Thursday 24 March 2011

Ssc waa astaan utaagan midnimada Somalia darawishina way hareeraysan tahay

23-02-2011 ayuu siilaanyo ka bilaabay agagaarka magaalada buhodle oo ah magaalo kamid ah gobalada waqooyiga Somalia mid kamid ah taarikhdiisa madow ee uu waligii dhex dabaalanayay ilaa bilawgii SNM iyo ilaa haddan oo uu yahay taliya jabhadda SNM ama maamul qabiileed isku magacabay soomaaliland. waxaan shaki ku jirin in SNM ay gaysatay xilligii dawladdii Somalia xasuuqyo kadhan ah shacabka somaliyeed , sidaas oo kale maamulkaasi isagoo indha is haya ayuu mar kale dagaal waxshinimo kuqaaday goobo kale sida kalshaale maygaagle iyo hagoogane kuwaas oo ka tirsan gobalada SSC ee utaagan xoriyadda iyo modnimada somaliya ahna hoyga taariikhda Somalia iyo hoolalka darawiishta.
Dadka ku dhaqan gobalada SSC waa carruurtii darawishta ama warithadoodii waana kuwii iska hortaagay somaliya in la gumaysto,waxayna xorriyadda somaliya udagaalamayeen muddo dhan 21 sano taas oo xataa sababtay in saddex meelood laba meelood loo baabi,iyay dadkoodii iyo hantidoodii, sidoo kale waa dad ilaahay hibo usiiyay xikmadda waxaana taa udaliil ah gobyahannada caan baxay bilowgiiqarnigii 20aad ee ka soo baxay mandaqadaas oo ay kamid yahay Ismacil mire,oo soamalidu siwayn utaqaano gabayadiisa kala duwan.
Waxaa lasoo wariyaa xilligii gumaysigu dalKa joogay in nin la oran jiray (tarsal fory lawis) uu booqasho kutagay degmooyinka Widhwidh iyo taleex xilli barwaaqo fiicani kajirtay halkaas wuxuu layaabay siday uwada noolyihiin dadka ku dhaqan mandaqadaas una haystaan xoriyad dhamaystiran una wada yaqaanan dhaqankooda istixgalinta iyo iscaawinta heerka sare ah,ninkaa waxaa lagu siiyay magaalada Widhwidh geel hadiyad ah wuxuuna halkaa kabilaabay qoraalka kitaabka caan ka ah ee layiraahdo dimiquradiya xoola dhaqatada somaliya.
Waxaa dhab ah in mandaqadaasi leedahay difaac adag oo soo jireen ah ilaa qarniyo aad ufog iyo boqortooyo aan kal go lahayn oo ubabac dhigtay xilliyo adag oo soomaray gayiga soomaliyeed,laakiin siilaanyo iyo faroole oo ah maamulayaasha labada maamul ee Garoowe iyo Hargaysa waxay dadaal ugu jiraan burburinta difaacaas adag ee mandaqadaasi leedahay haa waa sax in uusan faroole adeegsan quwad ama xabad laakiin wuxuu isticmaalayaa calooshood ushaqaystayaal mandaqada udhashay si ay udaciifiyaan quwadda gudaha iyo doonitaankaankooda dadka SSC midnimada somaliya.
Laakiin sida taariikhda kucad dadka mandaqadas ku dhaqan waxaa mar walba kujira dad udiyaar ah inay naftooda ubixiyaab ilaalilnta naftooda karaamadooda xoriyadooda iyo calanka buluugga ah ee somaliya.
Sidoo kale waxaa taariikhda ku cad inaysan jirin wax xuduud ah oo ay somalidu kala lahayd xilligii gumaysigu xukumayay gayiga somaliyeed oo soomaalidu ay ukala gooshi jirtay dhamaan daafaha shanta somaliya taas oo meesha kasaaraysa waxyaalo ay dadka qaar ku sheekeeyaan..
Kadib markay dhacday dawladdii dhexe somaliya oo ay soomalidu ukala guurtay qabiil qabiil waxay ku baaqday jabhadda SNM in shir loogu qabto magaalada Burco dhamaan hogaamiye dhaqameedka waqooyiga somaliya shirkaas oo lagu dhameeyay loolankii ka dhexeeyay qabailka dega waqooyiga somaliya, marna shirkaa lagagama hadlin waxyaa laha ay kamidtahay kala go,a somaliya dasduurka iyo lacagta ay maanta SNM tu isticmaasho waana wax reer kaliya ku tashteen oo aan dadka dega gobalada waqoyiga badankoodba wax laga waydiin .

W.Q ENG.Cabdirasaq axmed jamac

Wednesday 16 March 2011

Maamulka iyo shacabka SSC waxba unoqon maayo nin calooshiisa ushaqayste ah

sscnews….waxaa mahad iska leh ilaahay waxaanu soo koobaynaa horgalka cusub ee ku biiray Maamul ka Siilaanyo Keyse Cabdi Yusuf oo katirsanaa maamulka SSC ,keyse oo muddooyinkiii laga badalay hogaamiyaha birmagaydada ee difaaca SSC ayaa waxay isa soo taraysaa ilaa maalinkaa laga badalay inuu waday xidhiidh ka dhexeeya labada Maamul ee Puntland iyo SNM
waxaana ilo ku ag dhaw dhaw Keyse cabdi yusuf ay u xaqiijiyeen SSCNEWS in Maamulka Puntland ay is af garan waayeen isagoo sheegay cabitan badan oo u kaso maray maamulka farrole intii uu ka tirsanaa maamulka faroole isago ahaa Guddomiyaha Gobolka cayn Faroole oo ilaa muddo ah ku dhex jiray fur furka maamulka SSC ayaa ilaa hadda usuuro galin sidii uu ula soo bixi lahaa Madaxda sar sare ee Maamulka SSC
Keyse ayaa usuuro gali weyday sidii uu dib ugu noqon lahaa Maamulka Faroole isagoo ku an dacooday in markii u maamulkaas kujiray la xumeeyay keyse ayaa wuxuu sheegay in madaxda maamulka faroole ay isku dheceen dibna ugu noqon doonin
keyse ayaa wuxu isku dayay in uu xidhiidh lasameeyo Maamulka Siilaanyo isago ka faaiidaysanaya sidii uu ugu biiri lahaa caada qaatayaasha kujira Mamulka SNM wuxuuna muddaba isku dayay in uu kala fur fur kala dhex dhigo Ciidamada mujaahidiinta SSC ee dagaalka kula jira somalidiidka ee SNM
keyse oo ku fashilmay dagaalkii ugu danbeeyay ee ay wada galeen ciidamada maamulka SSC ee kusugan gobolka cayn iyo ciidamada jabhadda SNM halkaas oo jab xuni kaga dhacay ciidamada Siilaanyo keyse oo isku dayay intuu dagaalku socday inuu ka baxo goobtii uu dagaalka kaga jiray si ay u jabaan mujaahidinta SSC
keyse goobtii wuu ka baxay dagaalkiina guulo ayay ka gaadheen ciidamada SSC keyse oo fakada ayaa waxay is heleen gurmad ka soo baxay tuulada Ballicad oo ah beesha uu kasoo jeedo gurmadkaas ayaa ay isku dheceen ciidanka uu watay keyse iyo kuwan gurmadka ah halkaas u keyse gacantiisa ku dilay askartii la socotay isagoo sheegay inay san dib unoqoneen uu dagaalkaba ka soo baxay halkaas uu khilaaf weyni soo kala dhex galay keyse iyo ciidankii gurmadka ahaa ee kasoo kicitimay ballicad
keyse oo la af garan la yahay ayaa sheegi waayay sababta u dagaalka oga soo baxay waxaana Sirdoonka maamulka SSC AY SOO OGAadeen inuu keyse xidhiidh la leeyahay maamulka SNM Madaxda sar sare ee SSC ayaa xil kaqaadis ku samaysay keyse inkastoon la soo shaacinba xilka qaadistaan
kadib wuxuu isku dayay inuu fur fur kala dhex dhigo ciidamada uu watay iyo kuwii kasoo jeeday beesha u ka mid ka yahay ee ka tirsanaa ciidamo beeleedyo u heeganaa inay dagaalka ka qayb galaan
muddo 2 week ah ayaa kayse la af garan waayay waxaana dhacday in kayse la xidhay muddo dhan labo casho kadibna xal ay ka gaadheen inuu kaligii iska tago meeshuu rabana aado marki lasii daayay keyse wuxuu sii watay xidhiidhkii ka dhexeeyay caadaqaatayaasha ee danaynaya in shacabka SSC la tirtiro
sii dayntii xadhiga laga sii daayay ayaa keyse saddex casho wuxuu ku jiray sidii uu si toosa ugu biiri lahaa Jabhadda SNM ee duulaanka ku ah dhulka SSC keyse wuxu ukici timay tuulada Geed dheer isagoo halkaa kula ballan sanaa qaybo kamid ah caadaqaatayaasha gunno doonka ah halkaas oo la ga sii galbiyay ilaa u istaagay magaalada oog
jabka iyo halaaga uu doontay kaysana aan eego laakiin waxaan usheegayaa shacabka SSC in Maamulka ssc uu san nin iyo lababa uusan waxba unoqonayn shacabka iyo maamulka ssc na waxaan leeyahay guul baa inoo dhawe yaan laga nixin nin doonaya calooshiisa wuxuu ku buuxiyo adduunkuna waa hadhka labadiisa galin.
qore .Mohamed abdinasir mohamed.
jibriil_44@hotmail.com
khartoum , sudaan