Thursday 24 March 2011

Ssc waa astaan utaagan midnimada Somalia darawishina way hareeraysan tahay

23-02-2011 ayuu siilaanyo ka bilaabay agagaarka magaalada buhodle oo ah magaalo kamid ah gobalada waqooyiga Somalia mid kamid ah taarikhdiisa madow ee uu waligii dhex dabaalanayay ilaa bilawgii SNM iyo ilaa haddan oo uu yahay taliya jabhadda SNM ama maamul qabiileed isku magacabay soomaaliland. waxaan shaki ku jirin in SNM ay gaysatay xilligii dawladdii Somalia xasuuqyo kadhan ah shacabka somaliyeed , sidaas oo kale maamulkaasi isagoo indha is haya ayuu mar kale dagaal waxshinimo kuqaaday goobo kale sida kalshaale maygaagle iyo hagoogane kuwaas oo ka tirsan gobalada SSC ee utaagan xoriyadda iyo modnimada somaliya ahna hoyga taariikhda Somalia iyo hoolalka darawiishta.
Dadka ku dhaqan gobalada SSC waa carruurtii darawishta ama warithadoodii waana kuwii iska hortaagay somaliya in la gumaysto,waxayna xorriyadda somaliya udagaalamayeen muddo dhan 21 sano taas oo xataa sababtay in saddex meelood laba meelood loo baabi,iyay dadkoodii iyo hantidoodii, sidoo kale waa dad ilaahay hibo usiiyay xikmadda waxaana taa udaliil ah gobyahannada caan baxay bilowgiiqarnigii 20aad ee ka soo baxay mandaqadaas oo ay kamid yahay Ismacil mire,oo soamalidu siwayn utaqaano gabayadiisa kala duwan.
Waxaa lasoo wariyaa xilligii gumaysigu dalKa joogay in nin la oran jiray (tarsal fory lawis) uu booqasho kutagay degmooyinka Widhwidh iyo taleex xilli barwaaqo fiicani kajirtay halkaas wuxuu layaabay siday uwada noolyihiin dadka ku dhaqan mandaqadaas una haystaan xoriyad dhamaystiran una wada yaqaanan dhaqankooda istixgalinta iyo iscaawinta heerka sare ah,ninkaa waxaa lagu siiyay magaalada Widhwidh geel hadiyad ah wuxuuna halkaa kabilaabay qoraalka kitaabka caan ka ah ee layiraahdo dimiquradiya xoola dhaqatada somaliya.
Waxaa dhab ah in mandaqadaasi leedahay difaac adag oo soo jireen ah ilaa qarniyo aad ufog iyo boqortooyo aan kal go lahayn oo ubabac dhigtay xilliyo adag oo soomaray gayiga soomaliyeed,laakiin siilaanyo iyo faroole oo ah maamulayaasha labada maamul ee Garoowe iyo Hargaysa waxay dadaal ugu jiraan burburinta difaacaas adag ee mandaqadaasi leedahay haa waa sax in uusan faroole adeegsan quwad ama xabad laakiin wuxuu isticmaalayaa calooshood ushaqaystayaal mandaqada udhashay si ay udaciifiyaan quwadda gudaha iyo doonitaankaankooda dadka SSC midnimada somaliya.
Laakiin sida taariikhda kucad dadka mandaqadas ku dhaqan waxaa mar walba kujira dad udiyaar ah inay naftooda ubixiyaab ilaalilnta naftooda karaamadooda xoriyadooda iyo calanka buluugga ah ee somaliya.
Sidoo kale waxaa taariikhda ku cad inaysan jirin wax xuduud ah oo ay somalidu kala lahayd xilligii gumaysigu xukumayay gayiga somaliyeed oo soomaalidu ay ukala gooshi jirtay dhamaan daafaha shanta somaliya taas oo meesha kasaaraysa waxyaalo ay dadka qaar ku sheekeeyaan..
Kadib markay dhacday dawladdii dhexe somaliya oo ay soomalidu ukala guurtay qabiil qabiil waxay ku baaqday jabhadda SNM in shir loogu qabto magaalada Burco dhamaan hogaamiye dhaqameedka waqooyiga somaliya shirkaas oo lagu dhameeyay loolankii ka dhexeeyay qabailka dega waqooyiga somaliya, marna shirkaa lagagama hadlin waxyaa laha ay kamidtahay kala go,a somaliya dasduurka iyo lacagta ay maanta SNM tu isticmaasho waana wax reer kaliya ku tashteen oo aan dadka dega gobalada waqoyiga badankoodba wax laga waydiin .

W.Q ENG.Cabdirasaq axmed jamac

No comments:

Post a Comment