E-mail
Written by Abdi Sh. Osman
Saturday, 08 May 2010 09:08
Maqaal(Jidbaale.com):-Iyadoo ay isa soo tarayso talaabada horumarka ah ee gobanimo u dirirka iyo gunimo diidka beelaha SSC, ayaa haddana waxaa si cad u garab socda hagardaamooyinka iyo siyaasadaha dhexroorsan ee maamulada hareeraha ka xiga. Caqabadaha hor yaalay aayo ka tashiga umaddaas waxaa ugu adkaa uguna ciriq xumaa iska horkeenka siyaasadeed ee xubnaha beesha iyadoo la adeegsanayo isla xubnaha beesha.
Aragtida ah inaan beeshu keligeed waxba qabsan karin ayaa iyaduna ahayd dhardhaar wayn oo bohol qarkeed saaran taasoo markasta humaagiisa iyo mudutuulkiisa farta loogu fiiqi jiray qofkasta oo isku daya inuu luquntiisa kor u taago oo yidhaahdo anigu waxaan ahay SSC taas oo wax gunti la geliyo ka tafo dheer kana qaro balaadhan. Bad ma lihid, dekad ma lihid, beero iyo wabiyo ma lihid, waxaas malid oo waxeer malihid … Dhardhaarkii waxaad moodaa inuu bohoshii uu qarkeeda saarnaa kasii dilindiloonayo oo uu u dhawyahay in gabi ahaantiisaba la waayo.
Waxaa iyaduna caqabad kale ahayd arinta toliimada iyo sidee laga yeelayaa Puntland oo lagu dhisay hiraal toleed iyo hiigsi hanaan siyaasadeed oo loo siman yahay laakiin ku soo qayooday “Geeljire geela waa wada jiraa waana kala jiraa” isla markaasna natiijadii isugu biyo shubatay “sinkii seexdaa sicii dibi dhalay”. Waxaad moodaa in caqabadan danbe si fiican iminka uun loogu baraarugay lisaanul xaalkuna uu yahay “tolliimo waa halkeediiye geelasha inoo kala sooca isku dan maanta maaha oo kayguna soddon buu qatimay, kaaguna kalgaab buu ku cabbay oo cusbo iyo carshin mooyee wax kale ma tawane e”.
aas hadii xaajo ku ibo furatay, caqabado badana laga soo gudbay garasho siyaasadeedna loo yeeshay waxaad moodaa in giraantu hadda u weecatay dhinaca xagal daacinta iyo sirdoonka. Arintu waxay gashay xaasaasi, SSC waxay yeelatay ciidamo, Isimadii qaarkood waxaa laga fujin kari waayey arigtidooda siyaasadeed ee aayo ka talinta, waxay lee yihiin , yaa maali jirayeey. Dhaqdhaqaaqa aayo ka talintu gudo iyo dibadba wuu is bilay waxaadna moodaa in lagaga dayrin karo meesha iminka xaaladi marayso QOLATAYN, biyuhuna hadday qolateyn gaadhaan ma nijaasoobaan, laakiin waa la daadin karaa lana khasaarayn karaa. Gobo’da qoraalkayguna waa halkan, waayo waxaa la galay marxalad milateri oo xajiinteeda leh.Waayo Aragnimadii Maxkamadaha!!!
Sida ka muuqada ciwaankan yar waxay maxkamaduhu gaadheen qolateyn waana la daadiyay siyaasadihii loo adeegsaday xiligii iska hor imaadka hubaysana waxaa ka mid ahaa iyadoo lala ciyaaray farshaxan sirdoon oo xeeldheer. Waxaa lagu soo daayey ciidan badan oo tumbul tubbul ah oo aan laga didayn oo kala dan danbeeya laakiin ujeedo iyo dan mida leh; tabeelaha ay wataana ay ku qoran tahay “Waxaan kasoo goosanay Dawlada Federaalka ah” wadaadaduna khary Alle ha siiyee aad uma dhaadin waxaana la isla helay takbiirta Allahu Akbar… maxaa ka danbeeyay. Bal u fiirsada wixii ka dhacay Bandiiradley iyo meelaha la midka ah.
Waxaa iyana tusaale fiican oo la wada xusuusto ahaa markii Ciraaq loosii gurguuranayey dad badan oo reer galbeeda oo iska dhigayey kuwo bini aadanimo dabada ka riixayso. Waxaa fiiso yaal badan loosoo qaatay Baqdaad, waxaana la iska diiwaan geliyey xarumihii loogu talo galay dadkaas laba kaadhlaha ah (double agent) waxaa loo kala qaybiyey meelihii muhiimka ahaa sida wasaaradihii iwm. Waxay dadkaasi sheeganayeen inay yihiin gaashaan dadnimo (human shield) oo aanay marnaba suurto gal ahayn meelaha ay joogaan in la duqeeyo. Maxaase dhacay? Subxaan Allah!. Weli ma maqasheen halqof oo iyagii ka mid ah oo duqayntii ku dhintay? Mase jirtay xarun ka badbaaday duqayntii xoogga badanayd oo aan ka ahayn Wasaarada Batroolka oo ahayd meesha hashuba u dhimatay. Markiise Baqdaad faraha ka baxday uun baa la ogaaday inay dadkaasi ahaayeen hagayaal ciidan oo xirfad sare leh, meelihii loogu talo galayna si fiican uga soo dhalaalay sirdoonkii iyo hogaamintiiba. Hiinraac waa iska jiray laakiin hashu meelbay u dhimanaysay.
Waxaan ayaamahan maqlayaa ciidan baa kasoo goostay Somaliland iyo mid baa ka yimid Puntland, waxaan kaloo maqlayaa taliye hebel ayaa la filayaa inuu dhawaan soo goosto…oo kusoo biiro ciidanka meel hebla fadhiya. Su’aasha is waydiinta lihi waxaa weeye goorma ayay kugu dhalatay inaad ka mid noqoto ciidanka SSC adigoo shalay galab kasoo hor jeeday gebi ahaanba jiritaanka wax la yidhaahdo SSC????
Waxaan rabaa inaan kusoo khatimo tusaalayn taariikhda gashay oo arintan la xidhiidhta. Haddii umadi ka shaqaysanayso danaheeda waad ogtihiin oo looma ogola, waana wax iska dabiici ah. Marka arintu heer militari iyo xaalad dagaal maraysana waa iska caddahay oo waxay la mid tahay “ war wiilka tabcee!!” iyo ‘waad noo wada sheegtay”.
Berigii dagaalkii labaad socday waxaa jiray halyeey Maraykan ah oo wadankiisa nafta u huray. Waa maskaxdii ka danbaysay taabo gelinta qumbuladihii lala dhacay Hiroshima iyo Nagasaki oo Jabaan ah. Saynis yahan kaasi waa J. Robert Oppenheimer. Ninkan waxay goroda isla galeen sanado kadib saaxibadiisii Manhattan Project oo ay qumbuladaha wada samayn jireen iyo siyaasiyiintii kale ee arimiisa danaynaysey. Waxaa lagu eedeeyay inuu shuuciyada lug ku leeyahay waxayna taasi ugu danbayntii dhalisay in loo qabto kulan lagu lafa gurayo arimihiisa iyo inuu weli usii qalmo ka mid ahaanshaha dadka u dhuundaloola siraha istaraatiijiga ah ee maraykanka. In kasta oo aan wax cad lagu helin, jeer danbena (waa wakhtigii madaxweyne Kennedy ye) la siiyay aqoonsi xaal marin siyaasadeed ah; haddana kulankaas la qabtay 1954 waxaa lagaga xayuubiyay aqoonsigiisii dhinaca arimaha amniga (security clearance) wuxuuna ku ekaaday macalinimadiisii jaamacadeed.
Bal isu fiiriya haddaba ninka waxaas oo guul ah hoosta ka xariiqay ee hadana qoonsimaad dardiis lagu aamini waayay inuu sii ogaado wadanka sirtiisa iyo mid laba kaadhle ah oo siduu ugu qayilayey magaalo hebla ama hebla si fudud isaga sheeganaya inuu daacad u yahay wixii uu shalay kasoo horjeeday iskana soo dhex fadhiistay meeshii ukuntu taalay, amase lagu qayb sadey aag dhan oo ciidan ka dibna baqo been layn iyo dib ugarsho intuu bilaabay ciidan kii hargo jaan u tuuray (sidii Kismaayo ka dhici jirtay) halkiisiina baneeyey ileen awalba laba kaadhluu ahaaye…!!!
Waxaan kusoo Kufinayaa
Arimahani waxay la xidhiidhaan amaanka qaranka, waxaa markaa lagama maarmaan ah in la dhiso guddi heer qaran ah oo arimahan loo igmaday bixiyaha hufnaanta arimaha nabadgelyada iyo liisan keedaba (security clearance). Ciddii gudigaasi ay kalsoonida siiso keliyana loo ogolaado inuu noqdo hogaamiye ciidan, ama qof ogaan kara siraha beesha, ama yeelan kara qaraar siyaasadeed oo istaraatiijig ah ama se qorshe hawleed la xidhiidha arimaha dagaalka iyo amniga sida saadka iwm. Ciidamada la sheegayo inay meel helba kasoo baxeena waa in lagu shaandheeyo ciidamada kale ee la hubo kalsoonidooda. Iwm iwm iwm. Qofkii aan kalsoonidaas helin wuxuu doonayaba ha sheegtee wa in aan waxba laga qorin….
Markaa inaga hubiya …. Liibane e
Abdi Sh. Osman
muuse qaanuun waa khabiir soomaaliyeed oo ku takhasusay qawaaniinta iyo sharciyada aduunka iyo tan islaamka haystana darajada masterka gaar ahaan qaybta ( public law),waana maamulaha xarunta cilmibaadhista ee raaid(horseed), kala soo xiriir:(alcabaas8@hotmail.com), wixii qoraalana ugu soo dir
Thursday, 13 May 2010
Tuesday, 4 May 2010
Qabaa’ilka Soomaalidu ma isbahaysi baa mise waa dhalasho
Qabaa’ilka Soomaalidu ma isbahaysi baa, mise waa dhalasho?Wq. Maxamed Hirad April 26, 2010
Muuqaalka oday Soomaaliyeed oo xidhan koofiyaddii duqayda lagu yaqaannay
Arar:
Runtii waa su’aal ay adag tahay in jawaab waafi ah laga bixiyo. Waxa taas daliil u ah, siina adkaynaya innaga oo aan illaa maanta hayn qoraallo ama dokumantiyo taariikhi ah oo arrintaas wax ka yidhi. Waxa keliya ee aynu cuskannaa inta badan waa qoraallo kooban oo dad ajnebi ahi ay qoreen, xilliyo mudada laga joogaa ay aad u yar tahay, marka la barbar dhigo inta ay qowmiyadda Soomaaliyeed soo jirtay. Waxa intaas dheer, kuwaas oo aan dhul badan oo Soomaaliyeed marin, sidaa awgeedna xogta ay ururiyeen ay ku salaysan tahay dad iyo degaanno kooban.
Mar haddii xaal sidaas yahay, qofka doonaya in uu baadhitaan ku sameeyo mawduucan oo kale waxa ku adkaanaya in uu helo qoraallo badan oo uu raadraaco. Marka maqaalkan kooban waxa uu xooggiisu ku salaysan yahay aqoonta duqay Soomaaliyeed oo degaanno door ah oo kala geddisan deggen ama ku barbaaray, aqoon fiicanna u leh qabaa’ilka iyo xogo kale oo aan ka soo ururiyay qoraallo kooban. Waxa intaas dheer oo aan qoraalkan yar iyana u adeegsanayaa suugaanta Soomaalida oo ay ku jiraan sheekooyinka iyo odhaahaha Soomaalida dhexdeeda caanka ka ah.
Aqoonayahanada dersa asalka Soomaalidu waxa ay sheegeen in magaca Soomaali oo qoran ay markii u horraysay ku arkeen hees Xabashi ahi oo ay ku tilmaamayaan qoladaasi sida ay uga guulaysteen dagaal dhex maray iyaga iyo Soomaalida. Marka waxa la dhihi karaa ama muuqata in aan magaca Soomaali laftiisa xog badan laga hayn wixii ka horreeyay dagaaladii Imaam Axmed Guray. Waxase jirta ama laysla garan karaa markii diinta islaamku soo gaadhay dalkan, in dad badani ku noolaayeen degaanka Soomaalida. Kuwaas oo magac, Diin, iyo dhaqan u gaar ah lahaa. Waxa illaa haddeer jira wax badan oo ka sii baaqi ah raadadkii iyo dhaqamadii dadkaas. Waxa tusaale inoogu filan, dab shidka, xabaalaha, sida taallo tiiryaadka, curraafaynta iyo samaanyaha oo dhammaan laga helo ama ka jira geyiga Soomaaliyeed.
Iimaam Axmed Guray
Waxa ay aqoonyahanno badani iyana isku raacsan yihiin in dhulkii loo yaqaannay Punt uu hadda ka mid yahay degaanka Soomaalida, dadkii ku dhaqnaana ay Soomaalidu asal ku leedahay.Daraasado lagu sameeyay hiddaha (genetics) Soomaalida ayaa iyana caddeeyay in dadka Soomaaliyeed ay asal la wadaagaan dadyowga kale ee ku dhaqan Itoobiya, Ereteriya iyo Waqooyiga Afrika sida qawmiyadaha Oromada, Canfarta, Berberka iyo xataa Carabta Waqooyiga Afrika. Waxa intaas dheer afafka qowmiyadahaasi ku hadlaan oo ay isku bah yihiin afka Soomaaliga. Daraasadaha hiddaha asalka Soomaalida lagu sameeyay waxa ay caddeeyeen in dadyowga ku dhaqan Geeska Afrika ee ay Soomaalidu ka mid tahay ay yihiin ummad gaar ah (Distinct Seperate Race) oo ka duwan ummadaha la jaarka ah sida Carabta iyo Afrikaanka kale. Waxa intaas dheer oo daraasadahaas koobani sheegayaan in qawmiyadda Soomaalidu ay jirtay muddo ka badan 4,000 oo sano. Markii diinta Islaamku ka dhalatay Jasiiradda Carbeed oo sida aynu wada ognahay bad yari u dhaxayso iyada iyo Soomaaliya ayaa waxa markiiba ay si hawl yar ugu soo tallowday dhinaca degaanka Soomaalida. Diintaas oo dabcan muddo dheer qaadatay in Soomaali oo dhan ay wada gaadho. Hase yeeshee waxa xaqiiqo ah in ay raad weyn ku yeelatay dhaqanka Soomaalida oo xilligan la joogo dhammaantood wada Muslim ah. Waxase adag in la aamino ama waxa aynu odhan karnaa macquul ma aha dhawr wadaad baa qaran dhan sahal ku qabsaday muddo qaaban. Ama dhawrka Shiikh ee ay Soomaalidu sheegato iyo carruurtiisii baa ka adkaaday oo qaarna dadkii dalkan ka buuxay laayey, intii kalena bara kiciyey oo dhulkii ka qaaday. Midda kale waxa isweydiin mudan meeye dadkii diinta ay u laqimayeen ee dhexdooda diinta ka faafinayeen? Iyagii keliya iyo carruurtoodii baa dalkii oo dhan u hadhay, waa arrin aad cajiib u ah oo caqligu aanu qaadan karin! Markaynu qodobkan ka hadalkiisa soo koobno, sida la garan karo Soomaalidu waxa ay ka soo jeeddaaa dadkii dalka joogay ee diinta la soo gaadhsiiyay muddo hadda kun sano ka badan laga joogo. Waxa ayse dhaqan badan la wadaagaan muslimiinta ku dhaqan Bariga Dhexe iyo dalalka kale ee caalamka Islaamkaba.
Hayb beddelashada Soomaalida:
Ugu horrayn marka aynu arrintan ka hadalaynno waxa mudan marka hore in aan isweydiinno Soomaalida ma dhacdaa in ay haybtoodii hore ka guuraan? Jawaabta su’aashaas oo koobani waxa ay tahay “Haa”. Waxa hubaal ah kollay in lixdankii sannadood ee aan anigu wax kala garanayey dad badani ay haybtoodii bedesheen oo qolo kale ku biireen. Si aynu arrintaa xaqiiqooyin cad ugu keenno waxa aan halkan ku soo bandhigayaa dhowr tusaale oo innoo iftiiminaya sida qabaa’ilka Soomaaliyeed u hayb bedeshaan.
Waxa haddaba jira qabaa’illo badan oo aan la isku diidanayn in ay yihiin bahwadaag ama isbahaysi. Waxa qolyahaas ka mid ah Digil iyo Mirifle, Jaarso, Ciise, Akisho, Bursuug, Garre, Maalin Guur, Muddulood iyo kuwo kale oo badan. I970 kii ayaa waxa aan fasax damcay in aan ku tego magaalada Baydhabo. Xilligaas waxa waddanka ka dillaacay cudurka loo yaqaan Daacuun Calooleedka. Taas oo dhalisay in magaalooyinka iyo gobolada la kala xidho. Waxa aan ku xannibmay tuulo yar oo Baydhabo iyo Buur Hakaba u dhaxaysa. Dadkii deganaa ayaan qof keliyana ka af garan waayey. Akhirkii waxaan masaajid yar ka helay oday saagaashan jir ah oo caalim ah oo na tujinayey. Isagii baan isku af garanay luqadda carabiga oo fusxa ah. Laba habeen oo aan wadaadkaas meel la joogay waxyaabo badan baan ka faa’iiday oo ka qortay. Waxaan waydiiyey, dadka dhulkan degani waa ayo? Waxa uu iigu jawaabay waa Soomaali. Yay ka yihiin baan idhi? Waxa uu iigu jawaabay waa Soomaali oo idil. Waxaan weydiiyey Raxan Weyn waa ayo? Wuxuu igu yidhi waa dhulka oo waxa uu magacaasi tilmaamayaa, waa dhulkii raaxada badnaa. Waxa kale oo aan waydiiyey Digil iyo Mirifle waa ayo? Wuxuu iigu jawaabay dadkaa qaarna beeraha ayay ku dhaqmaan oo waa Digil, Miriflena waa xoolalay. Sida odaygaasi qirayo Raxan Weyn waa is bahaysi ka kooban qabaa’illo badano oo Soomaaliyeed.
Waxa sidoo kale iyana ah qabiilka Ciisaha oo waxa la yidhaa waxa ay u kala baxaan jilibadoodu Ciise iyo soo raac oo sida magacaasi tlimaamayo innoo iftiiminaysa in ay isbahaysi yihiin. Jilibada soo raaca ayaa waxa inta badan dhacda in qabaa’il badani yidhaahdaan annaga ayay asal ahaan naga soo jeedaan.
Sawir ay faraacinadii hore ku muujiyeen xaaskii ninkii xukumi jiray Punt. Punt waxa la rumaysan yahay in ay ku taallay geyiga Soomaaliyeed
Qabaa’ilkan iyagu qirta in ay isbahaysi yihiin sida kuwa aan kor ku soo sheegnay, waa kuwa inta badan ay qabiilooyinka kale bililiqaystaan, gaar ahaan beryahan dambe ee qabyaaladdu siyaasadda aad u gashay ee ay xamaasadda badan yeelatay. Haddaan tusaale kooban kuwaas ka bixiyo jilibo dhowr ah oo Jaarso ah, gaar ahaan Warro Dhaqo ayaa intii ka dambaysay dagaalkii 1977 iyana u digarogtay reer Haaruun (reer, Isaaq, Ogaadeen) iyo Laylkase. Waxa sidoo kale iyana noqday xilliyadan dambe Jibriil Abokor (Sacad Muuse) Warro Oogo oo ahayd Jilib Akisho ah. Waxa iyana sheeko caan ah ka ah Hargeysa iyo inta galbeed ka xigta odhaahda ah Akishadii Cabbanowday. Sheekadaas oo tilmaamaysa qoysas Akisha ahaa oo u hayb bedeshay reer Cabbane (Sacad Muuse). Waxa maanta jira Qoys intooda Jigjiga deggenina yihiin Akisho, inta Hargeysa ku dhaqanina yihiin reer Cabbane.
Hayb bedelashadu kuma koobna beelahaas aan kor ku soo tilmaamay oo qudha. Qabaa’ilada kale sida Daaroodka, Isaaqa, Hawiyaha iyo kuwa kale ee faraha badanba waa arrin si weyn uga jirta. Aan ku bilaabo Shiikhaash (Shiikhaal) oo berigii hore la odhan jiray waxa ay ka soo jeedaan Abubakar Siddiiq, sida ku qoran kitaabka la yidhaahdo Nasrul Mu’miniin ee uu qoray Shiikh Cabdullahi Qudubi, awowgoodna ahaa shiikha ku aasan magaalada Sheekh looguna magacdaray iyo reer shiikh Xasan Kalweyn oo sheegan jiray in ay ka soo jeedaan Cusmaan bin Cafaan. Haddaba Shiikhaash (Loo Boge, Aw Qudub, iyo Gendershe) iyo reer Xasan Kalweyn maanta waa hal reer oo loo bixiyay Martiile Hiraab, ahna qabiil Hawiye ah. Waxa iyana jira qabaa’ilka Xawaadle, Saransoor (Digoodi iyo Gaal Jecel), Gugundhabe iyo Odaajeen oo maanta aynu u naqaan in ay Hawiye yihiin, horese u ahaa qabaa’il iskood u taagnaa.Waxa sidoo kale isna ahaa qabiillo iskood u taagan oo sheegan jiray in ay Saado yihiin ama Carab, reerka Isaxaaqa la yidhaa ee maanta ka midka ah jilibada Habar Yoonis iyo reer Doodka oo Habar Jeclo ka mid ah. Qolada Isaxaaqu waxa ay haybtoodii hore ka guureen illaa 50 kii sano ee u dambeeyay oo aan aniga laftaydu soo gaadhay, halka ay reer Doodku iyagu beri dhaweyd uun toos u sheegteen Habar Jeclo. Waxa iyana intii xornimada ka dambaysay hayb bedeshay Fiqi Shinni oo ahaa Ajuuraan, haddase ah Ayaanle, Cayr, Habar Gidir. Waxa kale oo la sheegaa qolada la yidhaa Cali dheere oo maanta ah Wagar Dhac oo Mareexaan ah, in ay asal ahaan ka soo jeedaan Cayr, Habar Gidir. Qolada kale ee hadda la yidhaa Damal Muuse ee dega Galkacayo ayaa iyana illaa 64 kii ka hayb bedeshay Dir oo noqday Muuse Carre oo Habar Yoonis ah.Waxa halkan malaha mudan in aan ku xuso sheeko beri dhexdii ahayd lagu faafiyay qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa. Kaas oo qoray sheeko ku saabsanayd laba reer oo haddeer kala ah Gadabuursi iyo Isaaq in ay wada siyaartaan hal oday oo ay wada sheegtaan in ay ka soo jeedaan. Labadaas reer ayaa qoraalku sheegay in ay istuseen in malaha ay isku asal yihiin, balse qolo weliba ku adkaysatay in ay halkeeda ku negaato. Qolada Gadabuursiga oo marar qaar dadku ku tilmaamo isbahaysi waxa jira reero badan oo aan lagu murmin in ay qolyo kale yihiin. Waxa reerahaas ka mid ah Xeeb Jire oo la sheego in ay Shiikhaash yihiin, Muuse Fiin oo la yidhaa waa Ogaadeen iyo reer Nuurka oo dadka qaarkiis ku sheego in ay Ciidagale ahaayeen.Dhinaca gobolada bariga oo dad badani ku tilmaamo meesha Soomaalidu ay asalkeedii ka soo fidday ayaa waxa la sheegaa reero badan oo ku dhaqnaan jiray, maantase aan cidi ka joogin. Waxa qabaa’ilkaas ka mid ahaa Reer Waa Rag, Leg dhufso, Odayo qoyan, Qabsan Dulle, Qayraanshe iyo qolyo kale oo badan. Kuwaas oo maanta dhammaantood ku dhex milmay reerka Majeeteerteen ee Hartiga ah. Reerka Dhulbahantaha ayaa iyana la sheegaa in qolyo badani ku dhex milmeen. Tusaale ahaan waxa Dhulabahantaha dhexdiisa caan ka ah magaca la yidhaa Ilma Halal Gob ah oo la sheego in ay ahaayeen qabiil jiray, balse maanta Dhulabahante uun ka mid ah. Waxa iyana dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay soo baxay qolada Jambeel oo la yidhi waa Cabdi Koombe. Anigu intii aan wax kala gartay oo 60 sano kor u dhaafay waxa aan maqli jiray Koombe waa 4: Geri, Harti, Xarle iyo Jiiraan. Jambeel waxa aan marar maqlay waa reer Cabdi oo Geri ah. Si kastaba ha ahaatee Cabdi Koombe waa wax aan hore u jirin, qoladaasina waxa suuragal ah in ay ama Geri yihiin ama Harti.Haddaan qaybtan soo duuduubo waxa aan jecelahay in aan xuso qola Madhibaan ah oo sannadkan horraaantiis qolyo ka mid ah iyaga iyo xubno ka tirsan beesha Habar Yoonis isku dayeen in ay haybtooda u bedelaan qolo ay u bixiyeen Kuul Carre. Sheekadaas oo muddo dhowr bilood ah socotay waxa ay akhirkii ku baaba’day ka dib markii xubno muhiim ah oo ka tirsan labada dhinac ay ka horyimaaddeen mashruucaas. Runtii halkan kuma dhamma tusaaleyaasha laga bixin karo hayb bedelashada iyo qabaa’ilka Soomaalida. Waxase aan la dafiri Karin in hayb ka guurku uu yahay arrin aan ku cusbayn Soomaalida dhexdeeda, balse loo baahan yahay in si cilmiyaysan loo derso. Waxa xaqiiqo ah in aanu jirin Soomaalida dhexdeeda qabiil odhan kara waxa aannu nahay saafi oo iskuma dhex walaaqnin. Haddii malaha DNA dooda la baadhi lahaa wax badan baa malahayga soo bixi lahaa oo kala caddaan lahaa.
Reer Guuraanimadu waa dhaqan qadiimi ah oo Soomaaliyeed
Sheekooyinka caanka ka ah Soomaalida dhexdeeda:
Soomaalidu wax badan taariikhdeeda qoraal laguma wada hayo. Ha yeeshee waxa in badan laga heli karaaa suugaanta oo tix iyo tiraabba leh. Waxa iyana aad u badan sheekooyin iyo odhaahyo si weyn innoogu iftiimin kara mawduucan maqaalku ku saabsan yahay ee ah hayb ka guurka.
Haddaan qaar kooban ka xusno sheekooyinkaas tilmaamaya in dadku isku dhafan yihiin waxa ka mid ah: Ogaadeen waa wiil tagoogo iyo wiil talo. Taas oo macanaheedu yahay dadka reerkaas wada sheegta qaybina waa dhalasho, inta kalena heshiis bay Ogaadeen ku noqdeen. Waxa odhaah taas la mid ah iyana laga sheegaa reerka Abagaal oo waxa la yidhaa: Abgaal waa Abgaal iyo muggiis oo laga wado inta dhalasho Abgaal ku ah iyo inta kale wey isle’eg yihiin. Dadka qaar baa magaca Abgaal ku fasira waa Gaalle oo dhan. Kuwa sidan dambe wax u tilmaamaa waa kuwa qaba in Soomaalidu ay Oromada asal ahaan ka soo jeeddo.
Waxa iyana Soomaalida dhexdeeda caan ka ah beyd gabay ku jiray oo la yidhaa “Sacad waa Ogaadeen haddii loo abtirinaayo” oo tibaaxaysa sheegashada ah in reer Sacad yidhaa aanu ahayn Habar Gidir oo uu yahay Makaahiil, Ogaadeen. Waa sheekadaa barbartaal mid kale oo wax ka sheegta reerka kale ee Habar Gidir ee la yidhaa Saruurka. Waxa la yidhaa Odaygii Madar Kicis Hiraab ahaa ee Habar Gidirta dhalay oo wiilkiisii bahal ka cunay ayaa ku ducaystay in kan Eebbe uga dhigo inankiisii. Odayga oo la sheego in uu indha la’aa baa la yidhaa waxa uu ku ducaystay sidan: San weynaa oo sarara weynaa Ilaahow Saruur Madar Kicis iiga dhig. Waxa iyana dadku aad u yidhaahdaan Odaygii Daarood ahaa weli waa dhalaa. Taas oo looga jeedo in xilli walba aad arkayso qolo cusub oo Daarood ah.
Si kastaba ha ahaatee waxa aan shaki ku jirin in qabaa’ilka Soomaalidu yihiin dad isku dhafan, haybsooca ay isku samaysaana aanu sal iyo raad toona lahayn. Waxa kale oo iyana xaqiiqo ah sida lagu xusay daraasado kooban oo lagu sameeyay hiddaha Soomaaliyeed in ay Soomaalidu tahay qawmiyad ka da’ weyn odayada ay sheegato in ay ka soo jeedaan.
Gabagabo:
Ugu damabayn waxa dhab ah in aan maqaalkan yar ee kooban oo aan ka soo dheegay buug yar oon aan qoraalkiisa ku guda jiro, kana hadlaya Hayb Takoorka in aan lagu soo koobi karin arrinta ku saabsan hayb bedelashada. Runtii waa mawduuc weli dihan, una baahan in daraasdo badan lagu sameeyo. Waxase xaqiiqo ah aan la iska indho tiri karin in qabaa’ilka Soomaalidu aanay sal mug weyn leh ku fadhiyin, khaasatan dhinaca sheegashada isirka.
Raadraac: 1- Risch et al. (1999), Categorization of humans in biomedical research: genes, race and disease, Genome Biol. 2002; 3(7): comment2007.1–comment2007.12.
2. http://en.wikipedia.org/wiki/Somali_people3. http://somalitalk.com/2009/11/18/baaq-uu-soo-saaray-af-hayeenka-beelaha-kuul-carre
3. http://somalilandinfo.com/node/63624. http://wardheernews.com/News_09/November/19_Beel_u-diga_roganaysa_beel_kale.html
Maxamed HiradE-mail: xagar2000@yahoo.com

Saturday, 1 May 2010
maanso abwaan u tiriyey cali buhoodle
iidoor dantiis gaadh
majeerteen madiirnoxo
dhulbahante damiir male
iidoor dantii gaadhyoo
damiciisa meel mari.
ku dadaal dakana hore.
daqaradii kudhacay beri.
inta ayan duugnoqon.
doogtii kadaba tago.
aargoosto dabadeed.
doolarkiisu dahab noqoy.
wax lgu dagaal gallo.
dadkaqaar ku iibsade.
kidalxiis halkuu rabay.
ku digkee dix iyo laas.
kkuna digay dadkuu rabay.
siduu doonayaaba yeel.
diilintuu kudoodaadiyo boocaduu joogaa.
oo dowlad buu isu haystaa.
isku duubni awgeed.
majeerteen madiirnoxo.
danqashiyo walaal maleh.
daacad iyo xigaal maleh.
hiil iyo dabiib maleh.
marka uun dan leeyahay.
harti uu kudoodaa iyo
daarood ismaaciil.
walaalnimo wax lagu dago
ayuu kula dul joogaa.
marka aad daligantahay.
dagaal iyo dab uujiro.
dirta aad isheysaan.
ee in uukula dagaal galloiyo
kadoonayso duulaan.
iska daa wax uutaro
wuu kugu digtaa yoo
kusii durundureeyaa.
dhulbahante damiir maleh.
damac maleh danguud maleh.
waxan diid dadnimo maleh.
diciif nimo kadirir maleh.
isku duubni doon maleh.
dalka maqan udirir maleh.
dabadhilifka dab maleh.
doolar qaate dilla maleh.
iidoor duqee male.
majeerteen madiirnoxo
dhulbahante damiir male
iidoor dantii gaadhyoo
damiciisa meel mari.
ku dadaal dakana hore.
daqaradii kudhacay beri.
inta ayan duugnoqon.
doogtii kadaba tago.
aargoosto dabadeed.
doolarkiisu dahab noqoy.
wax lgu dagaal gallo.
dadkaqaar ku iibsade.
kidalxiis halkuu rabay.
ku digkee dix iyo laas.
kkuna digay dadkuu rabay.
siduu doonayaaba yeel.
diilintuu kudoodaadiyo boocaduu joogaa.
oo dowlad buu isu haystaa.
isku duubni awgeed.
majeerteen madiirnoxo.
danqashiyo walaal maleh.
daacad iyo xigaal maleh.
hiil iyo dabiib maleh.
marka uun dan leeyahay.
harti uu kudoodaa iyo
daarood ismaaciil.
walaalnimo wax lagu dago
ayuu kula dul joogaa.
marka aad daligantahay.
dagaal iyo dab uujiro.
dirta aad isheysaan.
ee in uukula dagaal galloiyo
kadoonayso duulaan.
iska daa wax uutaro
wuu kugu digtaa yoo
kusii durundureeyaa.
dhulbahante damiir maleh.
damac maleh danguud maleh.
waxan diid dadnimo maleh.
diciif nimo kadirir maleh.
isku duubni doon maleh.
dalka maqan udirir maleh.
dabadhilifka dab maleh.
doolar qaate dilla maleh.
iidoor duqee male.
Subscribe to:
Posts (Atom)