole lugu barayo ganacsiga dadka Soomaaliyeed oo an ganacsiga aqoon. Kaasoo lamid ah Ololihii horumarinta reer miyiga (hadaad beec taqaan bar, hadaad aqoonina baro).
Ugu dambeeyntii, waxaan ilaahay ka rajeeynaynaa inuu qalbigeena isku soo duwo sidii Aws iyo Khasraj uu u mideeyey.  Ilaahayna inoo kaso inaan Salaadaha Ciida nasoo food haya aan ku dukano gobolada Soomaaliyeed oo dhan si nabad ah.

Bazi Bussuri Sheikh
bazisomali@hotmail.co.uk

Xasan Shiikh oo Qiray Doorka Khaatumo & Kulan ka dhacay NAIROBI

Xasan Shiikh oo Qiray Doorka Khaatumo & Kulan ka dhacay NAIROBI

Nairobi Kalshaale.com:- Waxaa Habaynimadii Xalay Kulan Xasaasi ah la  Qaatay Madaxwaynaha Dalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Masuuliyiin Katirsan  Jaaliyada Khaatumo State Ee Magaalada Nairobi waxaana kulankaasi Lagaga Hadlay 3 Arimood oo kala ah.
Midnimada Somalia,  Isku Xirka Dowlada Somalia iyo Maamulka Khaatumo,   Dhaliisha Dowlada Somalia inay booqatay Deegaanada Badan ee Somalia Ayana Booqana Deeganada Khaatumo.
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa wuxuu Siwayn  Ugu Hadlay Arimaha Haatan Uqorshaysan Dawladiisa iyo Waxyaabihii Ka Khaldamay.
“Waxaanu ka Xunahay In Shirkaasi Turkiga ka dhacay Ee Aanu ku Khaldanay , Mardanbana ma Dhici Doonto In Dawladu  Ay Aqbasho Shir Noocaasi oo kale ah, Waxaana Noogaysan uun Midnimo Jacayl” Ayuu yidhi Xasan Sheekh
Sheekh Xasan Axmed  oo Kamida Masuuliyiinta Jaaliyada Khaatumo ayaa  Madaxwaynaha  Waydiiyey Su’aalo Culus oo Ku Aadan Doorkii Bulshada Khaatumo ay ku Lahayd Doorashadiisa, Sidayna Ugu Codayn Koodii Sharaxnaa iyo  Waxyaabah uu Madaxwaynuhu u Dhiteeyay Bulshada SSC ee Maamulka Khaatumo.
“Waxaanu Lashaqaynaynaa Si Toos ah Khaatumo State, Shirarka danbe ee Dhici Doona Waxay ku Yeelan Doonaan Door Xoogan, Sidoo kalana a Wasiirada  Cusub Kaalin Muuqda ayay Ka Geli Doonaan” Ayuu Ku Jawaabay Xasan Sheekh.
C/qaadir Axmed Cali  (C/qadir Firdhiye) ayaa Dhankiisa Madaxwaynaha Usoo Bandhigay Inaan Dawladu, Aysan Iyadoo Doonaysa Midnimo, Cidna Gaar ah Lashirin Laakiiin looga Baahan yahay In Ay Bulshada Soomaaliyeed Lawada Hadasho.
Madaxwaynaha Ayaa Amuuurtaasi Siwayn Usoo Dhoweeyay Isagoona Hoosta ka Xariiqay Dhaartii uu Umaray  Dawlad Nimada Umada Soomaaliyeed.

daahfur....Maxamed Cabdicasiis Bootaan

assalama calaykum reer dood wadaag....
bacda salaan maansadan daahfur waxays oo baxday maanta, jimce 14kii june, 2013. 10:30am.

daahfur....

maxaa loo daahay gabaygii
maxaa loo diiday warasada
maxaan anigoo daryeelay
maxaan anigo dabiibay
maxaan anigoo daweeyey
maxaan anigoo digtoora
intaan soo digay la diiday
warkaygii markuu dilaacay
maxay dib ugarasho raacday
maxaa dabadeed ku heesay
maxaan daabaceeda doonay
ilaah baa deeq yaqaane
haddaan dulucdii abbaaro
haddaan diirkaba ka qaado
haddaan daahfurkeeda beego
dagiiran ni xoola mooday
ninkii haadkii ka duulay
ninkii gorayada daryeela
ninkii xuunshada dusheeda
u haysta dareerka xoolo
ninkii dundumada kadsoomay
intuu daaro u filaayo
ninkii dhaxantii dugsoon iyo
isyidhi ka dugaasho foore
inuu dagan yahay midkaasi
miyuu diir idinka fuulay?

docdaa dhigay oo caddeeyee
hadaan daanta kale u jeesto
duxiyo dheeftaba tilmaamo
inuu dahab yahay dadkeenu
inuu door buuxa joogo
inuu dayac aanu yeelin
inuu doqonimada diido
inuu dunidaba ku haysto
kuwii ay daris wadaageeniyo
warayso dadkaas dhamaanba
waxay dibadaha la joogaan
inay diintii fidshaan iyo
inaan dhaqankood dayoobin
inuu ubadkood darraysan
inaan doofaarada la raaacin
inaan doolar lagu gumaysan
dushooda inaan la fuulin
inuu dabarkii xishoodku
sidii xiskooda ku diimanaado
inaan dariiqyada dhexdooda
inaan dumarku isku qaawin
inaan diricyadu habaabin
inaanu haldoor dulloobi
inaan la hilmaamin doorkii
deeqdii ehelkii la siiyo
dalkii iyo qarankii duukhay
xalkiisa in loo dadaalo
inaan doornaba la dhaafin
ducadiyo dikriga inaan la daynin
inaan qalbigoodu diifmin
inaan daxalkii ka fuulin
inaan riximkii la daadin
daryeelka inaan la joojin
inaan danta laga gaboobin
inaan daaqsin loo dhaqaaqin
waluu meel durugsan joogo
dunida dacal kale ka aaday
inaan waalidkii la daayin
inaan dayacaad la yeelin

hadaan afartaa daliishay
haddaan docda kale abbaaro
hadaan daahfurkeeda sheego
inaan daal laga dhamaanin
dunidu wada tahay dallaysin
intaa rakadaa duljoogto
inoo rako kale ladoonto
markaad taa soo dagayso
inay muruqyadu ku daali
hadaan samir lagu daraynin
inaan daruuraha la aadin
haddii geel lagaa dareersho
hadaad daba socoto waayo
haddaan ruclihii ku daasho
haddii waran lays durduursho
haddii dagaalkiii higgoodo
haddii duhurkii cadceedda
hadaan habeenkii la daynin
haddii maarruhuu diryaamo
haddii dhiiggii dareero
haddii maryihii la daylo
haddii haylaha la daadsho
haddii curadyaal la dooxo
haddii dabar laysku jiido
haddii haadkii digleeyo
haduu daribtiisa boobo
hadduu waraabuhu daneeyoo
habeenkii ducadiisa miiso
waxaa daannada ku gaadhay
dhibtiyo diiftii dhacaysay
dhammaan idilkood ba daaaha
haddii guushii ku doontoo
docdaada maalintaa ahaato.

Haddaan afartaa dareershay
Haddaan duudda foof u geeyey
Hadana mid kalaan dallayne
Adigu daganeey dhagayso
Haddaad dhaqankii daryeesho
Hadduuna dahabooy nuqsaamin
Hadduuna deeqaay hallaabin
Haddii asturaad la daahay
Haddii xijaabkii dushaada
Haddaad diracii ogaatid
Haddaad weligaa dakayso
Haddaad xishoodkii danaysid
Haddaan dibnahaagu boobin
Haddayna hadal badan daliigin
Haddaan diirkii qurxoonaa
Haddaan dubka lays ka qaadin
Haddaad dulmareey iftiinto
Haddaadan midabkaaga doorin
Haddaan ammaantii daliigo
Haddaan duco kuu gusheego
Haddaanan dardaaran daynin
Haddaan duhuriyo dharaarba
Haddaanan dookhaaga raacin
Haddaanan dahabkuu hibaynin
Haddii wixii dalbooto
Haddaanan degdeg kuugu keenin
Inaan dood kula wadaago
Inaan dadab wada galayno
ku hay duunkiyo qalbiga……..

by Maxamed Cabdicasiis Bootaan